Puntland oo ka Goosatay Somaliya , Madaxtooyadda Somaliya oo walaac ka muujisay iyo Xildhibaano Gurmad ka galay Burburka Federalka

0
Wednesday August 07, 2013 - 08:28:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo ka Goosatay Somaliya , Madaxtooyadda Somaliya oo walaac ka muujisay iyo Xildhibaano Gurmad ka galay Burburka Federalka

    Somaliya(xogreebnews.com-Puntland ayaa ku dhawaaqday inay xidhiidhkii ka goosatay Dawladda Federalka ah ee Somaliya ilaa ay wax ka bedelayso tabashooyinka M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliya(xogreebnews.com-Puntland ayaa ku dhawaaqday inay xidhiidhkii ka goosatay Dawladda Federalka ah ee Somaliya ilaa ay wax ka bedelayso tabashooyinka M
Somaliya(xogreebnews.com-Puntland ayaa ku dhawaaqday inay xidhiidhkii ka goosatay Dawladda Federalka ah ee Somaliya ilaa ay wax ka bedelayso tabashooyinka Maamul ee ay ka qabaan Masuuliyiinta ugu saraysa oo ay ku Eedaynayaan in ay ku tunteen Dastuurka iyo deeqaha Caalamu siiyaan.

Iyadoo la tixraacayo khudbadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) uu ka jeediyay Munaasabadii 1 August oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Puntland —go’aankaasoo waafaqsan soo jeedintii Guddiga Wadajirka ah ee Golayaasha Dowladda ee July 24 — Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u hakisay wadashaqayntii iyo xiriirkii ay la lehayd Dowladda Federaalka Soomaliya.


Tan iyo dhisidii 1998-kii Dowladda Puntland waxay dadaal dheeri ah u gashay inay hirgaliso hey’daha dowliga ah, sharciga iyo kala dambaynta, iyo gaarsiinta adeega bulshada ee shacabka Puntland, iyadoo qeyb wayn-na ka qaadatay dib u dhisida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo 2004-kii. Puntland waxay taageero muhiim ah ku bixisay Soomaaliya iyadoo wakhti, juhdi badan, iyo dhaqaale intaba galisay nabadeynta iyo dib u dhiska Federaalka Soomaaliya.

Dadaalkaani waxaa laga filanayay Soomaaliya cusub oo madaxbanaan, kuna dhisan nidaamka Federaalka iyo xisbiyada badan. Haseyeeshee, tan iyo September 2012-kii markii la dhisay Dowladda Federaalka, dalkii Soomaaliya wuxuu dib ugu noqday colaadihii, barakicintii, qabyaalad iyo kala fogaansho, isqabqabsi siyaadeed, iyo iyadoo tixgalin la’aan iyo xadgudubyo dhinac kasta ah lagu sameeyey Dastuurka Federaalka Soomaaliya, oo kan rasmiga ah ay Saxiixayaashi Roadmap-ka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ku saxiixeen Nairobi June 22, 2012. War saxaafadeedkii ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee July 25, 2012, wuxuu aqoonsaday Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah, waxaana ku qornayd “inuu soo dhaweeyey hormarkii laga gaaray Roadmap-ka iyo heshiisyada la xiriira, uuna ka mid tahay Heshiiskii June [2012] ee Nairobi Protocols iyo baahinta Dastuurka qabyada ah”.

Iyadoo qiimaynaysa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, Puntland waxay sii waday wadahadaladii siyaasadeed ay la lahayd Dowladda Federaalka waxayna Puntland soo dhawaysay Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Dr. Cabdi Farah Shirdon safarkiisii Garowe (March 9-11, 2013) iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Dr. Xasan Shiikh Maxamud safarkiisii Garowe (April 28-29, 2013).

Madaxweynaha Puntland wuxuu qoraalo u diray madaxda Dowladda Federaalka ee ku sugan Muqdisho iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna Madaxweynuhu cambaareeyey Dastuurkii Federaalka oo sharcidarada ahaa ee la faragaliyay, Dastuur-beenaadkaasi oo loo qeybiyey Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 7, 2012.

Puntland waxay soo dhaweynaysaa Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC Resolution 2111) ee July 24, 2013, qaraarkaasoo ku dhiirigaliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya “inay sameyso barnaamij siyaasadeed oo cad kuna aadan hirgalinta nidaamka federaalka si waafaqsan Dastuurka KMG ah”; sidoo kale, Puntland waxay soo dhaweynaysaa War saxafadeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda IGAD ee May 3, 2013, oo ay ku qornayd mabaa’diidii lagu isku raacay ayna ka mid tahay “Tixgalinta Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Hasayeeshee, si aan waafaqsanayn mabaa’diidii la isku raacay iyo waxyaalihii la filan karay,
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay ku dhaqantay arrimaha hoos ku xusan

1. DFS waxay diiday hirgalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah iyo dib u eegis Dastuur oo sharci ah;

2. DFS waxay diiday inay dhaqangeliso Heshiiskii ay la gashay Puntland, March 11, 2013;

3. DFS waxay weecisay hadafkii la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab oo khatar wayn ku ah nabadeynta Soomaaliya;

4. DFS waxay faraha la gashay dagaal beeleedyo dhiirigalinaya haysashada sharci daradda ah ee hantida dadweynaha iyo hantida dowladda iyo deegaanada taasoo horseedaysa cadaalad darro ka dhacdagobollada Banadir, Jubbada Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose;

5. DFS waxay diiday inay la wadaagaan Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalka awoodda siyaasadeed, kheyraadka iyo deeqaha caalamiga ah oo lagu helo magaca Soomaaliya sida deeqaha waxbarasho;

6. DFS waxay diiday inay wax ka qabato burburka dhaqaale oo ay sababtay lacagtii Shillin Soomaaliga oo suuqa ku yaraatay, iyadoo daabacaada lacag cusubi ay tahay mas’uuliyadda Dowladda Federaalka;

7. DFS waxay saxiixday heshiis amaanka xeebaha ah oo khatar ku ah madaxbanaanida Soomaaliya;

8. DFS waxay taageertaa kooxaha khalkhalgelinta oo ka qeybqaata kicinta iyo degenaansho la’aantasiyaasadeed ee deegaanada dalka Soomaaliya;

9. DFS waxay inkirtay dib u heshiisiinta qaran iyadoo diiday wax ka qabadka barakicinta iyo dib usoo celinta hantidii la kala boobay tan iyo dagaaladii sokeeye ee bilawgii 1990s;

10. DFS waxay tarjumaad khaldan ka bixisaa dalka iyo dadka Soomaaliya goobaha caalamiga ah iyadoo ku guuldaraysatay soo bandhigidda arrimaha qaran ee muhiimka ah.

Sidaa darteed,
Tan iyo intii laga xallinayo arrimaha kor ku xusan, Dowladda Puntland waxay ku dhaqmaysaa xuquuqda iyo awoodaha ku xusan Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee rasmiga ah, Dowladda Puntland kaliya ayaa wakiil ka ah dhammaan arrimaha Puntland gudaha iyo dibedda.

Talooyin ku socda Maamuladda Soomaalida:

1. Taageeridda Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah, kaasoo xaqiijinaya hirgalinta nidaamka Federaalka iyo xaquuqda Maamullada dalka, si loo xaqiijiyo dib u midaynta Soomaaliya;

2. Taageeridda dhismaha Dowladaha Xubinta ka ah (States) Dowladda Federaalka iyadoo loo raacayo nidaam xor ah oo ku salaysan dib u heshiisiinta deegaanada, si waafaqsan Dastuurka Federaalka; iyo

3. Hirgalinta hey’adaha amniga si loola dagaalamo kooxaha xagjirka Al Shabaab iyo wixii khatar ku ah nabada iyo xasiloonidda deegaanada Soomaaliya.

Talooyin ku socda Beesha Caalamka

1. In la isku raaco lana cadeeyo Dastuurka Federaalka ee rasmiga ah, sida lagu xuso qoraalada iyo war saxafadeedyada ka soo baxa Beesha Caalamka;

2. In Somaaliya lagu caawiyo dib u dhiska Ciidanka Xooga Dalka oo deegaanadooda lagu dhiso si mustaqbalka loo mideeyo loona xaqiijiyo isu dheelitirka, wadashaqaynta iyo sharafta ciidanka;

3. In la xaqiijiyo qaab cadaalad ah oo isu dheelitiran oo lagu qeybiyo deeqaha caalamiga ee lagu bixiyo magaca Soomaaliya; iyo

4. In taxadar iyo faragelin deg deg lagu sameeyo barakicinta iyo cadaalad daradda lagu hayo dadka deegaanka Gobolka Shabeellaha Hoose xadgudubkaasoo ay qeyb ka tahay Dowladda Federaalka iyo maleeshiyoyiin isbiirsaday, arrintaasoo dib u abuuraysa colaado bulshada dhexdeeda ah, siinaxoojiso kooxda xagjirka Al Shabaab inay ay xoog ku yeelato deegaanada.


Madaxtooyada Somalia oo si kulul uga hadashay go’aankii Puntland ay xiriirka ugu jartay dowlada


Afhayeenka madaxtooyada Somalia Ing. C/raxmaan Cismaan Yariisow ayaa si kulul u dhaleeceeyey go’aankii maamulka Puntland uu xiriirka ugu jaray dowlada Somalia.

Ing. C/raxmaan Yariisow oo la hadlayey idaacada BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in go’aanka noocaas ah uu yahay mid lagu fududaaday oo ay ka muuqato masuuliyad daro.

“Dowlada Soomaaliyeed aad ayey uga xun tahay go’aanka qalafsan ee ay qaadatay Putland oo aan ku tilmaamo karno inuu yahay mid lagu fududaaday oo masuuliyada ka baxsan” ayuu intaa ku daray Ing. Yariisow.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in maamulka Puntland uu qeyb weyn ku lahaa ka saarida dalka ee nidaamkii KMG ahaa iyo dhismaha dowlada federaalka Somalia, isagoo xusay in sidoo kale ay qeyb ka tahay hanaanka awood qeybsiga ee ay ku dhisan yihiin heyadaha dowlada sida xukuumada iyo Baarlamanka.

“Eedeynta noocaas ah waa mid aan ku habooneyn dowladda maxaa yeelay dowladdu waxay ka kooban qeybaha bulshada Soomaaliyed waa naga wada dhaxeysaa, Puntland waa ka qeyb waxaana siinay si gaar ah tixgelin, wada shaqeyna diyaar ayaan ula nahay “ayuu Ing. Yariisow oo sii hadlayey.

Mar wax laga weydiiyey eedeymaha Puntland ee ku aadan in dowlada Somalia ay wax ka bedeshay dastuurka ayuu sheegay Ing. Yariisow in arintaas aysan waxba ka jirin, loona baahan yahay Puntland iney keento cadeymo muujinaya arintaas, isagoo xusay in dowladu ay ku dhaqanto dastuurkii ay ansixiyeen ergooyinkii 850-ka ahaa sanadkii hore ku kulmay Muqdisho.

“Dowladu xaq dastuuri ah bey u leedahay iney heshiisyo la gasho shirkado shisheeye haddii ay u aragto iney wax ka qaban karaan xaaladaha adag ee dalka ka jira, haddii Puntland ay qoonsadeen waxay xaq u leeyihiin iney wax naga weydiiyaan ee xaq uma laha iney yiraahdaan dowladu heshiisyo ma geli karto” ayuu intaa ku daray Ing. Yariisow oo ka jawaabayey su’aal aheyd inuu u maleynayo in Puntland ay dhibsatay heshiiska dowladu la gashay shirkad reer galbeed ah oo ilaalineysa xeebaha Somalia.



Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka federaalka Somalia oo galabta gaaray degaanada Puntland

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka dowlada Somalia ayaa galabta ka dhoofay magaalada Muqdisho iyagoo isla galabta ka degay garoonka dayuuradaha woqooyiga magaalada Gaalkacyo oo uu gacanta ku hayo maamulka Puntland.

Waxaa halkaas ku soo dhoweeyey xildhibaanadan masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ee Gobolka Mudug.

Xildhibaanadan ayaa dhamaantood ka soo jeeda degaanada Puntland, iyadoo tiradooduna gaareysay todoba mudane waxaana hogaaminayey Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo xildibaan Xasan Abshir Faarax oo raisul wasaare ka soo noqday dowladii KMG aheyd ee madaxweyne C/qaasim uu hogaamin jiray.

Socdaalka xildhibaanadan ayaa ku soo aaday xili maamulka Puntland uu ku dhawaaqay inuu xiriirkii u jaray dowlada federaalka Somalia ka dib war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Faroole.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo saxaafada kula hadlayey magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in socdaalkooda Puntland uu la xiriiro iney soo booqdaan degaanada ay ka soo jeedaan ka dib markii uu xirmay kalfadhigii Baarlamanka Somalia.

Mar la weydiiyey in socdaalkoodu ay la xiriiro sidii maamulka Puntlnad ugala hadli lahaayeen arrimo ku saabsan go’aankii uu xiriirka ugu jaray dowlada Somalia ayuu sheegay in arintaas uusan socdaalkoodu uusan ku saabsaneyn hase ahaatee ay kulamo la yeelan doonaan madaxda Puntland.

Warar hoose oo aanu heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanadan socdaalka ay ku tageen Puntland ay ka dambeeyeen madaxda dowlada Somalia uuna ku saabsan yahay sidii ay madaxda Puntland ugala hadli lahaayeen iney ka laabtaan go’aanka ay xiriirka ugu jareen dowlada Somalia oo eedeymo kala duwan ay u jeediyeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured