Laba-Aan Is-qaban: Dardaarankii RAYAALE Iyo Duruufaha Maanta Qaybtii 8aad

0
Friday August 23, 2013 - 19:09:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba-Aan Is-qaban: Dardaarankii RAYAALE Iyo Duruufaha Maanta Qaybtii 8aad

    Xukuumadii xigtay ee uu Madaxda ka ahaa Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo runtii iyadu aan ku iman hanaanka kala-wareegga Doorashada, hase yeeshee, dhalatay kadib markii uu geeriyooday Madaxweynihii markaa talada hayey Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadii xigtay ee uu Madaxda ka ahaa Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo runtii iyadu aan ku iman hanaanka kala-wareegga Doorashada, hase yeeshee, dhalatay kadib markii uu geeriyooday Madaxweynihii markaa talada hayey Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal, Xukuumadii xigtay ee uu Madaxda ka ahaa Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo runtii iyadu aan ku iman hanaanka kala-wareegga Doorashada, hase yeeshee, dhalatay kadib markii uu geeriyooday Madaxweynihii markaa talada hayey Marxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal, waxa lagu xasuustaa muddadii ay xilka haysay hirgelinta hanaanka Xisbiyada badan iyo taabo-gelinta Doorashooyinka Casriga ah ee ku dhisnaa nidaamka Codka tooska ah.
Haddaba, marka Xukuumadihii hore ee Somaliland Suurtogeliyeen Nabadgelyada, hubka-dhigista, ka Shaqeysiinta hay’adaha dawliga ah, Maamul — daadejinta nidaamka dawlad-nimo, abuuritaanka nidaamka Axsaabta badan, qabashada Doorashooyinka qaybaha kala duwan ee dawladnimada. Waxa is weydiintu tahay ama’se qof kastoo Siyaasada la socday garan karaa waxa looga baahan yahay Xukuumada talada haysa inay bulshada u qabato, waxa kaloo qofka noocaasi ahi garan karaa waxa aan xaq loogu lahayn Xukuumada;-

Dhinaca Amniga:-
Inkastoo waajibaadka laga sugayey Xukuumada cusub aanu ahayn mid ku salaysan hawlaha nabadaynta Beelaha iyo Sugida amniga oo hawshaa ay hore u soo qabteen sidii aynu soo sheegnay Xukuumadihii hore. Sidaa awgeedna waajibaadka laga filayey ku ekaa inay ka hawl-gasho sidii wax uga qaban lahayn horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka. Hase ahaatee, siday tilmaamaan dadka Siyaasada ku takhasusay burburka dhaqaale waxa ka weyn burburka maamul, sidaa darteed tallaabooyinkii u horeeyey ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo qaaday oo noqday qaar Jaanta u qaaday dhinaca guracan, sida xilka xayuubistii lagu sameeyey dhamaan masuuliyiinta hay’ada sare, hoose iyo Shaqaale hoosaadkii Dawlada, tallaabadaas oo ahayd mid loo qaaday dhinaca guracan oo aan qaab Siyaasi looga fikirin, balse si loogu dhaqaaqay qaab Caadifadaysan, waxay bedeleen ama dhalan-rogeen barnaamij Siyaasadeedkii looga fadhiyey Xukuumada Mujaahidka ee ahaa wax-qabad horumarineed, taasoo keentay in dib Qarankani ugu noqdo Shan Sano ka hor mustawihii iyo maqaamkii uu taagnaa ee nabadayn iyo xalinta khilaafaadka beelaha, sida mashaqada iyo Colaada ilaa Maanta ka taagan Gobolada Bari ee dalka. Wallow masuuliyada arimahan sababtooda cidda leh lagu kala aragti duwan yahay oo dadka qaarkii qabaan u nisbeeyaan masuuliyadooda kooxda Madaxweyne u xushay Golihiisa Wasiirada, oo iyagu khibrad iyo Waayo-aragnimo ku filan oo dhinaca maamulka iyo maareynta la xidhiidha aan lahayn, hase-yeeshee, waxa jira dad aragti taa ka duwan qaba oo iyagu eedaha arintan u xambaariya Madaxweyne Siilaanyo, kuwaasoo aragtidooda u daliilashada in cidda bulshadu dooratay ee ay masiirkeeda ku aamintay uu yahay Mudane Axmed Siilaanyo, isagana looga baahnaa inuu ka duullo qorshihii Qarankani kusoo taabo-qaaday ee soo dhisnaa tan iyo 1991-kii, sidoo kalena xog-ogaal u noqdo tallaabooyinka ay ku kacayaan Golaha Xukuumadiisu. Lasoco Caddadka dambe.. ee Wargyska Yool



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured