SOMALILAND: ADEEGA ZAAD SERVICE EE SHIRKADA TELESOM OO CAAWA SAACADO BADAN HAKAD GALAY

0
Tuesday August 06, 2013 - 20:52:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMALILAND: ADEEGA ZAAD SERVICE EE SHIRKADA TELESOM OO CAAWA SAACADO BADAN HAKAD GALAY

    Hargeysa (Xogreebnews.com – Adeega lacagta la iskugu xawilo Telefoonka gacanta ZAAD Service ee shirkadda TELESOM ayaa Caawa oo salaaso ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Xogreebnews.com – Adeega lacagta la iskugu xawilo Telefoonka gacanta ZAAD Service ee shirkadda TELESOM ayaa Caawa oo salaaso ah Hargeysa (Xogreebnews.com – Adeega lacagta la iskugu xawilo Telefoonka
gacanta ZAAD Service ee shirkadda TELESOM ayaa Caawa oo salaaso ah
muddo shan saacadood ka badan cilad farsamo ku timid, taasina waxay
saamayn taban ku yeelatay dhaqdhaqaaqii ganacsiga Iyo dukaansigii
bulshadda ee suuqyada dalka oo dhan.
Waxa kale oo cilada adeega ZAAD ku timid ay waxyeeshay adeega
E-Voucher ee ku shubashada kaadhadhka hadalka shirkadda TELESOM oo aan

haba yaraatee shaqaynayn muddo saacado ah.
Adeegsiga nidaamkan Zaad Service oo ah mid Electronic ah ayaa waxa
isticmaalaha tiro badan oo ka mid ah dadweynaha reer Somaliland,
haddana waxa jira warwar weyn oo ay bulshadu ka muujinayso kalsoonida
lagu qabo iyo amaankiisa, maadaama oo uu yahay nidaam electronic ah,
isla markaana aanay jirin ama aanu lahayn wax tixraac ah oo lasgula
xisaabtami karo shirkadda adeegan iska leh, haddii uu khalkhal ku
yimaado nidaamkan, kaas oo cadayn iyo muunin u noqon kara dadka ay
lacagtu ugu jirto, sida Rasiidh iyo wax la mid ah.
Dadka warwarkan qaba ayaa ku sababaynaya wakhtiyo adeegan
Electronic-ga ah uu ku yimi hakad sababay in ay dadku waxba ku iibsan
kari waayeen lacagtoodii Mobiladda ugu jirtay . hakadkaasi oo tiraba
dhawr jeer ku yimi adeegan, ayaa sababay in hoos u dhac weyni ku
yimaado kalsoonidii iyo aaminaadii ay bulshadu ku qabtay.
Kumanaan qof iyo meheradood oo ku nool gobolada iyo degmooyinka
Somaliland oo dhan kuwaasi oo uu muddo xanibay adeeggan istaagay.
Ma aha markii u horreysay ee adeega ZAAD ay soo waajahdo cilado ku
timado, hase yeeshee saamayn ku yeeshay macaamiisha shirkada oo u
badan dad danhyar ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured