Fadeexad weyn:Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Guri Hanti-Qarana si qarsoodi ah u iibsadey,siistayna…
Hargeisa-(xogreebnews.com-- sida xoggo daadsan fagaarayaasha siyaasada iyo madal Hantida qaranka ee la musuqmaasuqo lagu falanqeeyo tibaxayaan
Hargeisa-(xogreebnews.com-- sida xoggo daadsan fagaarayaasha siyaasada iyo madal Hantida qaranka ee la musuqmaasuqo lagu falanqeeyo tibaxayaan wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X.Xasan oo lagu tilmaamo wasiirka ugu dhiiran,uguna awood badan golaha wasiirada xukumada Siilanyo ayaa iibsadey Guri Hanti-qarana oo ku yaala Xaafada Biibsiga Hargeisa.
Gurigan wasiir Xirsi iibsadey ayaa lagu sheegay Guri gaboobay,lana dhisay waqti hore balse xogaha Qarannews heshay ayaa sheegaya inuu siistay lacag lagu qadaray $120.000 (Boqol iyo Labatan Kun oo dollar),taas oo macnaheedu yahay inuu iibsadey dhulka,gurigana ku talo galkiisu yahay inuu dumiyo, halkaasna guri casriya ka qotomiyo.
Gurigan Booliga ku ah ee uu iibsadey wasiirka madaxtooyadu ayaa xoguhu sheegayaan inuu ka soo horjeedo Guri dawladu lahaan jirtay balse Gudoomiyaha golaha wakiilada/Wadani mulkiyey ama iibsadey kal hore kaas oo hadda dhisme casri ahi ka socdo.
Isku soo wada duuboo waxaa beryahanba si xawliya loo boobayaa, loona kal iibsadaa guryaha iyo dhulka danta guud ama dawladu leedahay iyadoo loo maro sifo khaldan, dadka boobayaana u badan yihiin ganacsato xukumada ku xidhan ,masuuliyiin xilal sarsare ka haya xukumada Siilanyo iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka qaranka oo si toosa ugu xidhan,ulana shaqeysta wasiirka madaxtooyada.Xukumadan ayaa dadka falanqeeysa siyaasada dalku ku tilmaaman xukumada macaash doona ama baayacmushatara
cource qarannews.com
Leave a comment |
|
Fadeexad weyn:Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Guri Hanti-Qarana si qarsoodi ah u iibsadey,siistayna…
Hargeisa-(xogreebnews.com-- sida xoggo daadsan fagaarayaasha siyaasada iyo madal Hantida qaranka ee la musuqmaasuqo lagu falanqeeyo tibaxayaan