Xasan Ciise Jaamac oo daaha ka feyday duruufaha ku dirqiyey inay bedelaan Magacii Gole

0
Tuesday August 20, 2013 - 07:36:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Ciise Jaamac oo daaha ka feyday duruufaha ku dirqiyey inay bedelaan Magacii Gole

    Hargeisa-(xogreebnews.com)-Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Xaqsoor ee Xukumada Siilanyo ku reebtay Doorashooyinkii dawlada hoose ee ka qabsoomay Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com)-Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Xaqsoor ee Xukumada Siilanyo ku reebtay Doorashooyinkii dawlada hoose ee ka qabsoomay Somaliland Hargeisa-(xogreebnews.com)-Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Xaqsoor ee Xukumada Siilanyo ku reebtay Doorashooyinkii dawlada hoose ee ka qabsoomay Somaliland kalhore Xasan Ciise Jaamac,haatana ka mid ah asaasayaasha ku bahoobay Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Hargeysa ku faahfaahiyey Hadafka ,Magaca iyo ujeedooyinka golahooda loo asaasey,Sidoo kalena daboolka ka qaaday sababtay u bedeleen magacii Gole ee xukumada Siilanyo ka diday ,dhaqaale badan oo wadooyin inoo dhisi lahaana ku bixisay.


Ugu horeyn Xasan Ciise wuxuu sheegay inay Magacii Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ka guureen,kuna bedeleen “Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka”,Xasan Ciise oo arintaas ka hadlaayana wuxuu yidhi “Erayga gole waa mid Af-Soomaali ah oo dadka ka dhaxeeya, golayaaal Dastuuri ah-na way jiraan waana golaha xukuumada,golaha sharci dejinta,golaha guurtida iyo golayaasha deegaanka. Waxaana distoori ka dhigaya oo micno u samaynaya waxa ka danbeeya ee la raaciyey balse may qaadan magaca gole, golahani mar kaliya muu odhan gole dastuuri ah ayaanu nahay”.
Xasan Ciise wuxuu kaloo ka hadlay sababta ku keliftay inay magacii Gole ka guuraan oo la baxaan Madasha wadatashiga wuxuuna yidhi “Haddii ay dawladeenii miciinsatay eraygaa gole oo ay dadkii ku jaah wareerisay, oo ay wakhti badan ku lumisay, oo ay kharash badan ku bixisay, oo maskax badan iyo fikir badan oo aanay istaahilin galisay, oo ay salaadiintii ka soo horjeesatay, waxaanu go,aansanay inaanu eraygaa Gole meesha ka saarno oo aanu u diidno waxay ku marmarsoodaan. Salaadiintana waanu u sheegnay, waxaas oo dagaalana ma istaahilo eraygaasi wax ka weyn ayaanu ku soconaa oo ah inaanu wax ka qabano dhibaatooyinka badan ee dalkeena haysta oo aanay xukuumadu kaligeed waxba ka qaban Karin, markaa waxaanu la baxnay “ Madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranaka” ayuu Xasan Ciise ku soo afmeeray hadalkiisii.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured