Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta in Lagu Dhawaaqo Waxa Sabaabay Markii La Arkay Siilaanyo Oo Haya Dariqii Xabiib Burqiiba ,Taladii Dalkuna Ay U Gacan Gashay Dad Aan La Dooran Qormadii 2 aad:

0
Tuesday August 13, 2013 - 20:20:35 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta in Lagu Dhawaaqo Waxa Sabaabay Markii La Arkay Siilaanyo Oo Haya Dariqii Xabiib Burqiiba ,Taladii Dalkuna Ay U Gacan Gashay Dad Aan La Dooran Qormadii 2 aad:

    Hadaba Allaha u naxariistee marxuum cigaal isagaa wasiiradiisa u ahaan jiray macalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba Allaha u naxariistee marxuum cigaal isagaa wasiiradiisa u ahaan jiray macalin Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markii mar kale loogu doortay madaxweynimada Somaliland shirkii beelaha ee ka dhacay guriga shaqaalaha ee magaalada hargeysa sandkii 23/02/1997-kii golihii wasiirada ee uu soo magacaabay waxaa ka mid ahaa madaxweyne siilaanyo mudo kooban markii madaxweyne cigaal xilka hayay waxaa dhacay in uu daad weyn oo ka soo rogmaday malko durduro oo ah dooxa magaalada hargeysa ka soo gala dhinca galbeedka, waxaanu daadkaasi oo saaray lafo badan oo ahaa dadkii la laayay ama la xasuuqay dabayaaqadii sanadkihii sideetanaadkii oo ahayd xiligii

ay dalka ka talin jiray xukuumadii milateriga ahayd ee siyaad barre.
Hadaba Allaha u naxariistee marxuum cigaal isagaa wasiiradiisa u ahaan jiray macalin oo wax ugu sheegi jiray si dadban iyo si toos ah ba ,halka maanta madaxweyne siilaanyo isagu uu yahay arday ay wax u sheegaan oo ay macalimiin u yihiin wasiiradiisa qaarkoodna ay ku faanaan in ay madaxweyne siilaanyo liqsiin karaan sidii midh kiniin ah wax kasta oo ay doonayaan.
Hadaba saaxiibayaal qoraalkeenan ujeedada aynu ka leehay waxay tahay ardayda caafimaadka barata waxaa laagma maarmaan ah in mar marka qoorkood si bartikal ah wax loo tuso oo la keeno cusbitaalada ay ka socdaan hawlaah caafimaadku si ay indha hooda ugu arkaan wixii ay qalinka ku barteen .,
waxaanu marxuum cigaal is dul taagay lafihii uu soo saaray daadku ee dooxa malko dur duro isagoo hogaaminayay koox wasiiro ah oo uu ka mid ahaa Axmed Siilaanyo oo markaa ka tirsanaa golihii wasiirada ee madaxweyne cigaal waxaanu marxuum cigaal goobtaa lafuhu yaaleen dusheeda ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay iyadoo uu siilaanyo-na markaa daba taagnaa marxuuum cigaal khudbadaasi waxay ka hadlaysay waxyaabo badan oo kala duwan oo isugu jiray taariikh hore oo tagtay,waqtigii markaa la joogay iyo hadii uu cigaal maskaxhaan iyo jidh ahaanba awoodi kari waayo in uu si habsami ah u guto xilkii loo doortay in uu talada ku soo celin doono umadii dooratay si aysan marxaladaasi uga faa?iidaysan wasiirada ku xeerani oo rag aan la doorani ay umada ku boobaan oo ay ku dulmiyaan magaciisa.
Akhristow khudbadaasi qiimaha badneyd ee uu jeediyay marxuum cigaal sanadkii 1997/kii waa mid aad si fudud u heli karto oo dad badani ayay ugu jirtaa khudbadaasi mobiladooda iyadoo maqal iyo muuqaal ah waxaanad arkaysaa siilaanyo oo taba taagan marxuum cigaal iyadoo sababtii wasiiradii uu silaanyo ka midka ahaa uu madaxweyne cigaal maalintaa u kaxeeyay ee uu u dul geeyey lafihii malko durduro waxay ahayd dardaaran iyo inay dhageystaan khudbadiisa oo ay laabta u sii daayaan oo hadiiba ay dhacdo in wasiiradiisa qaarkood ay uga danbeeyaan kursiga madaxweynenimo oo la doorto ay talada dalka ay iyagu gacanta ku hayaan ileyn iyagaa la doorteen hadii ay ku timaado xaalad u saamixi weyda xilka marka loo doorto inay dib ugu soo celiyaan talada umadii dooratay si aysan fursadaasi uga faa?iidaysan dad aan la dooran.
Waxaana inoo muuta oo aanu shaki ku jirin in uu madaxweyne siilaanyo baal maray dardaarankii uu goob fagaare ah ku siiyay marxuum cigaal ee ahaa hadii kursigan aan fadhiyo aad iiga danbeyso oo lagu doorto oo duruufaha kaa hor yimaada ay ku saamixi waayaan inay sii wadato xil gudashadaada talda ku soo celi gacanta umada ku dooratay si aysan umada u boobin ama aysan u dulmiyin dad aan la dooranin, marxalada uu marxuum cigaal ka sii dardaamayana waxay ahayd tii ku dhacday madaxweynihii tuuniisiya badhtamihii sanadihii sideetamaadkii .
Qof kasta oo caqli lihi wuxuu fahmi karaa hadii ay talada dalku manta gacanta ugu jirto madaxweyne siilaanyo wuxuu ka warami lahaa halka ay martay 13,000,000$ sadex iyo tabankii milyan ee doolar ee ay bixisay dawlada kuweyd sababtii ay u bixisayna ay ahayd in lagu dheereeyo ranwayga ama dhabaha dayuuradaha ee magaalada hargeysa oo uu noqdo mid ku dhaw garoonka dayuuradaha ee berebra si ay madaarka hargeysa u soo fadhiisan karaan dayuuradaha waaweyni.

Hadaba waxaa cadaatay in aan ranwayga madaarka hargeysaa aan lagu darin xataa hal mitir oo kaliya waxaanu madaarku xidhaa mudo ku dhaw laba sano waxaana la sheegay in xaflad weyn loo qaban doono furi taanka madaarka hargeysa waxaana la baafinayaa masuulkii maqaska u qaadan lahaa ee xadhiga ka jari lahaa waa kuma? Mise xaalku wuxuu noqon doonaa xabaal iyo nikeed look ala teg ee maxamuud xaashiyow hadii uu xaalku noqday bahgari ma xujoowdo adiguba maqaska u qaado oo xadhiga ka jar sacabkana isku tun.

Hadaba isku soo wada duuduuboo Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta in Lagu Dhawaaqo Waxa Sabaabay Markii La Arkay Siilaanyo Oo Haya Dariqii Xabiib Burqiiba ,Taladii Dalkuna Ay U Gacan Gashay Dad Aan La Dooran.



La soco taxanaha danbe ee qormooyinkan Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur



Tel: 4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured