War Deg Deg Wadahadaladii Adis Ababa: ee u dhexeyey shikh axmed madoobe iyo xasan sheikh maxamud Is-afargarad haatan la gaaray “Hordhac”

0
Friday August 23, 2013 - 21:01:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Wadahadaladii Adis Ababa: ee u dhexeyey shikh axmed madoobe iyo xasan sheikh maxamud Is-afargarad haatan la gaaray “Hordhac”

    Wararka ka imaanaya Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in goordhow lasoo gaba gabayn doono wadahadalkii udhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in goordhow lasoo gaba gabayn doono wadahadalkii udhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe. Wararka ka imaanaya Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in goordhow lasoo gaba gabayn doono wadahadalkii udhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.
Xog aan goordhow helnay ayaa sheegaysa in lagaaray heshiis hordhac ah kaas oo soo gaba gabayn doona khilaafkii labada dhinac udhaxeeyyay.
“Hormar ayaa laga sameeyay wadahadalka labada dhinacna waxaa ay haatan gaareen heshiis hordhac ah” ayuu yiri Sargaal qariyay in magaciisa aan shaacino.

Arimaha sida hordhac ah loogu heshiiyay ayaa waxaa kamid ah in la aqoonsado maamulka iyo magaca Maamulka Juubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Hase ahaatee waxaa qasab noqonaysa in xubnaha maamulka ee lasoo dhisayo sida Wasiirada iyo Xildhibaanada ay talo weyn kulahaato dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale Heshiiska ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu dhigayo in madaxweyne Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa Gen Fartaag ay soo magacaabayso dowlada Soomaaliya mudo sedex sano ahna xilkaas ay hayn doonaan
Kulanka labada dhinac ayaa haatan soconaya iyadoo lagu wado in heshiiska rasmiga ah ay saxiixaan saacadaha soo aadan.
office
xogreebnews.com-muqdisho



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured