Qasriga Madaxtooyada oo Xarashtay Hargeisa Club Hotel oo Hanti-Qarana+Ciduu ka iibiyey+Hanaanka loo maray iibkiisa!.

0
Monday August 19, 2013 - 09:56:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qasriga Madaxtooyada oo Xarashtay Hargeisa Club Hotel oo Hanti-Qarana+Ciduu ka iibiyey+Hanaanka loo maray iibkiisa!.

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Shirkada HASS PETROLUEM oo ah shirkada asalkeeda laga leeyahay Bariga Afrika balse Somaliland-na xafiisyo ku leh, soona dejisa Saliid iyo shidaal ay ka soo waarido wadanka Imaraadka Carabta (UAE),uuna madax (Abbaan)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Shirkada HASS PETROLUEM oo ah shirkada asalkeeda laga leeyahay Bariga Afrika balse Somaliland-na xafiisyo ku leh, soona dejisa Saliid iyo shidaal ay ka soo waarido wadanka Imaraadka Carabta (UAE),uuna madax (Abbaan) Hargeisa-(xogreebnews.com-Shirkada HASS PETROLUEM oo ah shirkada asalkeeda laga leeyahay Bariga Afrika balse Somaliland-na xafiisyo ku leh, soona dejisa Saliid iyo shidaal ay ka soo waarido wadanka Imaraadka Carabta (UAE),uuna madax (Abbaan) ka yahay Cumar Xasan Yoolac oo uu Adeer iyo Sodogba u yahay Madaxweyne Siilanyo ayaa iibsatey Hrgeisa Club Hotel oo ka mid ah Hotelada dhawr oo ku yaala Hargeysa oo Hanti-Qaran ama dawladu leedahay balse uu haysto Suldaan Saciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah suldaanada beesha madaxweyne Siilanyo ka soo jeedo.HASS PETROLUEM ayaa sida xoggo hoose oo Qarannews ka heshay ilo xogogaala tibaxayaan dhawr jeer baayacday,una bandhigtay Madaxtooyada Somaliland in Hotelka Hargeisa Club laga xaraasho intaanu galban ama gacanta fog gelin,Hase yeeshee aakhirkii Madaxtooyadu way ogolaatey,waxayna HASS ku wargelisay inay marka hore ka soo iibsadaan Hadhka hotelka Suldaanka haysta ,Wejiga labaadna Madaxtooyada heshiis la galaan balse doodaasi muday soo jiitamaysay.Si kasta arintu ha ahaatee shirkada HASS PETROULEM ayaa sida xogaha Qarannews heshay sheegayaan ku dhiiratey inay Hadhkii Hotel Hargeisa Club ka iibsatey Suldaan Saciid Yuusuf Ducaale, siisatayna Lacag lagu qadaray $300.000 (Sadex Boqol Kun oo dollar) Balse aan weli lala kala wareegin Hotelka Madaabanay dhamaan shuruudihii gacanta labaad ee Qasriga madaxtooyada oo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan budhtuur u yahay, loona qondeeyay lacag lagu qadaray malyuun iyo dheeraad Dollar.Isku soo wada duuboo tan iyo intii xukumada Siilanyo talada dalka la wareegtay ayaa masuuliyiinta ugu tunka waaweyn Golaha xukumada Siilanyo ku dhiiradeen inay si toosa u boobaan,u xaraashaan,u iibiyaan ama u iibsadaan dhulka danta guud iyo Guryaha Dawlada iyagaan sifo sharciya u marin, waxaana tusaale inoogu filan Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan oo dhawaan iibsadey Guri Hanti-Qaran oo la sheegay in asal ahaan ay lahayd Wakaalada la dagaalanka Ayaxa (Locust Control).


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured