Wargaysyada Ka Soo Baxa Magaaladda Hargaysa Oo Dhammaantood Aan Qorin Warkii Furitaanka Garoonka Diyaarahada Egal Airport,

0
Monday August 19, 2013 - 19:30:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargaysyada Ka Soo Baxa Magaaladda Hargaysa Oo Dhammaantood Aan Qorin Warkii Furitaanka Garoonka Diyaarahada Egal Airport,

    Wargaysyada Ka Soo Baxa Magaaladda Hargaysa Oo Dhammaantood Aan Qorin Warkii Furitaanka Garoonka Diyaarahada Egal Airport,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargaysyada Ka Soo Baxa Magaaladda Hargaysa Oo Dhammaantood Aan Qorin Warkii Furitaanka Garoonka Diyaarahada Egal Airport,

Wargaysyada ka soo baxa Magaaladda Hargaysa oo hadda tiradoodu marayso ilaa 10 warside, ayaa gabi ahaanba waxay ka muquurteen inay soo qoraan warkii furitaanka Garoonka diyaaraha eeEgal International Airport,kaas oo uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo xadhiga ka jaray Sabtidi kadib markii dibu habayn ballaadhan iyo casriyeyn lagu sameeyay.

Wargaysyada Haatuf, Jamhuuriya, Saxansaxo, Geeska Afrika, Somalilandtoday. Ogaal, Waheen, Gobonimo, Yool, Saxafi, oo dhammaantod ka soo baxa Magaaladda Hargaysa ayaan habayarate hal cinwaan oo ku saabsan furitaanka Garoonka ku soo qaadan bogagooda hore.

Xaflada furitaanka MadaarkaEgal International Airport, ayaa ahayd mid qaban qaabadeeda muddo dheer laga shaqaynaayay, taas oo sidoo kale lagu casuumay marti sharaf ka socotay waddamada la jaarka ah Somaliland, geesta kale waxay ahayd Munaasibad qaran oo ay ka soo qayb galeen Madaxda ugu saraysa Jamhuuriyadda Somaliland. Iyadoo sidaas ay xafladu u waynayd ayaa arrinta is waydiinta lihi waxay tahay marhaday sidaa u cuslayd munaasibadani maxaa dhacay ee ay uga muquurteen Warsidayaashu, iyadoo baahinta xafladan ay gooni ku ahayeen qaar kamid ah Telefeeshinada afka Soomaaliga ku hadla, iyo tiro baraha Internetka ah, halka ay sidoo kale bahiyeen Ilaacadaha BBC-da iyo VOA-du oo ah laba Ilaacadood oo laga leeyahay dalka dibadiisa.

Shabakadda xogreebnews.com-oo isku hawshay inay wax ka ogaato sababta keentay in aanay baahin Wargaysyadu warkii Garoonka diyaaraha, ayaanu wax kaga waydiinay qaar kamid ah Saxafiyiinta ka hawlgala Warsidayaasha, waxayna noo shegeen badi hawl wadeenadun in aan lagu casuumin furitaankii munaasibada garoonka, taas oo aanu u qaadanay ayay yidhaahdeen in Wasaaradda Duulista iyo Hawada oo u xilsaarnayd qaban qaabada xafladu aanay door muhiima siinayn Wargaysyada, halka qaar kale ka dhawajiyeen in lagaba soo celiyay goobtii xafladu ka socotay oo ahayd gudaha garoonka.

Si kastaba ha ahaate dadweynaha ku dhaqan Maagaladda Hargaysa oo ah kuwa ugu badan ee macmiilka la ah Wargaysyada, ayaa si weyn isu weydiinaayay maqnaansha ay bogagooda wararka uga faruqiyeen Wrgaysyadu warkii furitaanka Garoonka Diyaaradaha Hargaysa, waxayna su’aashaasi ahayd tii ugu badnayd ee ka taagnayd Magaaladda Caasimadda u ah Somaliland ee Hargaysa.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured