Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta in Lagu Dhawaaqo Waxa Sabaabay Markii La Arkay Siilaanyo Oo Haya Dariqii Xabiib Burqiiba ,Taladii Dalkuna Ay U Gacan Gashay Dad Aan La Dooran.

0
Sunday August 11, 2013 - 12:21:42 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta in Lagu Dhawaaqo Waxa Sabaabay Markii La Arkay Siilaanyo Oo Haya Dariqii Xabiib Burqiiba ,Taladii Dalkuna Ay U Gacan Gashay Dad Aan La Dooran.

    Bishii barakaysnayd ee ramadaan ee aynu ka soo gudubnay kowdeedii waxaa magaalada hargeysa lagaga dhawaaqay golaha wada tashiga iyo tooisnta oo ay xukuumada siilaanyona sas ka qaaday sidii mas ay gudkisii biyo ugu soo galeen,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishii barakaysnayd ee ramadaan ee aynu ka soo gudubnay kowdeedii waxaa magaalada hargeysa lagaga dhawaaqay golaha wada tashiga iyo tooisnta oo ay xukuumada siilaanyona sas ka qaaday sidii mas ay gudkisii biyo ugu soo galeen, Qormadii 1 aad:

Bishii barakaysnayd ee ramadaan ee aynu ka soo gudubnay kowdeedii waxaa magaalada hargeysa lagaga dhawaaqay golaha wada tashiga iyo tooisnta oo ay xukuumada siilaanyona sas ka qaaday sidii mas ay gudkisii biyo ugu soo galeen, jawaab celintii xukuumada siilanyo-na waxay noqotay in la dhaqdhaqaaajiyo mashruuc waji ku macaash ah oo la yidhaahdo warbaahinta ka hadla rag qaarkood ay sheeganayeen xilal aysan cidi u dhiiban oo lagu yidhi waxaad xanbaareysaan golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, mashruucanai wuxuu warbaahinta ka socday bishii barakasynayd ee ramadaan ee aynu ka soo gudubney oo dhan waxaana haboonayd in lacagtii faraha badneyd ee lagu bixiyey mashuucan waji ku macaashka ah in umada wax loogu qabto.




Inta hadii aan halkaa kaga gudbo siyaasiyiinta,madaxda dhaqanka,wax garadka iyo aqoon yahanka Somaliland dhamaantoodba waxay wada taageereen golaha wada tashiga iyo toosinta marka laga reebo raga ay duruufaha gaarka ahi iska hortaageen inay ka mid noqdaan ama ay si cad u taageeraan golaha wada tashiga iyo toosinta.



Hadaba saaxiibayaal aynu u soo gundo degno nuxurka qoraalkeenan oo su’aasha is weydiinta u baahani ay tahay maxaa sababay in waqtigan magaalada hargeysa lagaga dhawaaqo golaha wada tashiga iyo toosinta , su’aashan jawaanteedu wey fududahay umada Somaliland oo dhan hadii aan inshaha xabag lagaga dhajineynin wax qarsoon maaha in uu madaxweyne siilaanyo taagan yahay halkii madaxweynihii tuuniisiya ee xabiib burqiiba oo kale taladii dalkuna ay u gacan gashay dad aan ;a dooran.

Su’aasha labaad ee is weydiinta u baahanina waxay tahay Somaliland waxay leedahay dastuur cadeynaya sadex hayadood inay jiraan oo kala ah hay’ada fulinta ,hay’ada sharci dejinta iyo hay’ada garsoorka,golaha wada tashiguna wuxuu cadeeyay in uu aqoon san yahay dastuurka Somaliland iyo sadexdiisa ha’yadood sidoo kalena ma jirto meel uu golaha wada tashigu ku sheegtay in uu yahay hay’ad afraad oo dalka ka jirta sidoo kalena ma jirto qodob dastuurka ka mid ah oo diidaya in dhaliilsha dawlada markaa jirta loo sheegi karo qof qof ama koox koox sidoo kalena ma jiro qodob dastuuri ah oo mabnuucaya in la isticmaali karo ereyga gole oo afsoomaali ahaan meeshii la iskugu yimaado ee arin lagu garfaaynayaba waxaa lagu tilmaamaa gole sida golaha murtida iyo madadaalada,golaha raadyowga iyo telefisyoonka jamhuuriyada jabuuti oo kale.



Hadaba saaxiibayaal waxaynu hawada ku kala maqneyn bishii barakasyned ee ramadaan iyo labadii todobaad ee ka horeeyey waxaanan doonayay in aan in mudo ah qoraalka hakiyo sidii Allaha u naxariisteen Abwaankii C/laahi Suldan Tima cade oo sanadkii 1966-kii isku deyay in uu in mudo ah hakiyo gabayga balse markii uu arkay sidii ay wax u socdeen damiirkiisu siin waayay in uu ka indho qarsado wixii uu markaasi arkaayay sidii qabyaalada loo isticmaalayay eexda iyo qaraabo kiilka oo ahayd mid umada oo dhan ku baahsanyed oo ay u sinaayeen ee aysan ahayn mid ku gaar ah koox ama beel sida hada ka jirta Somaliland oo kale iyo weliba sida raggii markaa ku fadhiyey kuraastii xukuumadii markaa jirtay ay u abaabulayeen colaad ay dhex dhigaan bulshada markii ay dareemeen in ay dadweynuhu iska soo taageen oo aysan doorasho danbe kuraasta ku heleyn iyadoo weliba masuulkii xukuumadii markaa jirtay ay ahayd mid taladu gacantiisa ku jirta.



Hadaba Allaha u naxariistee abwaankii C/laahi Suldaan Tima Cade oo marka hore ka cudur daaranaya umadana u bayaaminaya waxa sabaabay in waqtigii ku talo galkiisa ahaa in uu gabayba joojiyo in uu ka soo hormaro oo uu dib u bilaabo waxaanu Allaha u naxariistee C/laahi Suldaan Tima cade yidi sidan isagoo qaybta danbe ee gabayga ku tilmaamaya cidhib la’aanta ama aayo la’aanta ay qabyaaladu leedahay waxaa uu yidhi.



Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede

Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso

Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye



Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin

Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo

Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo

Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye



Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin

Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade

Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago

Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye



Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday

Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye

Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye



Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda

Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa

Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye



Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye



Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa'in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye





Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane



Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane



Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane



La soco taxanaha danbe ee qormooyinkan

Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur

Tel: 4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured