Dowladda Somaliya Oo Ajaanibta Dalka Imanaya Ugu Baaqday In Ay Isa Soo Diiwaan Galiyaan Si Amnigooda Loo Dammaanad Qaado

0
Friday August 23, 2013 - 19:14:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliya Oo Ajaanibta Dalka Imanaya Ugu Baaqday In Ay Isa Soo Diiwaan Galiyaan Si Amnigooda Loo Dammaanad Qaado

    Muqdisho(xogreebnews.com) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Ajaanibta dalka soo galaya iney dowladda lasoo xiriiraan isla markaane ay isdiiwaan galiyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Ajaanibta dalka soo galaya iney dowladda lasoo xiriiraan isla markaane ay isdiiwaan galiyaan Muqdisho(xogreebnews.com) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Ajaanibta dalka soo galaya iney dowladda lasoo xiriiraan isla markaane ay isdiiwaan galiyaan si dowladdu ay u ballan nqaado amnigooda inta ay ku sugan yihiin gudaha dalka,afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa sheegay in xukuumaddu ay farayso dhammaan dadka Ajaanibta ah ay isdiiwaan galiyaan.

Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii lagu dhaawacay haweeney u dhalatay dalka Sweden oo weerar lagu qaaday xilli ay kasoo baxday Jaamacadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho,wuxuuna tilmaamay in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen qaar kamid ah dadkii falkaas masuulka ka ahaa.

Ridwaan Xaaji ayaa tibaaxay in ciidamada amnigu ay gacanta kusoo dhigeen Saddexdii Nin ee geystay weerarka lagu qaaday haweeneyda Swedishka ah,wuxuuna intaa ku daray iney ku raad joogaan Labo ruux oo sida uu sheegay iyagu soo abaabulay kuwaas oo uu sheegay in dowladdu ay heshay xog ku saabsan.

Afhayeenka xukuumadda ayaa tilmaamay in weerarka lagu qaaday hweeneyda Swedishka ah uu ka bedelnaa weerarada ay alshabaab magaalada ka fuliyaan,wuxuuna farta ku fiiqay in taasi ay daliil u tahay in dad ka baxsan alshabaab ay ku hawlan yihiin qalqal galinta amniga magaalada Muqdisho.

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaashaamaan doonto dhibaatada ay dadkaasi magaalada ka wadaan,wuxuuna intaa raaciyey in gacan bir ah lagu qaban doono lalana xisaabtami doono sida uu sheegay.

xogreebnews.com- Muqdisho Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured