Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah xubnaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland ayaa si faahfaahsan uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo somaliya.

0
Monday August 19, 2013 - 19:38:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah xubnaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland ayaa si faahfaahsan uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo somaliya.

    Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay xubnaha madashaasi ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland ku khasaartay wada hadaladii hore ee ay la gashay somaliya isaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay xubnaha madashaasi ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland ku khasaartay wada hadaladii hore ee ay la gashay somaliya isaga Eng:Maxamed Xaashi Cilmi Oo Si Faah Faahsan Uga Hadlay Wada Hadalada Somaliya, Himilooyinka Xil Gudasho Ee Baarlamaanka,Hay?adaha Magaca Somaliya Ku Jooga Wadanka Iyo Nooca Guddida Loo Baahan Yahay Inay Somaliland U Matasho Wada Hadalada somaliya.
Himilooyinka xil gudashada baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arimaha ay ka mid yihiin dhulka Somaliland maamulkiisa cid lala yeelan karaa ma jirto, badiisana cid maamul lala yeelan karaa ma jirto, hawadiisana cid maamul lala yeelan karaa ma jirto intaasi Somaliland ayey khaas u tahay

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah xubnaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland ayaa si faahfaahsan uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo somaliya.Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay xubnaha madashaasi ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland ku khasaartay wada hadaladii hore ee ay la gashay somaliya isaga oo tilmaamay inaan wada hadalada hada socdaa aanay wax natiijo ahi ka soo baxayn waxaanu

yidhi ?Wada hadalada Somaliland iyo somaliya ayaan laba eray ka odhanayaa, marka hore wada hadalada anigu waxaan qabaa inay yihiin ma dhalays,laakiin waa la bilaabay qaar aynu ku khasaarnayna way jiraan qaarna hadalkoodii wali wuu socdaa, kuwa aynu ku khasaarnay waxa weeye shirka loo qabto somaliya ka qayb galkiisu waa khasaare waayo ma nihin ayeynu nidhi in la galaana waa danbi.?Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahin ka bixiyey nooca ay tahay guddida loo baahan yahay inay shacabka Somaliland ku matalaan wada hadalada lala galayo wadanka somaliya waxaanu yidhi ?Horta guddida aynu u qaylinaynaa waa inay noqdaan guddi macquula oo qaran oo la xulay oo sharcigoodii u dhan yahay oo dad mudakara ah, mana istaahisho in waftiga baxaya in maanta oo kale loo sheego oo la yidhaa saa danbe ayaad baxaysaan waayo wax ku tala gal ah oo ay sameynayaan ma jirto wax qiimo ah oo ay ku fadhidaana ma jirto, Guddida wada hadalada waa inay yeeshaan xad aanay dhaafi Karin, waana xadka uu distoorku dhigay waa inaan arin uu madaxweynuhu goyn Karin,xukuumadu goyn Karin,baarlamaanku goyn karin oo lagu gaadhi karo afti dadweyne waa qododka dhulka,bada iyo cirka.?Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu si waadixa u iftiimiyey xil gudashaba baarlamaanka waxaanu yidhi ?Himilooyinka xil gudashada baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arimaha ay ka mid yihiin dhulka Somaliland maamulkiisa cid lala yeelan karaa ma jirto, badiisana cid maamul lala yeelan karaa ma jirto, hawadiisana cid maamul lala yeelan karaa ma jirto intaasi Somaliland ayey khaas u tahay afti dadweyne oo 97% ah-na waa lagu ansixiyey markaa kuwaasi waa lama taabtaan?Eng:-Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxa uu ka waramay jawaabta uu ka helay wasiirka madaxtooyada markii uu waydiiyey inay jabiyeen qodobka dastuuriga ah ee 38 kaas oo si faah faahsan uga hadlay Bada,Hawada Iyo Isgaadhsiinta Somaliland waxaanu yidhi ?Wuxuu wasiirka madaxtooyadu igu yidhi markii aan shirkii lagaga hadlayey siyaasada arimaha debada iyo wada hadalada somaliya ku waydiiyey su,aal ah qodobka 38 ee dastuurka qaranka xarafkiisa B sida uu dhigayo miyaanu khilaafsanayn heshiiskaasi, wuxuu yidhi Somaliya Republic iyo somalida Ethiopia oo col ah ayaa waxay ku heshiiyeen inay ayax wadaagaan, waxa weeyaan dawlada somaliya iyo Ethiopia marka ay isku qabtaan maxkamad caalamiya ayey tagayaan taasaana kala saaraysa, inaga iyo somaliya maxkamad caalamiga ah ee ina kala saaraysa xagay joogtaa waxa weeyaan waanu idin leenahay kama hadli karno maxkamadna lama gayn karo, isgaadhsiiinta iyo hawada ayaa iyaguna ka mid ah, markaa qodobkaa marka aynu isku qabano somaliya bal maxkamada caalamiga ah ee ina kala saaraysa ma jirto ileen waabay ina sheeganayaane, markay arintu sidaas tahayna inaynu wax la galno arimaha muhiimka ah maaha?Ugu danbayntii Eng:Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu dhaliilay hay?addaha qaramada midoobay ee magaca somaliya ku jooga wadanka isaga oo soo jeediyey in laga saaro wadanka waxaanu yidhi ?Mida kale waxa jiro hay?addo caalami ah oo ku jooga magaca somaliya, kolkaa waxaanu nidhi hay?addahaas dawladahoodiina waxaynu leenahay ictiraaf na siiya dhinacna waxaynu ku aqbalnay inay magaca somaliya ku joogaa, dadka qaarna waxay yidhaahdaan dhaqaale ayaa ku jira, laakiin waxa weeyaan cad quudhsi lama qaato, haya?addahaa hadii aynu nidhaa naga baxa iyaga ayaa meherad doonaya oo waxay garanayaan inaynu nahay dad jira, baahi aynu u jirno dhaqaale ma jirto sida runta ah waynu is kaabi karin, marka aanu dhaqaalaha ka hadlayno ayaanu cadayn doonaa inaynaan dawarsi uga tagayn magaceena iyo halgankii umadani ay soo gashay.? Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured