Xogo Fashilinaya Hanashadii Kursiga Wasiir Cukuse Iyo Heshiisyada Qarsoon Ee Ka Dhexeeya Wasiirka Iyo Guddoomaiyaha “Solja”.

0
Thursday August 22, 2013 - 19:43:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Fashilinaya Hanashadii Kursiga Wasiir Cukuse Iyo Heshiisyada Qarsoon Ee Ka Dhexeeya Wasiirka Iyo Guddoomaiyaha “Solja”.

    Sida laga war qabo waxaa bilaabmay qorshayaal iyo dibin-daabyooyin ka dhan ah curyaaminta saxafada madaxa banaan, kadib markii ay meesha ka baxday kaalintii firfircoonayd ee ururka suxufiyiinata Somaliland ee solja uu ku lahaa horumarinta iyo xuquuq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida laga war qabo waxaa bilaabmay qorshayaal iyo dibin-daabyooyin ka dhan ah curyaaminta saxafada madaxa banaan, kadib markii ay meesha ka baxday kaalintii firfircoonayd ee ururka suxufiyiinata Somaliland ee solja uu ku lahaa horumarinta iyo xuquuqda saxafada madax Sida laga war qabo waxaa bilaabmay qorshayaal iyo dibin-daabyooyin ka dhan ah curyaaminta saxafada madaxa banaan, kadib markii ay meesha ka baxday kaalintii firfircoonayd ee ururka suxufiyiinata Somaliland ee solja uu ku lahaa horumarinta iyo xuquuqda saxafada madax banaan, arinta ayaa loo tirinayaa hanna shadii kursiga wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta C/laahi maxamed cukuse. hadaba aynu milicsano xogahan. aynu ku horayno hanashadii kursiga wasiir cukuse.


dhaadheere
Tan iyo intii xukuumada siilaanyo xilka haysay ayaa xilkii u horeeyay ee wasiir cukuse ka qabto ay ahayd afhayeenka qasriga madaxtooyada. wakgtigaas oo ahayd xili xilalka abaal marin looga dhigayay saxafadii xukuumadii madaxwayne rayaaale ku dhiiranayd caydii iyo aflagaadadii badheedhka ahayd. oo wakhdigaas wasiir cukuse u furtay wargayska saxansaxo. Halka wasiir geeljire oo caydii qaawanayd ee dube iyo doolaal abaal marin looga dhigay wasiirkii warfaafinta ee waxtigaas abaalmarinta ragii cayda caanka ku ahaa socotay, halka dhuxul iyo sayid oo ku caan ahaa caydii iyo cunfigii idaacadii horyaal, abaal marin looga dhigay tvga qaranka oo dhuxul loo dhiibay, iyo sayid oo loo dhiibay wargayskii maandeeq oo geeljire (Dawan) ula baxay

Inkastoo ay jireen rag badan oo caan ku ahaa caydaas qaawani ay abaal marin xileedkan ka hadheen sababo beeleed awgeed, ayaa hadana waxaa bilaamay hirdan ka dhex abuurmay ragaas xilalka lagu taxay oo midba midka kale kula coloobay u dhawaan shaha madaxwayne siiraanyo, waxaana intiinii u dhuun dalooshay aan xasuusinkaraa xurguftii dhexmartay cukuse iyo dhuxul oo ka bilaabantay hanashadii kuraastoodii wakhtigaa uu midba midka kale ugu awood sheegtay xilka loo dhiibay oo ay ka gaadhay in cuse dhuxul ka ilaaliyo ka dhexmuuqashada qasiraga madaxtooyada oo cukuse afhayeen ka ahaa, halka dhuxulna uu aargoosi ka dhigtay in muuqaalada cukuse uu ka ilaaliyo in aanay ku badan tvga qaranka oo dhuxul agaasime wasiirka warfaafinta hoostaga ka ahaa.
in kastoo isu awood sheegasho iyo ismuquunin ka dhex abuurantay nimankaas kuraasta ku helay caydii xukuumadii rayaale, ayaa xukuumada siiraanyo waxay isku shaandhayn ku samaysay xilalka ragaas, waxaa wasiir cukuse laga qaaday afhayeenkii madaxtooyada, halka dhuxul laga dhigay afhayeenka madaxtooyada, cukusana laga dhigay wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta, waxaa xusid mudan in wasiir cukuse ay ismaan dhaafeen wasiirkii ka sareeyay oo ahaa abiib diiriye nuur (abiib timacad)
arintaasi waxaa ay keentay in wasiir cukuse mudadaa uu wasiir ku xigeenka ka ahaa wasaarada warfaafinta aanu maalina soo fadhiisan wasaarada, waxaa arintaasi ay sababtay inuu halgan kale u galo kursi ka sareeya kan loo dhiibay waxaa uu subaxii isku dayi jiray in uu madaxwaynaha ka soo qosliyo, oo uu warbixin ka siiyo xaalada saxafada madaxa banaan isagoo anaanay ka muuqan saluug xilka ku xigeen nimada aanu ku qanac sanayn, hanna shada wasiir cukuse ee kursigan mid ka sareeya waxaa ay ku qaadatay mudo dhawr bilood ah iyadoo uu adeegsaday tabo iyo xeelado sababay in baabuur qurux badan oo wasiir abiib timacad haayadi ku wareejisay uu ka galaaftay kadib markii wasiir abiib timacad wasiir cukuse u diiday in baabuurkiisa hore uu kaxaysto cukuse,



waxaa arintaasi ay dhalisay in baabuurkii lasiiyo badhasaabka gobolaka saraar oo laga soo badalay gobolka gabilay arintaasina ay ahayd dagaal hoose oo wasiir cukuse kaga aarsanayay baaburka hore ee abiibtimacad u diiday, sidaasna wasiirka madaxtooyadu amar ku bixiyay in gaadhigaas quruxda badan la siiyo badhasaabka gobolka saraar oo codsi gaadhi ula yimid madaxtooyada, tilmaanta cukuse oo aarsi dhinac ka ahaydna ay dhashay in abiib timacad gaadgigii sidaa ku waayo ,



hadaba hanashada kursiga wasiir cukuse dagaal hoose oo abiib timaca dhex maray waxaa ay sababtay in subax subaxaha ka mida oo uu wasiir cukuse bariido iyo ka qoslin ugu galay madaxwaynaha waxaa ay gorfeeyeen sida saxafada madax banaan looga hakin karo duufaano run ku salaysan oo xukuumadu dhibsatay,waxaana arintaasi keentay in wasiir cuskuse madaxwayne siiraanyo ku qanciyo in hadii uu wasiirka warfaafinta ka dhigo aanay jiri doonin saxafad madax banaan oo ay xukuumadu dhib sato gacantana uu ku wada dhigi doono noockasta oo saxafada madax banaani ka koobantahay,



waxaa wasiir cukuse u rumawday xeeladii hanashada kursiga wasaarada warfaaafinta. Waxaa xukuumada madaxwayne siiraanyo isku shaandhayn iyo isku badal ku samaysay golaha wasiirada waxaa markiiba halkaa kazoo booday wasiir cukuse oo laga dhigay wasiirka war faafinta halaka abiib timacadna loo badalay wasaarada warshadaha inkastoo wasiir cukuse beel ahaan marka la eego uu cunay wasiirkii caafimaadka xuseen xoog oo beeshiisa iyo bulshaduba u arkayeen wasiir wax qabad muujiyay ayaa hadana waxaa ka awood badatay ka qoslinta madaxwaynaha wasiir cukuse ee la xidhiidha hanashada kursiga,



inkastoo aanay beel ahaan ku qanacsanayn in wasiir cukuse wasiir laga dhigo oo ay muran badan ka dhex abuurtay arintaasi beesha uu ka soo jeedo wasiir cukuse, ayaa ay arimahaas ka awood badatay hanashada kursiga ee u rumawday cukuse, hadaba waxaa dad badani is way diinayaan side ayay u hirgashay qodabadii wasiir cukuse uu ku helay kursiga wasiirka warfaafinta ee ay madaxwaynaha isla qaateen in uu curyaamiyo saxafada madaxa banaan si mr cukuse taa ugaga dhabeeyo waxaa uu bilaamay qorshahan.





waxaa markii u horaysayba ay heshiisyo hoose oo ka dhan ah cabudhinta saxafada madax banaan wadada galeen gudoomiyaha ururka saxafiyinta Somaliland xasan maxamed yuusuf oo ay isku beel ka soo jeedaan wasiirka warfaafinta c/laahi cukuse waxaana arintani ay sababtay in wasiir cukuse gudoomiaya solja ay isla afgartaan in aanay dhaliilin xukuumada isgoo wasiir cukuse la qaatay shuruud uu ku xidhay gudoomiyaha solja xasan maxamed yuusuf taas oo ahayd in mushar ka badan ka uu hore uga qaadan jiray wasaarada iyo qaybya tvga uu la siiyo iyo naasnuujin joogta ah,



arintaasi waxay sababtay in u hadalka xuquudii saxafada madax banaan uu ku kali yaystay xoghayihii ururka suxufiyiinta Somaliland ee solja maxamed rashiid waxaana wasiir cukuse isgoo ka dhabaynaya balankii uu la galay madaxwaynaha u hir gashay in ururkii loo han waynaa ka dhigo in gudoomiyihiinsa ka dhigo mid u adeega wasaaradiisa uu wasiirka ka yahay halka shaqadii solja uu ku kali yaystay maxamed rashiid oo inata badan warbaahinta uga dooda tacadiga xukuumada siiraanyo kula kacdo saxafiyiinta ka hawl gala haayadaha warbaahinta ee madaxa banaan………………lasoco
Cabdiraxmaan Muxumed Muuse (Buraale)
wariye ka tirsan slsc tv iyo rasmimedia.net

buraale_442@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured