Derajada Ciidamada Lagu Taxay Waa Damaystirka Nidaamka Dawladnimo

0
Saturday August 10, 2013 - 08:47:13 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Derajada Ciidamada Lagu Taxay Waa Damaystirka Nidaamka Dawladnimo

    Talaabada ciidamada loogu taxay derajooyinka ayaa ah mid ka nixinaysa cadawga Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaabada ciidamada loogu taxay derajooyinka ayaa ah mid ka nixinaysa cadawga Somaliland,
Madaxweynaha Somaliland ayaa wareegto ku dhaqan geliyey tiir saldhig u ah dhamaystirka haykalka dawladnimo, kaasoo ah in ay ciidaamada kala duwan ee Somaliland ay yeeshaan astaanta ugu wayn ee dal leeyahay, taasoo ah derajada ciidamada qaybohooda kala duwan.
Arrintan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo dhinaca horuumarka loo qaaday muuninaysana in ay Somaliland ka gudubtey gebi-ahaanba arrimhii caqabada ku ahaa, oo aan odhan karo ta ugu wayni waxay ahayd derajo la?aanta ciidamada Somaliland haysatey tan iyo markii ay Somaliland madax banaanideeda kala



soo noqotay dalkii la isku odhan jirey Somalia 1991-kii, halgan dheer oo Somaliland madax banaanideeda u gashay ka dib.
Talaabada ciidamada loogu taxay derajooyinka ayaa ah mid ka nixinaysa cadawga Somaliland, guulna u ah jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, waana arrin kor u qaadaysa sumcadda Somaliland iyada oo muujinaysa sida ay dawlada Somaliland iyo shacabkeeduba ay diyaarka ugu yihiin in ay wax qabsadaan iskuna duubnaadaan.
Xukuumaddan uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa nasiib u heshay in ay mudadii dheerayd ee Somaliland ay jirtey ay ku guulaysato in ay ciimada Somaliland ku taxdo derajooyin, taasoo la siiyey 10,000 kun oo askari uu ugu hooseeyo alafle uguna sareeyo Major General oo ah sareeye gaas, arrintan ayaa ah mid dhiiri gelinaysa ciimada qalabka sida oo muddo dheer u soo dhabar adaygay xaalado ad adag oo dalka soo maray, ahaana kuwo mar walba diyaar u ah difaaca dalka iyo ilaalinta qaranimada Somaliland.
Hadaba maanta waxay ciidamada Somaliland nasiib u heleen in ay yeeshaan derajooyin ay ka muuqato dawladnimo buuxda iyo in ay helaan gunooyin ay qaadaan, taasoo kor u qaadaysa lacagtii ay qaadan jireen, iyada oo nin kasta oo derajo helay ay dhinac socoto lacag u korodhay, taasoo ka daboolaysa baahiyo badan oo ku gedaanaa ciimada galabka sida.
Sidoo kalena derajadu waxay muujinaysaa oo soo saaraysa sharafta iyo haykalka ciidamada, waxayna noqonayaan ciidamdu kuwo leh kala danbayn buuxda iyo kala amar qaadasho askari kasta oo ku xadgudbada akhlaaqiyaadka ciidan markiiba sharciga ayaa qabanaya, waaxayna ciidamadu noqonayaan kuwo u hoggaansama amaamiirta ka soo baxa talisyada ciidamada.
Xukuumadda maanta joogta oo la odhan karo waxqabad la wada arko ayay dalka muujisay ayaa leh guushan way nee dalka laga hirgeliyey, waxayna ka mid tahay waxqabadka aan la iloobin doonin ee madaxweyne Siillaanyo, dalka iyo dadka uga tegi doono taariikhduna ay xusi doonto mustaqbalka soo socda, waana guul qaranka oo dhan u soo hoyatey, waxaana haboon in xukuumadda lagu taageero waxqabadyada muuqda ee ay dalka ka hirgelisey.
Waxaa jira dad ka xun horuumarka iyo mashaariicda dalka ka socda, balse waxaa muuqata in xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo ay ka go?antahay in ay bulshadeeda horuumariso kana dhabayso ballan-qaadyadii xisbiga KULMIYE ee waqtigii ololaha doorashada lagu jirey.
Talaabadan ciidamada loogu taxay derajooyinka guusheeda waxaa is ka leh madaxweynaha Somaliland oo ku dhiiraday in uu hirgeliyo arrin aad u adag loo arkayey in aan la fulin Karin ama ay fashilmayso, balse dhiiraanta iyo daacadnimada madaxweynaha Somaliland ayaa suura-gelisay in ay maanta ciidamada Somaliland ku ciidaan derajooyin 22 sano oo Somaliland jirtey ka dib, arrintan waxaan si buuxda ugu hambalyaynayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo.
C/laahi Axmed Caarshe, Hargeysa somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured