wasiirka Daakhiliga Somalia oo la sheegay in u deegan yahay guri ku yaala jig-jiga yar-

0
Tuesday August 06, 2013 - 10:32:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    wasiirka Daakhiliga Somalia oo la sheegay in u deegan yahay guri ku yaala jig-jiga yar-

    Muqdisho(xogreebnews.com-Qaar ka mida Wariyeyaasha Somaliland ayaa markii ugu horeeysay helay guriga Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia ka degan yahay Magaalada Hargeysa oo ku yaal xaafada Jigjiga Yar hasse yeeshee waxaa ku adkaatay inay gudaha u galaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Qaar ka mida Wariyeyaasha Somaliland ayaa markii ugu horeeysay helay guriga Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia ka degan yahay Magaalada Hargeysa oo ku yaal xaafada Jigjiga Yar hasse yeeshee waxaa ku adkaatay inay gudaha u galaan.
Muqdisho(xogreebnews.com-Qaar ka mida Wariyeyaasha Somaliland ayaa markii ugu horeeysay helay guriga Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia ka degan yahay Magaalada Hargeysa oo ku yaal xaafada Jigjiga Yar hasse yeeshee waxaa ku adkaatay inay gudaha u galaan.
Guriga qoyska Wasiirka degan yihiin ee Jigjiga yar laguma arag agagaarkiisa Ciidan, waxaana la rumeeysan yahay in xaalad amaan darteed loo dejiyay guri ku yaal dhabarka dambe ee Madaxtooyadda sida Wariyeyaasha sheegeen.
Qof la derisa qoyska Wasiir Abdikariim Dhega juun ayaa sheegay in guriga wax shanqara laheyn oo laga maqan yahay, Caruurtii deganeedna laba maalmood tegin Dugsi Quraanka iyo Isgoolka.
“Guriga 48-kii saac ee la soo dhaafay malaheen wax shanqara,gabadha gurigaan degan waanu is arki jirnay subax walba xiliyada Dugsiga ama Isguulka laakiin labadaan maalin ma arag,anigu maba ogeen in reer jaarkeenu yihiin qoyska Wasiir ka tirsan Federalka Somalia” ayey tiri haweeneeyda.
Inkastoo Wasiir Abdikariim Guuleed ku dooday inuu Hargeysa u tegay booqashada Xaaskiisa iyo Caruurtiisa hadana waxay dad badan ku dhaliileen sababta uu qoyskiisa Muqdisho ugala baqay ee Hargeysa u dejiyay .
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee Dowladda Federalka Somalia waxaa aad loo adkeeyay amnigiisa ,waxaana xalay Hargeysa afur ugu sameeyay Maamulka Shirkadda Dahabshiil,oo sida la sheegay ku dacweeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mohamud Tarsan iyo Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda Deeqa Cabduqaadir.
Wasiir Abdikariim intii uu Muqdisho joogay ayuu Gudoomiye Tarsan ku yiri” Maamulka Dahabshiil waxay dacwad u gudbiyeen Madaxweyne Hassan,wuxuuna igu dhahay waxay ka dacwoodeen Deeqa Cabduqaadir oo ay sheegeen inay hayaan codkeeda iyadoo Shirkadda ku eedeeysay inay lacag siiso Al-Shabaab”
Masuuliyiin ka qeybgalay afurka Wasiir Abdikariim iyo Masuuliyiinta Dahabshiil ayaa ku xog waramay in Wasiirka ugu bishaareeyay inuu xilka qaadis ku sameeyn doono Deeqa iyo Tarsan marka uu Muqdisho ku laabto hasse yeeshee taasi sharciyan awood uma lahan.
Maamulka Dahabshiil waxay Tuhunsan yihiin in Tarsan ka dambeeyo hadalka Deeqa Cabduqadir marisay Warbaahinta oo bulshada beesha hawiye aad ugu baraarugtay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured