Deeq Waxbarasho, Hay’adda sama-falka wadaniga ah ee Ubah Social Welfare Organization (USWO), waxa ay ugu Bushaaraynysa dhamaan da’yarta reer Somaliland in laguu diyaariyay deeq waxbarasho oo ku salaysan barashada

0
Monday August 12, 2013 - 07:57:55 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deeq Waxbarasho, Hay’adda sama-falka wadaniga ah ee Ubah Social Welfare Organization (USWO), waxa ay ugu Bushaaraynysa dhamaan da’yarta reer Somaliland in laguu diyaariyay deeq waxbarasho oo ku salaysan barashada

    UBAH SOCIAL WELFARE ORGANIZATION

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UBAH SOCIAL WELFARE ORGANIZATION

IDPs/Minority Rights Based Organization

UBAH SOCIAL WELFARE ORGANIZATION

Telephone/mob: 252-2- 4107980/ 4402499 / 4489199

Email: ubaxswo@yahoo.com / uswo.ed@gmail.com

www.uswosom.org

Hargeisa, Somaliland

Deeq Waxbarasho,

Hay’adda sama-falka wadaniga ah ee Ubah Social Welfare Organization (USWO), waxa ay ugu Bushaaraynysa dhamaan da’yarta reer Somaliland in laguu diyaariyay deeq waxbarasho oo ku salaysan barashada

1. Maamulka iyo xirfada Xisaabaadka (Accounting skills),

2.Barashada xirfada warfaafinta (Journalism/ media ),

Kadib markii la gaadhay daraasad lagu lafa guray xadiga ama heerka shaqo la’aan ee ka jirta dalka iyo baaxada faqriga sii kordhaysa ee soo wajahday dadka reer Somaliland khasatan dadka ku barakacsan dalka gudihiisa, dadka laga tirada badan yahay, da’yarta wayday waxbarasho iyo fursadaha xaddidan ee xirfadaha shaqo, Hay’addaha USWO, HAVOYOCCO iyo KAALO oo isku dayaya waxkaqabashada dhibaatadaa ayaa waxa ay siwajir ah ufulinayaan barnaamijkan oo ay maal galinayan hay’addaha European Commission iyo Oxfam Novib, ujeedada barnaamijkan ayaa ah in uu horumar lataaban karo kagaysto hoos udhigida aqoonla’aanta, shaqa la’aanta, saboolnimada iyo la dagaalanka socdaalka sharci darrada ah (tahriibka) Sidoo kalena kaalin wax ku ool ah ka qaato shaqo abuurka da’yarta bulshada barakacayaasha ah, kuwa la haybsooco si ay ugu suurtogasho in ay ka qayb qaatan horumarka dhaqaale ee dalka.

Si looga guul gaadho arimahaas kor ku xusan, hay’adda sama-falka wadaniga ah ee Ubah Social Welfare Organization (USWO), waxay ku wargalinaysaa dhamaan da’yarta ku dhaqan caasimada dalka ee Hargeysa ee buuxisa shuruudaha hoos ku qoran in ay bilaabayso deeqo waxbarasho ee kor ku xusan.

Shuruudaha laga rabo cidii danaynaysa ka qayb galka barnaamijkan:

a.Waa in uu yahay/tahay muwaadin reer Somaliland ah;

b. Waa in uu ardaygu sito shahaado dugsi sare ama wax u dhigma (secondary school education)

c. Waa inuu ku soo xareeyo arji codsi ah iyo cv-giisa xafiiska ururka USWO

d. Waa inuu garanayo qoraalka iyo akhriska Afka ingiriisiga,

e. Da’diisu waa in ay u dhexaysaa 15 iyo 35 jir;

f. Waa in uu yahay/tahay qof aamin ah damiin lagala xidhiidhana haysta;

g. Waa in uu ka soo jeedaa qoys sabool ah;

h. Waa in uu yahay/tahay qof bilaa shaqo ah;

i.Waxaa tixgalin gaar ah la siinayaa dadka dadka laga tirade badan yahay iyo haweenka,.

Mudada ay Xidhmayso Diiwan Galintu: Diiwaan galintu waxay ay ku eg tahay 16/08/2013

La soo xidhiidh Ciiwanada hoos ku xusan:

Mobile: 4402499 / 4107980 / 4489199,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured