Maareeyaha Dekedu Ma Suldaan Baa Mise Waa Maareeye

0
Thursday August 22, 2013 - 19:47:22 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedu Ma Suldaan Baa Mise Waa Maareeye

    Pre:-cali guleed xaj oscar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Pre:-cali guleed xaj oscar Waxaa iminka aad uu fara batay dulmiga iyo tacadiyadii lagu hayay shaqaalaha dekeda berbera

Tan iyo intii xumadda maddaxweyne ahmed maxamud silaanyo taladda dalka la wareegtay waxaa inagu soo farabadanaayay in maareeyaha dekeda berbera tan iyo intii xukumada talada dalka haysaa ay soo celisay maareeyaha dekeda berbera in uu kala garan layahay

Shaqada maareeyenimo iyo tan reeraha oo intii uu joogay dekeda arimaheedii odhan faraha ayuu ka qaaday oo Waxaa uu isku mashquuliyay suldaano iyo caaqilo danta reeraaha burburinayaa marka waxaan odhan lahaa Mala dekeda in aad maamuusho

laguma soo celiin ee waxaa lagu soo celiyay sidii aad reeraha uu baabiin la hayd

Dan iyo duco sidii aad uu baabiin lahayd waxaan ku odhan lahaa waxba reeraha haysku mashquuliinine reeruhu aayahoodii bay ka tashadeene bal adigu ka adkow shaqadaada qarnku ku dhibtay oo waxaa ku saran waajiibaad Xaga alle iyo xaga bini;aadamkaba shaqaalahaaga dekeda berbera way dayacan yihiin ee alle ka baq oo shaqalahaaga hoos uu eeg oo cadaalad uu same Waxaa dekeda berbera ku gubtay markabkii labaad intii uu cali xorxor xilka hayay marka waxaa ku leeyahay marakiibtu inta ay gubanayso oo aad ku mashqulsan tahay wax aan shaqadada

Ahayn runtii waad ku fashilantay in aad bakhtiiso markiibtaa ma waxaad garan Wayday farsamo la kaalay oo taag damdamis ah keen baad garan wayday Maaliin kaliya ayaad ku soo ibiinkartaa tag damdamis ah ee ka jooji fadlanta cuqaasha dadka kaleba aad sinayso oo ku baabiisay gobolka Waxaa ku fican in aad magac iyo sharaf kaga tagto sidii maareeyihii hore ee ahmed yusuf dirir oo kale oo sumcad kaga tagay dekeda magalada berbera

Marka waxaan leeyahay magaladda berbera waxaa baabiyay waxaan odhan lahaa waa calixorxor waxaa lagaaga

Fadhiyaa in aad magalada hagaajiso lagaagama fadhiyo in aad baabiso manta waxaa ku khayr roon in aad iskaga

Tagto dekeda berbera waayo sharaftii iyo sumcadii aad ku lahayd reerkaga way dhimatay iyo tii aad ku lahayd xukumada silaanyo iyo dadka kaleba waayo xukumadu dantii ay kalahayd way gaadhay

Laakiin waxaa ayaan daro ah waxaad gacan qabataa dadka aqoonta la ama dadka jaahiliinta ah dadka aqoonta leh waa cadowgaaga waa maxay sababtu aad iskaga foogaynaysid dadka waxbartay ee uu soo dhawaysanaysiid dadka bila aqoonta ah

waa ayaan daro ku habsatay cali xorxor shaqaalahaaga aad masuulka ka tahay waxaa ayaan daro ah ama wax qof bini?aadam ahi ka naxo ilaa iyo mudadii 20sano ah ee aad dekeda haysatay shaqaalahu waxba kumay noolayn qofka shaqaaluhu halka uu ka

shaqaynaayo iska daa eeuu ku daaimayaa oo meelo kale lama badalaayo oo malaha wax dalacaadsiin ah malaha in siminaaro loo furo waxaa sanadkii soo baxa siminaaro iskolar shiibo dalalka calamka waxaasuba markay soo baxan waa delete gareeya ama waa la masaxaa qofka shaqalaha ah looma ogola in uu wax barto qofka la dalacsiinayo looma eego herkiisa aqooneed ee waxaa

loo eego in uu yahay guulwade aan aqoon lahayn marka shaqaalaha ka hawlgala dekedu runtii 100%75percentwaxaan odhan karaa waydacan yihiin marka runtii waxaa wax laga naaxo ah in qofka shaqaalaha ah aan loo eegin ama aan lagu qiimayn shaqada uu hayo in ee lagu qiimeeyo gulwadenimo ama basasnimada sida loogu soo kala fara badan yahaybalse waxaa ka sii daran niman madaxwaaxeedyada ah ee aan aqoon lahayn oo marwalba ashkato iyo beenabuur ah la garabtaan maareeyaha dekeda berbera marwalbana nacsiinayaa qofkii shaqaalaha ahaa isagu uu qaata oo rumaystaa

waxaa wax laga diqadoodo ah in qofka shaqalaha ah ee guulwade ama war uu keeni waayaa maareeyaha ama madaxwaaxeedka laga fadhiisiyo shaqada dekeda runtii waa ayaan daro ku habsatay dekeda berbera oo maareeyaha dekeda ayaa ah guulwade weyn ah marka cidii lashaqaysaa waa guulwade waxaa laga nastay halkii sano ee uu ahmed yusuf dirir uu xilka hayay mark a qofka la dalacsiinaayo ma cid laga baaqayo keen mise guulwade noqon labadaaba waa lagu dalacsiiya

adiguna madaxwaaxeedyadii iyagaad maamuulkii odhan u dhibtay awoodoodii uu sii daysay waa ayaandaro adiguna waxaad haysaa shaqadii suldanimada iyo sida loo buurbuuriyo arimaha reerka oo aanu qof reerka ahi madaxa la soo kicin ha uguba sii darnaaden dadka aqoonta leh a waxaan leeyahay nimankan madaxwaaxeedka ama agaasimayaalka ee shaqaynaaya fataalnimada kuwaas oo aad erido mooye dekedu daahiirimayso adigana dadkiibay ku nacsiinayaan waxaan xukumadda uu soo jeedinayaa qofkasta ama masuulka ah xukumada in aad hoos uu eegtaan oo aad la xisaabtantaan in uu shaqadii aad ku aaminteen uu si ficaan uu hayo iyo in aanu haynin oo uu ka shaqaynaayo wax kale waxaad aad xil iskaga saartan tacadiiyada lagula kaacayo shaqaalaha waayo cadho alle ayaa idinku dhacaysaa laga jaaro adiga ama waxa laga jarayaa ubadkaaga

waxaan mar labaad xukumada ka codsanayaa in dekeda berbera loo sameeyo sharci kala xadeeyaa ama kala haga (binding) ku ah shaqaalaha? madaxwaaxeedyada ?iyo maareeyaha.

qofka shaqaalaha ahi xagee ayuu uu andacoonayaa ama dacwadiisa uu u gudbinayaa ma hayada shaqaalaha mise waa madaxweynaha waa in lahaa cid uu dhaxaysa maammulka iyo qofka shaqaalaha ah .t

marka mudadii 20sano ahayd wax sharci ah oo dekeda uu yaala majiro waa maxay sababtu?

Maxaa loogu samyn waayay sharci qofka shaqaalaha qabta oo qabta madaxwaaxeedka oo qabta maareeyaha .

Waxaa iminka aad uu fara batay dulmiga iyo tacadiyadii lagu hayay shaqaalaha dekeda berbera Hadii sharci loo samaynlaha wax dulmi ahiba ma jireen. Madaxweyne adigaanu kaa sugaynaa ariintaa .

Waa bilaahi tawfiq

Pre:-cali guleed xaj oscar

Oo jooga hargays



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured