Maxaa Sababay in Xukuumadu Iska Indho Tirto Musuq-Maasuqa Ka Jira Tv.ga Qaranka.

0
Thursday August 22, 2013 - 07:59:11 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay in Xukuumadu Iska Indho Tirto Musuq-Maasuqa Ka Jira Tv.ga Qaranka.

    Qormadii 1–²aad: Waxaan jecelahay in aan akhristayaasha sharafta leh, halkan ugu soo bandhigo habka uu musuq-maasuqu uga jiro tv.ga qaranka somaliland,hadaba saaxiibayaal waxaa hubaal ah in hadii hayad kasta oo dawladeed ku shaqeyso ahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 1–²aad: Waxaan jecelahay in aan akhristayaasha sharafta leh, halkan ugu soo bandhigo habka uu musuq-maasuqu uga jiro tv.ga qaranka somaliland,hadaba saaxiibayaal waxaa hubaal ah in hadii hayad kasta oo dawladeed ku shaqeyso ahaan ah horumarinta danta qaranka oo la iska ilaabo daneysiga gaar ka ah Qormadii 1–²aad:
Waxaan jecelahay in aan akhristayaasha sharafta leh, halkan ugu soo bandhigo habka uu musuq-maasuqu uga jiro tv.ga qaranka somaliland,hadaba saaxiibayaal waxaa hubaal ah in hadii hayad kasta oo dawladeed ku shaqeyso ahaan ah horumarinta danta qaranka oo la iska ilaabo daneysiga gaar ka ah(personal interest) waxaa horumaraya shaqada hayadaasi qaranka u hayso isla markaana shacabka ayaa aaminaya hayadaasi shaqadeedii ka soo baxday.

Waxay muskhiladu tahay akhrsitayaal marka masuul kastaa shaqada uu qaranka u hayo daba dhigo danaysi gaar ah oo qof ay ilmaadeer yihiin u dhiibo shaqada ugu muhiimsan ee dhinaca maaliyada,taasi waxay horseedaysaa inay halkaasi si fudud uga dhacdo musuq maasuq baahsan iyo wax is daba marin, hadaba waxba ayaanan hadalka ku sii dheeraan eh aan u soo dego nuxurka qoraalkaygan, tv.ga qaranka somaliland waa muraayada qaranka laag dheehdo oo hadii wax nusqaan ahi ku timaado qaranka oo dhan ayay ku timid hadii muraayadu wanaagsanaato qaranka oo dhan ayaa wanaagsanaanaya ,hadaba sida la wada og yahay waxaa maareeye ka ah tv.ga qaranka somaliland ninka lagu magacaabo khadar cali gaas oo ah nin qurba joog ah, markii khadar loo soo magacaabay tv.ga qaranka wuxuu shaqadii ka eryey agaasimhii maamulka iyo lacagta ee tv.ga qaranka nin lagu magacaabi jiray Xasan,waxaanu halkisii ku bedelay nin ay isaga ilmaadeer yihiin oo lagu magacaabo GUUXAAYE, hadaba ninkaasi lagu magacaabo guuxaaye wuxuu mudadii uu joogay tv.ga qaranka noqday maayac mushtari weyn isagoo baabuurta bilaamay in uu ka ganacsado, habka uu ninkaasi GUUXAAYE lacagtu jeeb kiisa ugu soo dhacdaa waxa weeti sifo xaraan ah oo ka baxsan hanaanka dawladnimo ,ninkaasi sida lacagta uu ku qaato waxaa ka mid ah isagoo had iyo jeer jeebada ku shubta lacagaha badan ee ka soo xerooda wararka iyo barnaamijyada laga qaado lacagaha, tusaale ahaan waxaa warka hayadaha oo kale laga qaadaa lacag dhan $300. marka intaa laga qaado isagaa foojarka u jara oo shaabada tv.ga qaranka wuxuu ku haystaa jeebada isla markaa lacagatasi wax risiid ah looma jaro ee siday u dhan tahay jeebada ayuu ku xeraystaa weliba inta badan waxaa lacagta loogu shubaa number zaad ah kaasi oo lacagta loogu diro, xitaa sida farsamaysan ee lacagta uu u qaato waxaa ka mid ah ninkaasi GUUXAAYE numberkiisu ma laha zaad ee wuxuu ku sheegayaa number kale oo loogu diro zaadka, waxa kale oo lacago badani ka soo xeroodaan barnaamijyada hayaduhu qabtaan sida siminaarada oo kale waxana laag qaadaa $400. lacagtaasi sida uu tan wararka jeebka ugu shubto ayuu taasina ugu shubtaa, waxa kale oo iyana jirta in lacagaha xayaysiiska ka soo xerooda uu ninkaasi ay ilmaadeerka yihiin maareeyaha uu jeebka ku shubto.


Dhibatada ugu weyni waxay ka jirtaa marka qof wariye ahi soo xereeto lacag dhan $300 wuxuu guuxaaye ka jaraa wariyahaasi lacag dhan 250$ lacagta intaasi dhanna isagaa qaata, waxayna arintaasi in badan dhalisay inay ku dagaalamaan wariyayaasha iyo guuxaaye lacagtaasi basle waxay natiijadu noqotaa madaama oo uu maareeyaha ay ilmaadeer yihiin wariyayaashu wey iskaga hadhaan oo xitaa iyagaa daalac loo racaa taasina waxay caqabad ku noqotay hanaanka shaqo ee tv.ga qaranka .

Akhriste waxaa jira rag badan oo kuraake la ah ninkan guuxaaye waxana ka mid ah taggaasi nin lagu magacaabo ina Saleebaan Weyne iyo ninka hada agaasimaha ka ah wasaarada warfaafinta ee lagu magacaabo C/rashiid Jibriil Yuusuf kuwaasi oo in badan oo shaqaalaha ah ugu hanjabay inay leeyihiin awoodo ay wax ku eryi karaan oo cid kasta oo isku dayda inay amarkooda diidaan waxay ugu hanjabaan inay birta dhaafin doonaan, waana kalmad ay nimankaasi isticmaalaan.

Xafiiska wasaarada maaliyada ee ku dhex yaala wasaarada warfaafintu maaha mid si wanaagsan lacagta uga hela tv.ga qaranka basle wuxuu si wanaagsan uga helaa radio hargeysa lacagta yar ee uu ka qabto xayaysiiska iyo waxyaabaha kale.

Hadaba dad badan ayaan ilaa hada ogeyn sababta ay xukuumada siilaanyo talaabo uga qaadi laadahay musuq-maasuqan baahsan ee ka jira tv.ga qaranka ee kooxda yari ku shaqaysanayso wixii umada ka dhexeeyay waxana mushkilad ah hadii sidan xukuumadu ku sii eegato in musuq-maasuqu ku sii xoogaysan doono tv.ga qaranka somaliland, balse waxaa laha dhawrayaa xukuumada uu hogaamiye madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo inay talaabo adag ka qaato kooxdan yar ee ku shaqaysanaya tv.ga qaranka ee ka dhigay meel dhawr nin ay iska leeyihiin, waxaana muhiim ah inay arimahan ka dhacaya tv.ga qaranka xukuumadu baadhitaan ku samayso si xaqiiqadu ugu soo baxdo oo ay u aragto meesha ay wax ka socdaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu wacad ku maray markii uu talada dalka la wareegay in uu la dagaalami doono musuq-maasuqa ,isla markaana cid kasta oo ku kacdana sharciga uu hor geyndoono ,dadweynaha reer Somaliland balanqaadkaasi ayay ka sugayaan madaxweyne siilaanyo in uu ku fuliyo dhamaan xarumaha dawlada.

La Soco Cadadka danbe

Qalinkii:Muna Maxamed Jaamac

Email:Muna261@gmail.com

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured