Wararkii u danbeeyay ee Colaada degmadda Oog iyo wasiiro gaadhay

0
Thursday August 22, 2013 - 20:49:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii u danbeeyay ee Colaada degmadda Oog iyo wasiiro gaadhay

    Ceerigaabo(xogreebnews.com- Kaddib iska hor-imaadku sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalayto laba beelood oo wada dega ku dhexmaray God-heeli (Degaanka Gowsaweyne). Ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceerigaabo(xogreebnews.com- Kaddib iska hor-imaadku sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalayto laba beelood oo wada dega ku dhexmaray God-heeli (Degaanka Gowsaweyne). Ayaa Ceerigaabo(xogreebnews.com- Kaddib iska hor-imaadku sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalayto laba beelood oo wada dega ku dhexmaray God-heeli (Degaanka Gowsaweyne). Ayaa wararka ugu danbeeyey ee degaankaas naga soo gaadhayaa sheegayaan in xiisadda colaadeed circa isku sii shareerayso labada beeloodna meelo ka mid ah degaannadaas gurmadka isu soo urursanayaan lagana yaabo dagaal fool-ka-fool ahi inuu ka dhex bilaabmo mar kale.

Dhinaca xukuumadda Somaliland inkastoo Wasiirrada kala ah Arrimaha gudaha, Duulista & hawada, Wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo weliba Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Boliiskuba ku sugan yihiin gudaha magaalada Oog oo ay manta gaadheen, ilaa xalaytona ciidammada qaranku degaankaas soo gaadheen haddana ma muuqato ilaa hadda tallaabo lagu xakamyn karo xiisaddan colaadeed ee degaankaas ka aloosantay oo xukuumaddu ku tallaabsatay marka lagareebo amar sida la sheegay wasiirradan iyo taliyayaasha ciidamnmadu ku bixiyeen in gudaha magaalada ay ka baxaan raga hubaysanee halkaas ku sugnaa

“Wasiirrada Arrimaha gudaha, Duulista & hawada, Wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo weliba Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Boliiskuba halkan (Oog) aya joogaan intubana waa hurdaan welina wax tallaabo ah ma qaadin”. Sidaas waxa yidhi weriye kusugan Oog oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay. Wuxuna intaas kusii daray “Gowsaweyne madax-dhaqammeed Habarjeclo ah ayaannu kusii dhaafnay Oogna Sacad Yooniskaa jooga Sincarrona gurmadku labada dhinacba waa kasoo gelayaa”.
Waxa kaloo weli aan goobtaas gaadhin madax-dhaqameedyo (Salaadiin iyo Boqorro) kazoo kicitimay dhinaca Hargeysa oo tiradoodu ahayd lix haseyeeshee intay dhexda kusoo jireen subaxnimadii hore ee saaka Suldaan-barre oo ka mid ahaa isaga iyo baabuurkiisiiba Daad ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq.
Wararka kale qaarkood ayaa sheegaya Sincarro oo ka mid ah magaalooyinka labadan beelood wada degaan in ay jirto xiisad kazoo kordhaysa oo xaaladdu khatar u tahay in xabbaddu afka ka baxdo kaddib markii sida la sheegay labadan beelood midkood ay beesha kale ku wargelisey in ay magaaladaas iskaga baxaan taasoo sababtay gurmadkan labada dhinacba la isu soo urursanayo
Taliyaha boliiska Sanaag G/le-Xasan Ismaaciil (Gacmayare) oo isaguna sida uu sheegay kusii dhow magaalada Oog ayaa sheegay in laba nin oo salayto gaadashi lagu diley wax ka danbeeyey aanay dhicin xaaladduna deggan tahay ciidammaduna gacanta ku hayaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured