Berbera oo Biyo yaraani soo food-saartay iyo kulaylihii ugu cuslaa oo dhacaya

0
Wednesday August 21, 2013 - 16:13:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera oo Biyo yaraani soo food-saartay iyo kulaylihii ugu cuslaa oo dhacaya

    magaalo xeebeeda Berbera oo ah marsada ugu weyn Somaliland dhaqaalaha ugu badanina ka soo baxo ayaa gashay xaalad biyo yaraaneed iyadoo xiligii ugu cuslaa ee kulaylaha gashay, waxaana soo baxaya cabasho xoogan oo ka dhalatay arrintaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

magaalo xeebeeda Berbera oo ah marsada ugu weyn Somaliland dhaqaalaha ugu badanina ka soo baxo ayaa gashay xaalad biyo yaraaneed iyadoo xiligii ugu cuslaa ee kulaylaha gashay, waxaana soo baxaya cabasho xoogan oo ka dhalatay arrintaas. magaalo xeebeeda Berbera oo ah marsada ugu weyn Somaliland dhaqaalaha ugu badanina ka soo baxo ayaa gashay xaalad biyo yaraaneed iyadoo xiligii ugu cuslaa ee kulaylaha gashay, waxaana soo baxaya cabasho xoogan oo ka dhalatay arrintaas. Ilaa hada ma jiro xal u muuqda wax ka qabasho oo lagaga hortagy soo noq noqoshada biyo yaraanta oo sanadkasta xiligan oo kale la dareemo hase yeeshee sida ay wararku ku soo gaadhayaan Wargeyska Waaheen waxa doraad maamulka Gobolka iyo ka degmadu ka yeesheen kulan lagy gorfaynayay biyo yaraanta. Inkasta oo Ceelal la sheegi jiray in Berbera laga qoday, hadana m ajirto biyo yaraantii ay dadku ka caban jireen xiliga xagaaga, waxaanay dadweynuhu farta wadnaha ku hayaan laba arrimood oo aasaas u ah nolol maalmeedka xeebaha kuwaas oo kala ah Biyo iyo Layd. Xukuumadda talada haysa wakhtigii ay Mucaaradka ahayd waxay odhan jirtay Berberi Biyo yaraan iyo laydh, la’aan arki mayso arrintaasi waa dooda ugu badan ee Reer Berbera soo qadimaan marka ay dhaliilayaan Xukuumadda Kulmiye hase yeeshee Nasiib darro xukuumaddu wax badan kamay qaban. Reer Berbera marna afka kamaya qaadin tabashada Laydh yaraanta iyo Biyo la’aanta waxa jirtay dhawaan in guddi wada jir ah oo Xukuumadda iyo Guddida Dan iyo Duco qiimayn ku soo sameeyeen cabashada dhawr iyo toban qoddob oo ay ka mid ahaayeen labadaasi, hadana ma jiro go’aan ka soo baxay Qasriga Madaxtooyadda oo lagu xalilay arrimahaasi. Sanadkan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay ku dartay Miisaaniyadda bixinta Dayn lagaga lahaa Mishiinada Laydhka Berbera, talaabadaas oo ahayd mid in muddo ah laga la’aa Xukuumadda, hase yeeshee inta ay ku baxsadeen Reer Berbera waxa weeyi Mishiinadaasi oo uu Dalka keenay Ganacsade hawlo kale u watay balse Dekedda Xukuumaddu kaga iibsatay markii xaalad tan oo kale ahi ku habsatay Reer Berbera. Berbera oo ah magaalo Xeebeed ay ku xidhantahay inta badan dhaqaalaha Somaliland waxa ay u baahan tahay qiimo kasta Xukuumadda ha ku kacdee in loo kaco oo la baylah tiro baahiyaha Aasaasiga ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured