Madax dhaqameedka Barriga iyo Koonfurta Sanaag oo ku soo xerooday Hargeysa
Suldaanka Warsangali iyo Garaadkii Dhulbahante oo labada midba mar yimi iyo masuuliyiin soo kala dhaweeyay Hargeysa(xogreebnews.com Wefti balaadhan oo uu Hogaaminayo Garaad Cabdilaahi Maxmaed Guulleed oo ka soo kicitimay deegaanka Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag ayaa shalay galab si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Hargeysa.
Weftigan waxa meel 25 km kaga dhinaca barri kaga beegan Hargeysa kaga hortagay oo qaabilay Wasiirrada Madaxtooyadda, Arrimaha Gudaha, biyaha iyo Wasiirul dawlaha Maaliyadda, madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kala duwan, kuwaasi oo weftiga Garaadka u soo galbiyay caasimadda Hargeysa. Suldaan Rashiid Maxamed Ducaale oo ka mid ah salaadiinta gobolka Sanaag ayaa sheegay inuu ku diirsaday inay weftigan balaadhan ee Garaadku hoggaaminayo ay ku soo dhaweeyaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu tilmaamay in beesha koonfurta Sanaag ay yihiin dad dalkooda jecel oo u diyaar ah inay wax la qabsadaan qarankooda Somaliland. Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu Garaadka degmadda Fiqi-fuliye si kal iyo laab ah u soo dhaweynayo, waxaanu uga mahad celiyay go’aankii geesinimadda ahaa ee sida uu xusay ay ku qaateen nabad-gelyadda isla Wasiir Xirsi waxa uu tilmaamay in beesha deegaanka Fiqi-fuliye ay ciidammadda qaranka ku kordhiyeen cudud hor-leh iyo ciidankii maleeshiyadii ugu balaadhnaa. Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in aanay jirin cid mucaarid ku ah qarranimadda Somaliland oo ka soo jeeda deegaanka Fiqi-fuliye. Garaadka Cabdilaahi Maxamed Guulleed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu uga mahad celinayo xukuumadda Somaliland sida ay ugu soo dhawaysay Hargeysa, waxaanu tilmaamay in weftigiisa oo ay xubno ka yihiin madax-dhaqameedka iyo waxgarad ka soo jeeda beesha inay u socdaan sidii loo sii adkayn lahaa qaranimadda Somaliland oo uu tilmaamay inay muqadas tahay. Garaadku waxa uu xukuumadda ku ammaanay doorkii ay ka qaadatay nabadeynta goboladda barri, waxaanu intaas ku daray inay dhawaan magaaladda Fiqifuliye ku qarrameeyeen ku dhawaad lix boqol oo xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyo beeleedkii deegaankaasi. markaana ay ku qarrameeyeen dhawaan maleeshiyo beeleedkoodii oo xiligan ka mid ah ciidammadda qaranka. Dhinaca kale, Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami iyo wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Tamarta ayaa doraad duleedka barri ee magaalada Hargaysa ku soo dhaweeyay wefti ka yimid deegaanka Sanaag Barri. Weftigaasi oo isugu jiray salaadiin, cuqaal, waxgarad oo ka soo kicitimay gobolka Badhan oo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee gobolada bariga Sanaag Suldaan Siciid Suldaan C/salaam ayaa shalay waxa ku soo dhaweeyay duleedka magaalada Hargeysa wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland iyo wasiir ku xigeenka wasaarada macdanta waxaanay halkaasi ka jeediyeen hadalo soo dhawayn iyo mahadnaq isugu jiray. Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo ku hadlayay magaca xukuumada ayaa sheegay in si diiran ay weftigan u soo dhawaynayaan “Weftiga sharafta leh ee ka yimi bari Sanaag ee uu hogaaminayo Suldaanka guud mandaqada bari Sanaag daga, waan soo dhawaynaynaa waxaan leenahay kal iyo laab ayaa la idinku soo dhawaynayaa magaca dawlada aniga oo ku hadlaya iyo magaca shacbigaba, waxaan filayaa tawfiiq ayaa Ilaah ka dhigayaa socodkiina” ayuu yidhi wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami. Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa aad uga mahadceliyay socdaalka uu ku yimid weftigani magaalada Hargeysa kaasi oo uu sheegay inay ka dambaysay ka dib markii Madaxweynaha Somaliland ay ka heleen martiqaad rasmiya. Xubnaha weftigan ee uu hogaaminayo Suldaanka guud ee gobolka Badhan Suldaan Siciid Suldaan C/salaam ayaa u mahadceliyay xubnaha xukuumada ka socda ee ku soo dhaweeyay duleedka magaalada Hargeysa, waxaana qado sharaf ay la qaateen xubnaha xukuumada ee soo dhaweeyay. Labadan wefti ee kala socda ee Barriga iyo Koonfurta Sanaag lama oga ujeedada Socdaalkooda in ay Xukuumaddu dalbatay iyo in ay iyagu dano gaar ah u socdaan, hase yeeshee Suldaan Siciid Suldaan C/salaan oo dhawr jeer oo hore yimi. Leave a comment |
|
Madax dhaqameedka Barriga iyo Koonfurta Sanaag oo ku soo xerooday Hargeysa
Suldaanka Warsangali iyo Garaadkii Dhulbahante oo labada midba mar yimi iyo masuuliyiin soo kala dhaweeyay