BORAMA: MUNCAARADAD ADAG OO XUKUUMADDA SIILAANYO KAGA SOO WAJAHAN IYO SHIRWAYNIHII BEESHA SAMAROON OO LAGU DHAWAAQAY

0
Monday August 19, 2013 - 19:55:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BORAMA: MUNCAARADAD ADAG OO XUKUUMADDA SIILAANYO KAGA SOO WAJAHAN IYO SHIRWAYNIHII BEESHA SAMAROON OO LAGU DHAWAAQAY

    Gudi Ka Shaqaynaysa Horumarinta Dhaqaalaha, Dhismaha Dekeda Lughaya Oo Qaban Qaabadeedii Socoto, Xaga Waxbarashada Iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudi Ka Shaqaynaysa Horumarinta Dhaqaalaha, Dhismaha Dekeda Lughaya Oo Qaban Qaabadeedii Socoto, Xaga Waxbarashada Iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Gudi Qabanqaabo Oo Loo Magacaabay Sidii Loo Qaban Lahaa Shirweyne Samaroon Oo Ka Kooban 9 Xubnood
Boorama, (xogreebnews.com) — Kulan balaadhan oo ka dhacay Hutelka Haldoor ee magaalada Boorama, oo ay ka soo qaybgaleen Salaadiinta Gobolka Awdal intooda badan ayay ku shaaciyeen go’aano ka soo baxay shirar isdabajoog ah oo u socday muddo bilo ah. Kulankan ayaa waxaa saxaafada la hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar wuxuuna ka hor akhriyay Go’aanada ka soo baxay shirarkooda ka salaadiin dhaqan ahaan iyo waxgarad kale oo qaarkood qurbaha ka yimaadeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Prof, Samatar iyo Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble. Wuxuuna yidhi isaga oo tilmaamaya Go’aanada ka soo baxay shirarkoodaa isdabajooga ahaa “ka dib shirar iyo wada tashiyo faro badan oo ay ku tashanayeen beelaha Samaroon ayaa lagu magacaabay guddi loogu yeedhay gudida midaynta beelaha Samaroon, kuwaas oo ka shaqayn doona qodobada hoos ku xusan.


1- Ka shaqaynta danaha guud ee beelaha Samaroon, isla markaana u taagan tahay.
2- Waxay Adkaynayasaa Ilaalilnta nabadgelyada deegaanada iyo bulshada ku Abtirsata Beelaha Samaroon.
3- Gudidaasi waxay ka shaqaynaysaa Horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha dekeda Lughaya oo qaban qaabadeedii socoto, iyo dhinacyada horumarinta Xaga waxbarashada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha
4-sidii beelaha deriska ay nabadgelyo ula dhaqmi lahayd beelaha Somaliland gaar ahaan kuwa deriska af.
5- Gudi qabanqabo oo loo magacaabay sidii loo qaban lahaa shirweyne Samaroon oo ka kooban 9 xubnood, iskuguna jira xeerbeegti,waxaana loo xilsaaray sidii ay iskugu iman lahaayaen beelaha samaroon si degdeg ah gudo iyo dibadab6-Gudidu waxay taageertay shirarka lagu qabano dalalka dibadaha sida Maraykanka, ee loogu ololaynayo dhismaha dekeda Lughaya, waxaanay farayaan qurbajoogta inay gacan siiyaan hawlahaasi. Sidoo kale Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye ayaa isaguna sheegay in shirarku u socdeen 10 bilood ayna gudidani la shirayeen qurbajoogta beesha, Aqoonyahana iyo Ugaaska sidii la iskugu keeni lahaa beelaha samaroon, isla markaana loo soo saari lahaa wixii boqolka sano ee socda beesha samaroon ku dhaqmi lahayd. Mudooyinkan dambe ayaa waxaa ka socday magaalada Boorama shirar kala duwan oo ay qabsanayeen qurbajoogta g/Awdal iyo culimaudiintu, shirarkaasi oo shiki ku abuuray masuuliyinta dawlada Somalilnd ee G/Awdal, isla markaana dhaqdhaqaajisay fadhigana u diiday siyaasiyiinta G/Awdal u metela dawlada dhexe qaarkood, waxaana isa soo taraya cabashada iyo tabashada ka imanaysa shacabka iyo waxgaradka ka soo jeeda goboladan. Waxaana isweydiintu tahay shirarkani inay hordhac u yihiin ififaalo kala duwan, dadka qaar ayaana aaminsan inay yihiin kuwo taageero buuxda lagu siinay Maamulka uu hogaanka u hayo M/weyne Siilaanyo, halka dadka qaarkiina ay Aaminsan yihiin in laga biyo diidsan yahay hanaanka ay dhisan tahay amase salka u ah Awoodqaybsiga dalka oo ku ururay hal meel qudha waa sida ay uGu muuqato dadka dhaliila siyaasadaha M/weyne Siilaanyo. Si kastaba ha ahaatee, waxaana laga dareemayaa gudaha magaalada Boorama diyaargaraw loogu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa wefti uu horkacayo M/weyne Siilaanyo oo mashaariic dib u dhis ah ka furi doona g/Awdal oo ay u horaysao dhamaystirka Wadada isku xidha Boorama iyo Dilla oo dadweynaha reer Awdal mudo aad u badan ka hadli jiray iyo dhagaxdhiga wado isku xidhi Doonta L/cadde iyo Boorama oo marka taasi dhamaato gudida dhiismaha wadooyinka Gobolada Awdal iyo Salal ay bilaabayaan. Waxa kale oo la filayaa in M/weyne Siilaanyo ka qaybgalo xafladii uGu balaadhnayd ee lagu qabto Jaamacadda Camuud oo difcadii uGu badnayd ka qalinjabinayso.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured