Taliyihii Guutadda shanaad ee Wershada Kabista oo u baxsaday dalka Jabuuti

0
Wednesday August 21, 2013 - 16:16:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Guutadda shanaad ee Wershada Kabista oo u baxsaday dalka Jabuuti

    Hargeysa(xogreebnews.com- Taliyihii Guutada shanaad ee Wershada Kabaista Hargeysa Sakariye Cilmi ayaa u baxsaday dalka jabuuti sida ay Waaheen u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Taliyihii Guutada shanaad ee Wershada Kabaista Hargeysa Sakariye Cilmi ayaa u baxsaday dalka jabuuti sida ay Waaheen u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hargeysa(xogreebnews.com- Taliyihii Guutada shanaad ee Wershada Kabaista Hargeysa Sakariye Cilmi ayaa u baxsaday dalka jabuuti sida ay Waaheen u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanku kadib markii waxaba laga qaban waayay cabasho uu ka muujiyay darajada la siiyay oo ahayd Laba Alif.
Sida ay saraakiisha xogreebnews.com- warka ka heshay sheegeen waxa uu Taliyuhu galay Dalka Jabuuti oo ay reerkoodu degan yihiin, mana cada ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xukuumadda oo talaabada uu qaatay Taliyahaasi ka hadlaysa.

Sakariye ayaa muddo badan ahaa sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland waxaanu Taliye u ahaa Ciidanka la yidhaahdo Guutada shanaad, isagoo filayay in darajo sare la siin doono balse quus ka qaaday cabashooyin kala duwan oo uu u gudbiyay madaxda sare ee Ciidanka.
Taliye Sakariye oo ka soo jeeda beesha degta gobolka Salal ayaa wax aka soo baxayo cabashooyin badan oo la xidhiidha darajada la siiyay oo ay ku doodayaan in laga qadiyay manaasiibtii ay ku lahaayeen, waxaana sida uu ku soo waramayo wariyaha waaheen ee Gobolkaasi jira kulamo ay beeshu kaga cabanayso bixinta darajadii dhawaan la qaybiyay.

Sidoo kale, waxa jira saraakiil ka soo jeeda beesha Salal oo iyana diidan darajooyinkii la siiyay, kuwaas oo sida ay wararka na soo gaadhayaa sheegayaan aan ilaa hada qaadan, iyagoo ku doodaya in beel ahaan si gaar ah loola dhaqmay.

Cabashada darajooyinkii dhawaan la bixiyay ayaa isa soo taraya, ilaa hadana ma jiraan wax ka qabasho buuran oo arrintaas lagu waajahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured