Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Degtay Magaalada Shangahai Ee Dalka China “SAWIRRO”

0
Friday August 23, 2013 - 11:00:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Degtay Magaalada Shangahai Ee Dalka China “SAWIRRO”

    Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa gaaray magaalada Shangahai ee caasimada dhaqaalaha dalka shiinaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa gaaray magaalada Shangahai ee caasimada dhaqaalaha dalka shiinaha. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa gaaray magaalada Shangahai ee caasimada dhaqaalaha dalka shiinaha.

Waiirada waxaa garoonka diyaaradaha ee Shangahia ku soo dhaweeyay madax sar sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda Shiinaha iyo Danjiraha Soomaaliya ee dhulweynaha Shiinaha Amb Yuusuf Dheeg.01Wafdiga ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa mudo todobaad ah ku sugnaan doona dalka shiinaha waxeyna la kulmi doonta maalmaha Axada iyo Isniinta Madax sar sare oo ka tirsan dalka shiinaha sida Raisul wasaare ku xigeenka, Madaxwaynaha iyo Wasiirka Arrimaha dibeda ee shiinaha.

Fowziya ayaa kala hadli doonta madaxda shiinaha sidii ay uga qeyb gali lahaayeen dib u dhiska soomaaliya iyo sidii ay u soo celin lahaayeen mashaariicdii horumarinta oo ay ka wadeen Soomaaliya burburkii ka hor.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud, guriyaynta iyo tamarta diplomaasiyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibeda soomaaliya iyo xubno ka mid shaqaalaha xafiiska raisul wasaareku xigeenka.011Fowziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa madaxda Shiinaha u gudbin doonta dhanbaal ay ka wado madaxwaynaha Soomaaliya oo ku saabsan sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay wax wada qeybsi iyo iskaashi dhex maralabada dal,waxaa kale oo ay raisul wasaare ku xigeenku booqan doonta shirkado gacansi iyo qaab dhismeedka magaalooyinka waaweyn ee dalka shiinaha si Soomaaliya ay fikrad uga qaadato.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ku sii hakatay dalka magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar waxana ay halkaasi kula kulantay madax sar sare oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibeda dalkaasi oo ay kala hadashay sidii ay dowlada Qatar u laba laabi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya,

Madaxda Qatar ayaa raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ku amaanay horumarnka ay xukuumada Soomaaliya gaartay mudadii koobnayd oo ay jirtay.02 03 04 05 06 07 08 09 010




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured