Madaxweyne Siilaanyo Oo Eheladii Uu Ka Baxay Suldaan Bare Warsame Shire Tacsi U Diray + Akhriso

0
Thursday August 22, 2013 - 19:50:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Eheladii Uu Ka Baxay Suldaan Bare Warsame Shire Tacsi U Diray + Akhriso

    Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay oday Dhaqameed qaran oo hormood u ah xalinta iyo khilaafaadka kana soo qayb qaatay Nabadayntii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay oday Dhaqameed qaran oo hormood u ah xalinta iyo khilaafaadka kana soo qayb qaatay Nabadayntii Hargeysa (xogreebnews- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray eheladii, qoyskii iyo shacabka reer Somaliland geerida Naxdinta Leh ee Ku Timid Marxuum Suldaan Bare Warsame Shire.
Allah ha u naxariistee Marxuumka oo ka mid ahaa wafti sulaadiin ah oo socdaal nabadayn ah ugu baxayay Ceel afweyn, ayaa waxa xalay qaaday dooxa Dacar Budhuq.


Hadaba warsaxaafadeed uu madaxweynuhu ka soo saaray Qasriga Madaxtooyadda ayaa waxa uu u dhignaa sidan


Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golayaasha Qaranka, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsi-yadaynaaya geerida ku timid SULDAAN BARRE WARSAME SHIRE oo Xalay ku geeriyooday 21/08/2013 Shil-baabuur oo daad ku qaaday Dacar-budhuq isagoo Marxuumka ka mid ahaa wefti balaadhan oo u kicitimay xalinta shaqaaqo Ceel-afweyn ku dhexmartay laba beelood oo walaalo ah.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay oday Dhaqameed qaran oo hormood u ah xalinta iyo khilaafaadka kana soo qayb qaatay Nabadayntii beelaha Somaliland, Hubka dhigistii ciidamada iyo wada noolaashaha beelaha somaliland.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tilmaamay in marxuumku yahay tiir ka mid ah tiirarka madax-dhaqamka oo ka baxay bulshada reer Somaliland, ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golaha guurtida, Golaha wakiilada, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured