Dawlada Soomaliya oo Beesha Caalamka ka codsanaysa in Somaliland laga dhigo Sidooda oo kale

0
Saturday August 10, 2013 - 21:21:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaliya oo Beesha Caalamka ka codsanaysa in Somaliland laga dhigo Sidooda oo kale

    Isma Ogna Udbihii Bay Aslaysaa, Ismana OgaHore waxa u suurto galay inay joojiyaan Isticmaalka Passport-ka Somaliland marka laga reebo dhawr dal oo ka diiday, Wadamada qaar waxay ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isma Ogna Udbihii Bay Aslaysaa, Ismana OgaHore waxa u suurto galay inay joojiyaan Isticmaalka Passport-ka Somaliland marka laga reebo dhawr dal oo ka diiday, Wadamada qaar waxay ka Isma Ogna Udbihii Bay Aslaysaa, Ismana OgaHore waxa u suurto galay inay joojiyaan Isticmaalka Passport-ka Somaliland marka laga reebo dhawr dal oo ka diiday, Wadamada qaar waxay ka ogolaadeen in deeqihii waxbrashada iyo kuwa samafalka ee Somalilnad la siin jiray in iyaga la soo mariyo, waxay culays saareen Shirkadaha Somaliland lacagta u daabaca , waxay muran geliyeen maamulka hawada soomaliland, waxay heshiisyo la galeen shirkado ilaaliya Xeebaha Soomaaliya oo ay ku jirto soomaliland, waxay ashkato la daba socdaan shirkadaha sahaminta shidaalka ka wada soomaalilnad.

Hala yaabina hadii aad maqashaan waxay codsadeen in madaxda soomaliland laga xayiro safarada dibada ama in lagu daro liiska argagaxisada,

Si kastaba ha ahaatee su?aasha laysla dhex marayaa waxay tahay xukuumada Somaliland ma ka hor tagi kartaa duulaanka Diblumaasiyadeed ee soomaaliya? Dadka qaar baa waxay ku jawaabeen maya waxay ku doodayaan in siyaasiyiinta soomaliland muxaafid iyo mucaaridba aanay waxba kala socon ama anay wax badan ka ogayn shirqoolada loo maleegayo dalkood iyo duulaanka ku soo maqan.

Xukuumadu cadawga dalkaba waxay u haysataa muwaadiniinta siyaasadeeda dhaliila iyo saxaafada madaxa banana kuwa mucaaridkuna waxay cadawga ummada u haystaan Madaxweynaha la soo doortay iyo raga la shaqeeya , midkoodna cadaw kale uma muuqdo, mana oga, hees Abwaankii waynaa ee Cismaan ?. Askari waxa ku jiray Isma og Udbihii bay aslaysaa ismana oga.

Aqoon yahan sare oo ka mid ah dadka u ololeeya qadiyada Soomaliland isaga oo siyaasiyiinteena ka biyo diidsan wuxuu yidhi: ? In Somaliland the struggle would become more about the politicians than about the future of their country?, macnuhu wuxuu yahay siyaasiyiinta soomaliland ahmiyada ay siiyaan tartanka iyo isqabqabsiga dhexdooda ma siiyaan mustaqbalka iyo horumarka dalkooda, horena waxa loo yidhi : ? rag isku qaybay, rag kuma qaybaan?, Dadka qaar kale ayaa ku jawaabay oo ku qaba kalsooni inay soomaliland iska caabiyi karto duulaanka soomaaliya laakiin waxay ku xidheen dhowr shuruudood oo ka mid noqon kara cududa iyo u diyaar garawga dagaalka oo kala ah:

1. In Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland Mudan Axmed Siilaanyo hogaamintiisa wax ka bedelo iyo inuu jeexo siyaasad iyo qorshayaal cad cad oo dalka lagu maamulo oo fulintooda shacbigu kula xisaabtamo isna raga uu igamaday kula xisaabtamo

2. In dib u habayn lagu sameeyo guud ahaan maamulka dawliga ah gaar ahaan sector-ka dhaqaalaha iyo garsoorka iyo Madaxweynuhu inuu ka dhabeeyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la saxo hakadka galay geedi socodkii Dimuqraadiyada.

3. Mucaaridku dhankiis waa inuu la yimaado barnaamij iyo aragti siyaasadeed oo ka mug weyn xilfatanka hoose iyo in hadba la soo abaabulo xiisad iyo muran lagu jahawareerinayo Dadweynaha.

4. Xisbiyada qaranku waa in loo habeeyaa kuwo sal balaadhan oo dimuqraadi ah waa in laga gudbaa xisbi qof , koox ama beel loo aaneeyo si loo helo mucaarid macno leh

5. In la hakiyo wadahadaladii u socday soomaaliya iyo soomaliland sababta oo ah soomaaliya maanta ma aha Dal xor ah oo madaxbanaan waxa xukuma wadamada Afrika ee ciidamadu ka joogaan iyo dawladaha kharashka bixiya, madaxda soomaaliyana waa magac u yaal isla markaan daacad kama aha wadahadalada sidaa daraadeed waa wakhti lumis iyo in lagu hoosaasiyo soomaliland

6. In bulshada soomliland ee iskala qaybinaysaa ama lakala qaybinayaa fahamto inay dooni wada saaran tahay oo hadii ay dalooshanto dhamaantood ay la dagayso.

7. Iyo ugu danbayn in wasiirka cusub iyo wasarada arrimaha dibadu xukuumada u soo diyaariyaan qorshihii iyo istaraatiijiyadii lagaga hortagi lahaa ololaha diblomaasiyadeed ee cadawga iyo in lala socodsiiyo wadamada xidhiidhka fiican iyo iskaashiga la leh soomaliland
God Bless somliland
C/raxmaan Cadami
abdirahmaanadami@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured