Miyay Miyir Beel Asqoobeen Maroora Dilaac Ma Quusteen....? Qalinkii Mahammed Abdirahman Sharif

0
Tuesday August 13, 2013 - 08:12:43 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyay Miyir Beel Asqoobeen Maroora Dilaac Ma Quusteen....? Qalinkii Mahammed Abdirahman Sharif

    Hadaba SOMALILAND maanta waxaasi oo hagardaamo ah ee ka dhacaysa wadankii aan kalasoo noqonay madaxbanaanideena waan ka badqabnaa xorbaan nahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba SOMALILAND maanta waxaasi oo hagardaamo ah ee ka dhacaysa wadankii aan kalasoo noqonay madaxbanaanideena waan ka badqabnaa xorbaan nahay Madaxweynaha Somaliland waxuu qaaday taalaabooyin fiican markuu ciidanka qaranka u dhisay niyada kuna taxay darajooyin wax ku ool ah oo ay mudo kasugayeen madaxda qaranka ,waana talaabo fiican oo hore loo qaaday maanta waanan ku hambalyaynayaa maxaa keenay madaxweynahaagu markuu sameeyo wax fiican waa in lagu hambalyeeyo haduu qaldamana waa in la toosiyo oo wax loogu sheego si xigmadaysan qof kasta oo aduunkan aan joogno sameeya wax fiicana waxaan qabaa in loogu hambalyeeyo dawlad ahaan iyo shicib ahaan ba.Mudo dheer kadib

halganka noocyo badan oo loogu jiro midnimada qaranka Somaliland waxaa loogasoo gudbay caqabado waaweyn oo kaga yimiday kooxo nabadiid ah oo doonaaya inay fashiliyaan habsami u socodka qaranka curdin ah waana sababta markasta looga daba yuuso ayadoo cadowga Somaliland adeegsanaayo nooc kasta oo ka mid ah falalka lagu wax yeelaynaayo wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba ,Cadowga Somaliland ayaa u badan dad aan u dhalan Somaliland oo markasta meel sare u joogada mucaaridnimada Somaliland kuwaasi oo u dhashay wadamada jaarka la ah Somaliland markastana ku celceliya ereyga ah Somaliland kama go´i karto Somalia ,Hadaba dadkan aan u dhalan Somaliland oo ah dad kasoo jeeda NFD Djibouti iyo kililka 5aad ayaa markasta ku taama inay fashiliyaan qarankan isku xilqaamay inay saxaan qaladaadkii la galay 1960 .Nin la sugayoow adna yaad sugi maxaa la gudboon shacabka xalaasha ah ee u dhashay wadankan xorta ee aan maanta joogno kaasi oo aan ku haysano xoriyad taam ah kuna naaloono nabadgalyo taam ah oo aanay jirin cid inagu dhex gumaysata sida ka socota konfurta Somalia waxaad arkaysaa African dirxiga cuna ayaa kasoo buuxsamay oo kufsada hooyooyinka caruurta iyo xaasaska leh kuwii u dhashayna ee Somaliyeedna madaxay u qabtaan dumarkooda marka la kufsanaayo ee kuwa ajaanibta ah ee kufsanaaya dumarkooda sida dhawaan ka dhacay hooyo Somaliyeed oo lagu kufsaday Xamar ayadoo ciidanka AMMISOM kuyuu ka mareen.
Hadaba SOMALILAND maanta waxaasi oo hagardaamo ah ee ka dhacaysa wadankii aan kalasoo noqonay madaxbanaanideena waan ka badqabnaa xorbaan nahay waxaa aduunka ugu qaalisanina waa xornimada iyo ikhtiyaarka aad wadankaaga ugu noolaan karto waana mid aan maanta haysano .waanan hagaajin karnaa Hadii ay jiraan mashaakilaad dhexdeena ah iyo isfahamwaa siyaasadeed qaabka wax loo wado ee ah sida aad doonayso,sida aan doonaayo , sida la donaayo iyo sida aan wada doonayno waanan ka midaysanahay lkn waxaa inaga qaldan is-fahamka dhexdeena waanan saxaynaa insha´allaah
Waxaa la ladamacsanyahay Somaliland waan isla wadagaranaynaa oo waa in aan fashilano oo aan islayno oo aan gumowno oo aan is cuno oo aan is xag-xagano oo dagaalo sokeeye ka dhacaan Somaliland oo la yidhaa caano boodhe iyo bustayaal lasoo gaadha oo UNHCR inaga faro qabsato cunto kolba waxa yaree lagaaga soo tuuro calamka .ilaahay inaguma keeno ciqaab iyo fool xumo aan kasoo gudubnay, taasi oo ay inagasoo gudbiyeen ilaahay iyo hogaamiye dhaqameedkeena xalaasha ah iyo siyaasiyiin daacad u ahaa shacabkan, dhaqankeena suuban iyo isku tanaasul ayaa keentay in aan kasoo gudubno , waan ka hortagaynaa cudurka ka hor daawayntiisa ,daawayntiisana waxaa ka horaysa oo ka fiican in laga hortago inta aanu jidhka soo galin markaa waa in aan meelo fogfog kaga hortagno cadowga Somaliland inta aanu inasoo dhexgalinba waana inay ku fashilmaan cadowgeenu hamigooda iyo ruyadooda qudha oo ah inay ka hortagaan inta aanay Somaliland cagaheeda isku taagin waana in aan adeegsanaa siyaasado ku qotoma wada tashi iyo maamaul suuban.

Viva Somaliland
Mahammed Abdirahman Sharif


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured