Madaxweyne Siilanyo oo abaabulay iskudirka Beesha Sacad Muuse iyo raad ku gadashada Samaale.–

0
Thursday August 22, 2013 - 07:56:51 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilanyo oo abaabulay iskudirka Beesha Sacad Muuse iyo raad ku gadashada Samaale.–

    - Madaxweyne Siilanyo oo abaabulay iskudirka Beesha Sacad Muuse iyo raad ku gadashada Samaale.– Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhamaanba bahda saxaafada somaliland,guud ahaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

- Madaxweyne Siilanyo oo abaabulay iskudirka Beesha Sacad Muuse iyo raad ku gadashada Samaale.– Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhamaanba bahda saxaafada somaliland,guud ahaan. Ka dib, sidaan la socon waxaa jirta khilaaf iyo buuq, iyo iclaam been abuur ah , oo laga sameeyey, shirka beel weynta sacad muuse. iyadoo dadka loo tusaayo in ay is hayan siyaasiin beesha sacad muuse ka tirsani, balse been iyo mu’amarad ah ka socota dhanka madaxtoyada somaliland, aanu mastermind ka yahey madaxweyne siilaanyo ama uu isagu yahey qofka sheekada Alufay.

Sheekada ah muuse biixi iyo cabdul casiis samaale ayaa loolamaya waa Mu’amarad uu siilaanyo maleegey isagoo raba in uu muuse biixi ku xumeeyo ayuu waxa uu cabdul casii samaale ka dhigey wasiirka maaliyada, waxanu dhegta u saarey been uu isaga dhigaayo nasteex balse sheekhu run moodey, ujeeaduna tahey in uu isku dhagro muuse biix iyo ina samaale, ka dibna uu dadka tuso in ay sacad muuse heshiin waayeen iyo ku tidhi ku teen ah sacad muuse ayaan waxaba isu ogoleyn ama muuse biixi sacad muuse ayaa diidan, waxaasi oo dhami waa mu’aamarad laga hagaayo xarunta madaxweyne siilaanyo.


Hadaba maxaa kalifey in odeyga siilaanyo laba afleeyo, inleyn shaley wuu ogaa in muuse biixi sababta uu gudoomiyanida u doontay ay tahay in kuu ku higsado mustaqbalka iyo hankiisa madaxweynenimo in uu tartamo? .

Siilaanyo se ma ogyahey in aaney dadku aheyn caruur la qaldi karo?

Su’aasha kale waxaa weeyey siilaanyo maxuu xisbiga hadaanu ujeedo laheyn maamulkiisa faraha ugala bixi laayahey oo isagoo nidaamkii dowlada iyo awoodii xukunka heysta uu kolba u fara galinayaa ee u diidanyey in uu gudoomiyaha awood u siiyo? taasi ayaa cadayneysa fargalinta uu siilaanyo xisbiga ku hayo balse maahan in uu dadka yidhaado samaale ayaa muuse biixi la tartamaya isagoo isagu ujeedada iska leh.

Madaxweyne siilaanyo waxa kale oo uu si cad oo badheedh ah ula saftey wasiir samaale oo uu lacagtii wasaarada maaliyada u fasaxey oo uu yidhi ku dagaalam oo sacad muuse iskaga horkeen, waxaana cadeyn u ah ololaha uu wasiir samaale hadh iyo habeenba uu laaluusha ku bixinaayo , kala jabinta odayaasha, sacad muuse.

Hadaba waxaan u sheegeynaa madaxweyne siilaanyo, shaley naguma jirin, xanuun, iyo in aanu qof qabiil ahaan ula dagaalamno ama ku riixno ee waxaanu aheyn dadkii kuu hiilieyey, ee geesiga kaa dhigey balse hadaanu ogaan laheyn in aad tahey qof qabiilnimada ilaa heerkaasi ka joogto kumaanan dooraneen,

Talada aan ku siinlahaa madaxweyne waxaa weeyey, adigaa madaxweyne ah ee maxaad raga aad nin wasiir ka dhigtey nina gudoomiyahii xisbi xaakimkaaga yahey u kala saari weydey ,hadaanad adigu wadin filmka isku dirka iyo isku liska eed midna xaniinyaha ugu galisey midna rabto in aad dadnimadiisa iyo sumcadiisaba disho?

Gabagabadii waxaan ku soo xidhilahaa madaxweyne waa lagu arkaa in aad adigu wado isku dirka beesha sacad muuse hadanad iska baraxin angu waxaanu taariikhda kuu galiney in aad tahey madaxweynahii la doortey ee beelasha somaliland qeyb qeybiyey ee qabyaalada iyo isku dirka dadkii iyo dalkiiba dib ugu celiyey ogowna in aan lagugu saamaxi doonin inta aad dadka isku dirto adiguna madaxweyne aad dalka ka sii ahaatid,

QW/ Tahir hussein (xumaandiid)
waayo_aragman@yahoo.com
-



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured