Guddoomiyaha Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Deg Deg Ku Tilmaamay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Suldaan Xiiray, Sheegayna In Wada Hadaladii Ay La Lahaayeen Xukuumadu Aanay Dhinacooda Waxba Iska Bedelin?

0
Wednesday August 07, 2013 - 20:01:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Deg Deg Ku Tilmaamay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Suldaan Xiiray, Sheegayna In Wada Hadaladii Ay La Lahaayeen Xukuumadu Aanay Dhinacooda Waxba Iska Bedelin?

    Hargeysa(xogreebnews.com-guddoomiyaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka Xasan Guure ayaa waxa uu ka waramay waan waanta ilaa hada laga dhex wado xukuumada iyo golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-guddoomiyaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka Xasan Guure ayaa waxa uu ka waramay waan waanta ilaa hada laga dhex wado xukuumada iyo golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka Gudoomiye Xasan Guure waxa kale oo uu ka war bixiyey halka ay marayaan ujeedooyinkii loo sameeyey golahan madaxa banaan, waxaanu tilmaamay in ilaa hada ay hawlaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranku ay sidii loogu tala galay u socdaan.
Gudoomiyaha golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka oo goor dhawayd khadka telefanka Waraysi Ku Siiyey shabakada wararka ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu sheegay y inaanay wali xal isla gaadhin salaadiintii dhex dhexaadinta ka wada xukuumada iyo golahan.

Ugu horayn gudoomiyaha golahan oo la waydiiyey halka ay marayaan ujeedooyinkii ay u sameeyaan golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka waxa uu ku jawaabay ? hawlaha golahan loo sameeyey sidii loogu tala galay ayey u socdaan, hawlo dhamaanayana maaha, dalka iyo hawlaha ka socdana si wanaagsan ayaan uga warhaynaa markaa hawshii aanu golahan u samaynay meel fiican ayey noo maraysaa.?
Gudoomiyaha oo la waydiiyey ka dib hakadkii ku yimid wada hadaladii ay la lahaayeen xukuumada sida uu xidhiidhkoodu yahay waxaa uu ku jawaabay ?wada hadaladii aanu la lahayn xukuumadu may burburin walina wuu socdaa xidhiidhkii aanu la lahayn xukuumada, qoladan salaadiinta ah ee degdegtay mooyaane wada hadalku waa halkiisii, labadayada dhinac ee wada hadalku dhex marayaa diyaar ayaanu u nahay inaanu is hor fadhiisano? ayuu yidhi gudoomiye Xasa Guure.
Gudoomiyaha oo aanu wax ka waydiinay hadalkii ka soo yeedhay suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray kaas oo sheegay inay dhameeyaan khilaafkii soo kala dhex galay salaadiintii dhex dhexaadinta waday iyo golaha wada tashiga waxaa u ku jawaabay ?waxaad moodaa in wali deg deg ku jiro qoladan salaadiinta ah ee hawsha ku jirta, Xiirayna qudhiisa inaanay ka maqnayn ayaan filayaa, waxaanu is aragnay laba suldaan ka mida salaadiinta arintiina waanu ka wada hadalnay inuu qalad dhacayna waanu isla af garanay inaanu arintiina dib ugu noqono waanu ka wada hadalnay walina go,aan kamaanu gaadhin,?
Gudoomiyaha oo hadalkiis sii wata ayaa intaas raaciyey ? qoladii gaarka ahayd ee salaadiinta ee war saxaafadeedka ku sheegay in wada hadaladii burbureen wali hawshoodii cid iskaga maanaan iman, mid kalana waa qaladoo waxa la yidhi ergo wixii la yidhaahdo way gaysaa wixii la siiyana way cuntaa qoladaa deg degtay ee salaadiinta ahayd iyada oo aan suldaanka iyo deg degu is lahayn hawshoodii wali may dhamaan, qoladaa sagaalka suldaan ah u malayn maayo inaanu arinta isla meel dhigayno, maalintii ay warsaxaafadeedkaa qabteen meel fiican ayey wax waliba marayeen una malayn maayo inaanu waan waan danbe yeelan doono waayo iyada oo wax waliba wanaagsan yihiin oo mudadii oo kaliya noo hadhay ayaa wax riixayba ama iyagu wax hays tusaan oo ha riixaane, waxaanay ku dhamaatay inay dhinac kaliya la safteen, ergo dhinac la safatayna meesha ma qabato,.?
Ugu danbayntii gudoomiyaha oo aanu waydiinay dareenka uu kaga fal celinayo aragtida ay bulshadu ka qabto golahan ayaan waxa uu ku jawaabay ? Hadyo goor marka urur ama golahan oo kale la sameeyo waxay dadku is waydiinayaan inuu NGO yahay oo lacag lagu doonayo ama inuu tartan siyaasiya cid kula jiro, anagu hadii aanu nahay golahan tartan siyaasiya cidna kulama jirno, maaha gole u tartamaya madaxweyne,shaqana lagu dooni maayo, waxaanu nahay odayaal ka mida dadka dalka markaa waxaanu u baahanahay talo, waxaanu jecelnahay inaanu wixii jira ka hadalno wixii talo nalagu biirinayo diyaar ayaanu u nahay waxaanu u samaynay golahanina waa talo iyo toosin.?ayuu yidhi gudoomiye xasan guure

cource hadhwanaag


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured