Saraakiil Ciidan oo Xagla-toosiye iyo Xirsi ku Eedaynaya inay Heshiis kaga baxeen, Hargeysana ku Go’doonsan yihiin

0
Wednesday August 07, 2013 - 19:50:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ciidan oo Xagla-toosiye iyo Xirsi ku Eedaynaya inay Heshiis kaga baxeen, Hargeysana ku Go’doonsan yihiin

    Hargeisa-(xogreebnews.com- Saraakiil Ciidan oo ka soo kicitimay magaaladda Buuhoodle muddo sadex bilood ahna Hargeysa ku sugnaa oo Wargeyska Waaheen la soo xidhiidhay ayaa sheegay in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xagla Toosiye iyo Wasiirk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com- Saraakiil Ciidan oo ka soo kicitimay magaaladda Buuhoodle muddo sadex bilood ahna Hargeysa ku sugnaa oo Wargeyska Waaheen la soo xidhiidhay ayaa sheegay in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xagla Toosiye iyo Wasiirka Hargeisa-(xogreebnews.com- Saraakiil Ciidan oo ka soo kicitimay magaaladda Buuhoodle muddo sadex bilood ahna Hargeysa ku sugnaa oo Wargeyska Waaheen la soo xidhiidhay ayaa sheegay in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xagla Toosiye iyo Wasiirka Madaxtooyaddu ay kaga baxeen Heshiis la xidhiidhay nabadayntii iyo Qaramayn Ciidan Beeleedyo reer Buuhoodle ah oo ay heshiis ku wada galeen.
Saraakiishan ka cabanaysa labada Wasiir oo ah Afar xubnood waxa ay kala yihiin sida ay Waaheen u sheegteen Gaashaanle Dhexe Maxamed Magan, Dhame Cabdi Aadan Haaruun, Dhame Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Laba Xidigle Mahad Nuur Weerar, waxaanay sheegeen in ay Hargeysa ku sugnaayeen muddo sadex bilood ah, imaanshahoodana ay labada Wasiir marka horeba ka danbeeyeen oo ay Dalbadeen.

“ labada Wasiir iyagaa noo yeedhay Burcaanu isugu nimi Hargeysa ayay noo soo direen Hotelka Cali Jirde ayay nagu balamiyeen, ujeedada iyo Heshiiskayaguna waxa uu ahaa sidii Reer Buuhoodle loo soo qaramayn lahaa, iyagaana hore ugu balan qaaday, mudadaas oo dhan waanu sugaynay, waxa dhacday maalin dhaweyd Wasiir Xagla toosiye in uu Hotelkii Amray inaanay Cunto iyo Hurda toona na siinin”
Isagoo sii wata waxa uu raaciyay “ ma garanayno ujeedo ay ka leeyihiin Nimankii Madaxda ahaa ee na keenay Hargeysa iyo wax loogu maqan yahay Dadka Reer Buuhoodle ee hore Xagla Toosiye looga soo kaxeeyay, heshiiskana lagu gaadhay in Gogol Nabadeed loo fidiyo, maadaama anaguna aanu qayb ka ahayn Xukuumadduna noogu yeedhatay inaanu kala shaqayno” ayuu yidhi mid ka mid ah Xubnahaasi.
Dhinaca kale, Ilo wareedyo Waaheen la soo xidhiidhay ayaa sheegay Ciidankii dhawaan lagu qarameeyay Fiqi Fuliye in uu qayb ka ahaa Heshiiska lagu soo xero galiyay Mid ka mid ah Musharixiinta jagada Madaxweyne ku-xigeenka ee Puntland, kaasoo aan ka muuqan warbaahinta, balse si hoose loo siiyay Lacagta uu ku hawlgalay ee uu kasoo ururiyay Ciidankii Somaliland lagua wareejiyay oo gaadhayay 500 oo Askari iyo Shan iyo Toban Tikniko ah.
Soo xero gelinta Maleeshiyo beeleedyada Barriga Somaliland ayaa lagu bixiyaa Lacago qayral xad ah, kuwaasoo aan Xisaabtooda la garanayn meel loo raaco, waxaanay noqdeen Ganacsi ay macaash ka helaan Madaxda iyo siyaasiyiinta xukuumadda iyo Beelaha isku xidhaa.
cource waaheen.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured