Afhayeenka Mid Kamid ah Beelaha Dirirtu Dhex-martay oo Xukuumadu ku Eedeeyey Inay Iska Dhego-Martay Xallinta Arinta Khilaafka Dhalisay
Oog(xogreebnews.com--Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka God-heyle oo 20 KM Waqooyi ee Bari kaga beegan Degmada Oog ee Sool ee Shaqaaqadii Habeen hore Oog(xogreebnews.com--Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka God-heyle oo 20 KM Waqooyi ee Bari kaga beegan Degmada Oog ee Sool ee Shaqaaqadii Habeen hore Shaqaaqadu ku dhex-martay laba beelood oo Deegaanka wada dega, ayaa sheegaya in xaalada Deegaanku hadda degan tahay, sidoo Wufuudii Dawlada iyo Madaxdii Dhaqanka ee ergada ugu baxay badidoodii gaadheen Deegaankaas iska hor-imaadku ka dhacay.
Wufuuda Xukuumada ee Deegaankaa tegay, ayaa Warbaahinta u sheegay in Xaalada Deegaanku xasiloon tahay, lana kala dhex dhigay dhinacyada Dirirtu dhex-martay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka. Intaa qorshahoodu yahayinay inay la kulmaan dhinacyada khilaafku u dhexeeyo. Rabshadaha sababay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay Deegaanka God-heyle oo sida Wararku sheegayaan ay ku naf waayeen 6 Ruux oo kasoo labada Beelood ee Dirirtu dhex-martay, halka mid ka mid ah labada dhinac dhaawacooda lagu sheegay 5 Ruux, ayaa ahaa mid lagu war helay markii labadu faraha baxday Arbacadii Doraad. Hase-yeshee, Afhayeenka Madaxda Dhaqanka ee Beesha Sacad Yoonis (Habar-Yoonis) Yuusuf Warsame Cumar oo Wargeyska Yool Xalay kula xidhiidhay Khadka Telefoonka isagoo jooga Deegaanka Xiisadu ka taagan, ayaa sheegay in arinta Dagaalka sababtay ee hadda lagu baraarugay aanay ahayn mid hadda bilaabantay, hase-ahaatee khilaafka arintani uu soo taxnaa in muddo ah oo warkeedu Xukuumad iyo cid walba gaadhay, balse aanay jirin cid isku dayday inay wax ka qabato. Sidoo kale, waxa uu Yuusuf Warsame Cumar sheegay in xiisada God-heyle ay salka ku hayso Sahaminta Shiidaalka ee laga wado Deegaanka labada Beelood wada Deegaan oo Xukuumadu labada Beelood tabashadooda midna kala Xaajootay midna iska dhego-tirtay. Yuusuf Warsame Cumar oo xog-waran ka bixinayey sida ay Shaqaaqadu ku bilaabantay iyo arimo kale oo dhowr ah, waxa uu yidhi; “..Khilaafku beryahanba wuu isa soo taraayey, laakiin dilku wuxuu dhacay Shalay, markaa markii hore Nin baa dhintay, waxanu ku dhintay si dhex-dhexaadin ah oo aan ku talo-gal ahayn, kadibna dabadeedna iyadoo lagu mashquulsan yahay in la soo qabto Ninkii dilka geystay ayaa Beeshii Marxuum kasoo jeeday oo ah Beesha Muuse Abokor (Habar-Jeclo) markiiba weerartay Beeshii kale. Dabadeedna waxay dileen Saddex Nin, toddoba kalena wey dhaawaceen. Waxa weerarkaa soo qaaday dablay hubaysan oo tiradoodu u dhexeyso 80-90, markaa waxaanan kala garanayn in Siyaasadi ku jirto iyo in ciddi ka dambeyso. Kadibna qolada kalena waxay dileen laba Nin. Markaa wuxuu ku saabsan yahay Beryahanba waa tii Sahamin dhinaca Shiidaalka ahi jireen, markaa wada-hadalkii ay Xukuumadu la gashay qolada Shiidaalka waxay ku koobnaayeen qolyaha Habar-Jeclo oo keliya, Deegaankana wey wada degan yihiin, marka sida qoladan Xukuumadu la hadashayba ay wax u doonayeen kuwana (Sacad Yoonis) wax u doonayeen, laakiin Tabashadoodii iyo barnaamijkoodii cidna ma dhegaysan. Markaa beesha aan Afhayeenka u ahay waxay aaminsan yihiin in Xukuumadu ay doonayso inay xoog ku muquuniso..”. Mar uu Wargeysku Su’aal inay arintan Xukuumada xidhiidh kala yeesheen iyo haddii ay jirto cidda xidhiidhku dhex-maray, waxa uu yidhi; “..Dadku inta badan waxay la xidhiidhaan Ninkan Madaxtooyada ee Xirsi (Wasiirka Madaxtooyada), waa loo sheegay dhowr ilaa laba jeer oo waa laga la hadlay, laakiin waxba laga ma qaban.. Leave a comment |
|
Afhayeenka Mid Kamid ah Beelaha Dirirtu Dhex-martay oo Xukuumadu ku Eedeeyey Inay Iska Dhego-Martay Xallinta Arinta Khilaafka Dhalisay
Oog(xogreebnews.com--Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka God-heyle oo 20 KM Waqooyi ee Bari kaga beegan Degmada Oog ee Sool ee Shaqaaqadii Habeen hore