Somaliland: Ma Liicin, Ma Laalmin, Mana Lumin

0
Saturday March 09, 2013 - 17:53:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Ma Liicin, Ma Laalmin, Mana Lumin

    Maalintaa waa la joogay, haddeerna waa la jooga, hadhowna waa la nool yahay oo cimriga ummaduhu sida cimriga qofka uma koobna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintaa waa la joogay, haddeerna waa la jooga, hadhowna waa la nool yahay oo cimriga ummaduhu sida cimriga qofka uma koobna.
Tan iyo maalmihii wefdigii Madaxweyne Siilaanyo ay la kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska wararka war-baahinta dhex wareegayaa ma yara. Wax la qaatana ma aha. Waxa se qiimo u yeelaya aammusnaanta aan garowshiiyaha lahayn ee xukuumadda Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo ugu horreeyo.

Dhibaatooyinka ugu badan dal ahaan iyo dad ahaanba inoo haysta waxa ugu mudan xanta iyo waxyaabaha aynu hoos isugu odhanayno. Waxa ka fiicnaan lahayd in aynu si toos ah isugu nidhaahno oo is-qancinno ka dibna ka boqsanno.


Aniga oo aan idin la faqayn isla markaana aan idin la xamanayn xukuumadda qiimaha iyo qaddarintaba inaga mudan, aan is-yar xusuusinno, waxyaabaha aynu ku xamanno ama mararka qaarkoodba ka daalacanno mareegaha iyo qaababka kale ee war-baahinta — mid caalamiya iyo mid daakhiliyaba.

Iyaga iy Allahood e’ waxay yidhaahdaan:

Wada-hadalladii Soomaaliya/Somaliland waxay ku soo af-jarmayaan in dib loo midoobo. Mararka qaarkood waxay yidhaahdaan qaab Federaal ah ayaa la wada gelayaa,

Muddo toban sannadood ah ayay Somaliland qaabka federaalka ka mid ahaanaysaa, ka dibna afti ayaa laga qaadi doonaa,

Koonfur iyo woqooyi ayaa la kala noqon doonaa oo Ra’iisal Wasaaraha ayaa Somalilandla siin doonaa,

Dawladaha Khaliijka oo Qadar u horreyso ayaa hawlaha dhex-dhexaadinta gelaya, Somalilandna mag-dhow khasaarihii gaadhay ah ayaa la siin doonaa,

Intaasi waa inaha aad isku tidhaahdaan ama aad meelaha ku qortaan. Waa inaha aad tilifoonnada ama e-maillada iskugu dirtaan. Waxan idin dheerahay in aan qoray uun, haddana qaar idin ka mid ah oo ku haasaawa oo aad u xiiseeya ayaa igu maagi doona. Maagis ku ekaan meyso e’, waxay u badnaan doontaa in ay weliba e-maillo ii soo qoraan. Anigu wax aan qoray in la igu maago ma aha, waa in waxa aan qoray wax laga yidhaahdaa. Ma aha in hadal laga yidhaahdo, bal se, illeyn waan ku dhibtooday e’, waa in qoraal lagaga jawaabay, markaa war-baahinta ayaynu ku doodi doonnaa, dadkuna waa ay inoo gar-naqi doonaan. Waxba yaanay sheekadaasi ila fogaan. Dulucda aan u soo dego.

Qodobbadaa afarta ah waxa dheeraa oo aad u adkaa hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ninkaa odeyga ah waxa laga soo wariyay in uu 2/3/2013ka, Baarlamaanka Soomaaliya ka hor sheegay in ay xukuumadda Somaliland xidhiidho yeesheen oo ay qoraallana is-weydaarsadeen. Nin looga-qaateen ah oo codkiisa dhegaysanay wuxu ii sheegay in uu yidhi: “Midnimada Soomaaliyeed dheer iyo geed gaabanba waanu u fuulaynaa.”

Malaha Madaxweyne Xasan Sheekh midhkiisii lama odhan e’, waxaanu ku leenahay: “Annagu madax-bannaanidaSomaliland geedo uma aanu soo fulin e’, hore ayaanu dhiig iyo dhecaanba ugu daadinnay’.” Weliba saaxiibbadeenna koonfureed heestii ay qaadi jireenna ha raaciyaan ee ahayd: “Gadaal gadaalaad, geed u fuushaane, gar maydiinka go’daaye.”

Xukuumaddan aammuska iyo arrin-xumada isku darsatay ee Mudane Siilaanyo waxaanu leenahay ka jawaaba waxyaabahan dadku ku dhego-barjoobeen. Mudane Madaxweyne, waa maxay waxan uu sheegayo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. In wax laga yidhaahdo miyaanay ahayn. Maxaad London la tagteen, maxaad se kala timaaddeen? Maalintii aad soo noqotay markii aad madaarka ka soo degteen waxaad sheegtay in aad Ingiriiska ku tidhaahdeen dadkayagii ayaanu la soo tashanaynaa. Mudane Madaxweyne maxaa laga tashanayaa?

Mudane Madaxweyne, booqashadii Turkiga waadigii ka baaqday, laakiin wefdi wasiirro ah ayaa tegay oo booqashadii waa halkeedii. Cudur-daar kama haynno xukuumadda Turkiga, bal se af-hayeen xukuumaddeenna Somaliland u hadlay ayaa u cudur-daaray oo sheegay in Ra’iisal Wasaare Erdogan hawl deg-deg ah yeeshay. Diblomaasi ahaan weedhaa miyaynu xaq ugu leenahay xukuumadda Turkiga? Miyeydaan ka baqeyn in xukuumadda Turkigu warkaa ogaato?

Madaxweynaha Soomaaliya, booqasho rasmiya ayuu ku tegi doonaa Dubai10/3/2013ka. Waa wararka ay soo tebinayaan looga-qaateenku. Ma laga yaabaa in aynaan Bisha Meey, 2013kaba isla gaadhin. Ilaahay baa og, illeyn xukuumaddeennii wax mowqif ah kama haynno e’.

Waxa kale oo la sheegayaa haddii Eebbe idmo in Madaxweynaha Somaliland 21/3/2013ka ka degi doono madaarka Dooxa ee dalka Qadar. Ma dhab baa? Waxa intaa lagu darayaa in aad 24/3/2013ka halkaa ay kula kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya. Ma dhab baa iyaduna?

Hadda labada Madaxweyne in ay kulmaan wax la yaab leh ma aha oo taas waxaynu jidaynay Feeberweri 2012kii. Waxa aan ummad ahaan iyo xukuumad ahaan inoo qaban in aynu kulammadeenna cid kale ka maqallo. Shakigu halkaas ayuu ka dhalanayaa.

Mudane, Madaxweyne, wada-hadalladii arda walaaya aanu ku ogeyn, ma Diricyo-dheertii aan inoo dubaaxin ee aan inoo damqan ayaa la wareegtay? Kulan-beenaadkii Sheekh Shariif ee Dubaimiyaanu waayo-aragnimo iyo wax-ku-qaadasho inoogu fillayn.

Maah-maahaha caan-baxay, waxa ka mid ah: “Xagalo (gojoxo) geel wax gunti lagu qaado ka weyn.” Waxa kale oo jirtay: “Berberi wax go’ lagu qaado ka weyn.” Xukuumaddu waxay macno samaynaysaa ama macno leedahay marka ay dadkeeda wadato. Miyaanu Cali Sugulle Dun-carbeed, Deelleeydiisii ku odhan:

“Diric keli ahaantii,

Daleed guusha kamahelo,

Dadkaa geesi lagu yahay,”


Waa taa runta biyo-kama-dhibcaanka ahi. Cid aan dal iyo dad wadanini waa daasad qab-qab leh.


Madaxbannaanida Somaliland waa lama-taabtaan, go’aankuna wuxu la yaallaa ciddii qaadatay markii horeba oo ah dadweynaha. Waa taas xaqiiqadu, masiirkeennuna gacanteenna ayuu ku jiraa. Wax laga cabsadaana ma jiro.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured