Hab Maamulka Siilaanyo Iyo Kii Kalitaliye Siyaad Barre. Qalinkii: Sharmarke Ismacil Cabdi

0
Tuesday August 13, 2013 - 20:33:00 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hab Maamulka Siilaanyo Iyo Kii Kalitaliye Siyaad Barre. Qalinkii: Sharmarke Ismacil Cabdi

    Waa qormo aynu kaga hadlayno wax yaabo badan oo ay iska shabahaan Maamulkii Siyaad Barre iyo hab Maamulka Madaxweyne Siilaanyo inaga oo hadana kala og sifayaasha kala duwan ee kursiga u kala yimaadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa qormo aynu kaga hadlayno wax yaabo badan oo ay iska shabahaan Maamulkii Siyaad Barre iyo hab Maamulka Madaxweyne Siilaanyo inaga oo hadana kala og sifayaasha kala duwan ee kursiga u kala yimaadeen. Taliskii macangaga ahaa ee ka talinayey 21 sano dalkii laysku odhan jiray jamhuuriyada somalia gadhwadeenkana uu ka ahaa Siyaad Bare ee sanadkii 1969 afganbiga ku qabsaday, xukuumadii rayidka ahayd ee ra,iisalwasaraha ka ahaa illahay ha u naxariistee maxamed xaaji ibrahim cigaal xiligaa cinqilaabku dhacayey Axmed maxamed maxamuud siilaanyo waxa uu ahaa agaasime, xukuumdii ugu horeysey ee uu soo dhisay siyaad bare, axmed siilanyo waxa loo magacaabay wasiir, axmed silaanyo iyo siyaad bare waxay wada shaqaynayeen muddo dheer uuna ka midka ahaa wasiiradii ay iskugu dhawaayeen intii aan xilka wasiirnimo laga qaadin uuna talaabinna, halkaa waxaynu ka dareemi karnaa xidhiidhka qotada dheeree ka dhaxeeyey siyaad bare iyo siilaanyo siduu u xooga waynaa, dhanka kale siilaanyo waxa uu noqday nin u bisil kacaanka iyo mabaadidiisa, wax yaaba badana ka dhaxla nidaamkii caskariga ahaa, inaga oo sidoo kale ogsoon in Mudane Siilaanyo waagaas dhalinyar ahaa inuu wax badan ka bartay hab-maamulkii Siyaad bare, hadaynu si kale u dhigno Siyaad Barre waxa uu ahaa qofku soo barbaaray xero militari hab-nolaleedkiisuna yaraan iyo waynaan ku soo qaatay ciidamo, lkn waxa taas ka duwan Mudane Siilaanyo oo isagu ahaa qof shicib ah waynaan iyo yaraanba, si kale aynu u ogsoonaano inaga oo taariikhda hogaamiyayaasha caalamka soomaray dib u raacayna inayna kali talisnimadu ku xidhnayn inaad militari ahayd kursigana sidaa ku timiday iyo inaad qof shicib ah aad ahayd, lkn kalitalisnimadu ay tahay mabda guracan oo qofku awoodiisa si khaldan kursiga ugu isticmaalayo.

Sidaa darteed waxaynu sidoo kale xusi karnaa dadkeena qaarna iswaydiin karaan hadaynu ku tilmaamo Siilaanyo inuu kali taliye yahay wakhtigii halganka doorashadii u dambaysay sowkii odeygu si ikhtiyaari ah xilka u dhiibay isaga oo xaq u leh inuu dib isku sharaxo, taas waxaynu kaga jawaabi karaynaa sida isaga laftiisu sheegay in si wayn uga soo horjeesteen taliyayaashii ciidamada xaq u dirirka ahaa qaarkoodna uu xabsiga u taxaabayba lakin uu arkay dhamaan raga ciidamada gacanta ku hayey inay kasoo horjeedaan diidanyihiinna iyaga oo u muujiyey mucaaridad xoog leh qori caaradiina loogu sheegay banaynta kursiga aad ku fadhidaa inay soo dhawaynayso xoraynta dalka, waxa kale oo odeyga ku eedaynayeen waagaas gudoon jilicsan iyo gacan gudhan inuu ku salaysnaa maamulkiisu, kadib odeygu waxa uu ogsoonaaday inayna waddo kale u furnayn aan ka ahayn banaynta kursiga.
Hadaba inaga oo taariikhdii hore ee Maamulka uu ka tirsanaa Siilanyo u eegayna habmaamulkiisa sadex jirsaday ayaa waxa inooga soo dhex bixi kara raadad badan oo isku eeg aad is odhankartana malaha cag qudha ayaa wada dhigtay, dadkeena qaar waxay ku doodi karaan guracnaanta maamulka maanta jira maaha wax odeygu ugu talo galay lakin waa dad kale oo arinkiiba fara-maroojistay taas oo keensanaysa kacaaguf badan oo dhinaca maamulka ah, khaladaad badan oo maamul haday yimaadaanna waxa dhalanaysa inay awoodu ururto kuna ururto gacmo aan ehel u ahayn, labadaa siyood sidii la doonaba ha loo dhigee hoos waxaynu ku eegaynaa arimaha ay ku kacday Dowlada Kulmiye gadhwadeenkana ka yahay odeygu inaga oo taariikhda hore ugu hayna inay tahay fal Siyaad Barre hore u falay ama lagu yaqaan maamul kasta oo kursi xejis ah:

1.qabyaalad
3. Cadaalad daro
4. Burburinta sharciga
4. Cabudhinta shacabka
5. Xadhiga saxafada
6. Samaynta ciidamo cabsigaliya shacabka
7. guulwadayn
8. awooda dalka oo ku ururta madaxtoyada
9. shakhsiyaad kooban oo ka dhex muuqda talada dalka
10. musuqmaasuqa
qodabadaa aynu soo xusnay dhaman waa astaan u tagan kali talis iyo nidaam milatry,
run ahaantii waa wax kajira haatan dalka loona bahanyahay in lagabaxo.

marka ay yimaadaan dhaman xaladahaasi, waxahubaal ah in nidaamka meesha kajiraa aanu ahayn nidaam dimuqraadi ah,balseuu yahay nidaam milatry oo loo galiyey shaadh dimuqradi,madama aynu nahay dad hore u soo arkay kali talis iyo cawaqib xumadiisa,waxaquruxbadan in lamaha kala duwan ee dawladu ay gutaan wajibkooda dastuuriga ah,sida golayaasha sharci dajinta ,iyo garsoorku inaanay kudhex milmin xukuumada ee ay xakameeyaan kuna ilaaliyaan inaanay kabixin majaraha dawlad ku dhisan sinaan iyo cadaalad
Qalinkii ;Sharmarke IsmaciiL Cabdi
tell 0634456965
email sharmake999@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured