URURKA DHALINYARADA GOBOLKA SAAXIL AYAA CANBAAREEYEY XADHIGA ODAYAASHA,DHALINYARADA IYO HAWEENKA EE REER ABDAAL LOO GEYSTAY,WAXAYNA TAAGEEREEN GOLAHA TOOSINTA.

0
Monday August 05, 2013 - 22:50:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    URURKA DHALINYARADA GOBOLKA SAAXIL AYAA CANBAAREEYEY XADHIGA ODAYAASHA,DHALINYARADA IYO HAWEENKA EE REER ABDAAL LOO GEYSTAY,WAXAYNA TAAGEEREEN GOLAHA TOOSINTA.

    war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ururka dhalinyarada ee gobolka saaxil ayaa lagu canbaareeyey xadhiga ay xukuumadu kula kacday odayaaal,dhalinyaro iyo haween reer abdaal ah kuwaasi oo todobaadkii hore la xidhay markii ay taageereen golaha wada t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ururka dhalinyarada ee gobolka saaxil ayaa lagu canbaareeyey xadhiga ay xukuumadu kula kacday odayaaal,dhalinyaro iyo haween reer abdaal ah kuwaasi oo todobaadkii hore la xidhay markii ay taageereen golaha wada tashiga iyo

-war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ururka dhalinyarada ee gobolka saaxil ayaa lagu canbaareeyey xadhiga ay xukuumadu kula kacday odayaaal,dhalinyaro iyo haween reer abdaal ah kuwaasi oo todobaadkii hore la xidhay markii ay taageereen golaha wada tashiga iyo toosinta.

warsaxaafadeedka ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

annaga oo ah ururka ay ku midoobeen dhalinyarada gobolka saaxil ee marka magacooda la soo gaabiyo la yidhaahdo(SYDA) waxaanu canbaareyn kulul u jeedinaynaa maamulka siilaanyo ee sida xaqdarada ah u xidhay odayaasha,dhalinyarada iyo haweenka reer abdaal kadib markii ay dadkaasi cabireen fikirkooda ku aadan sida ay u taageersan yihiin golaha badbaadaba ee wada tashiga iyo toosinta.

hadaba markii aanu aragnay sida sharci darada ah ee ay xukuumada siilaanyo ugula kacday xadhiga odayaasha,dhalinyarada iyo haweenka reer abdaal waxaanu go'aan sanay in aanu soo saarno bayaanka oo aanu ku canbaareyno xadhigaasi foosha xun ee loo geystay dadka shicibka ah ee reer abdaal,iyadoo si sharci daro ah loo xidh xidhay dadkii deegaanka ee sida xorta ah u taageeray golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka,iyadoo golahaasi dibad iyo gudaba laga taageeray ayaa hadana reer abdaal loola dhaqmay si aan loola dhaqmin dadweynaha kale ee reer somaliland ee taageeray golaha wada tashiga iyo toosinta.

hadaba markii ay kulan balaadhan iskugu yimaadeen uruka SYDA wuxuu soo saaray qodobadan.

1: inay xukuumadu si shuruud la'aan ah ku sii deyso dhamaan dadkii la xidh xidhay.

2: in aysan xukuumadu ku deg degin xadhiga dadweynaha ku dhaqan gobolka saaxil oo 99% taageersan golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka,arintaasina wuxuu ururku ku ogaaday cilmi baadhis uu ka sameeyey gobolka saaxil.

3: wuxuu urruku soo jeedinayaa inay hayada baarlamaanka somaliland sidii dalka loo badbaadin lahaa ku dhaqaaqaan oo ay la xisaabtamaan madaxda waayo qodob dastuurka ka mid ah ayaa dhigaya hadii uu madaxweynuhu talin kari waayo waxaa lagu soo oaagayaa(impeachment) markaa waa inay shaqadooda ka soo baxaan baarlamaanka somaliland.

4: waxaanu umada somaliland ugu baaqaynaa in la is garabtaago cadaalada iyo xaqa oo cid kasta oo ku heelan inay ka hadsho oo dadweynaha ku buuriso ilaalinta cadaalada waa in la taageeraa.

5: ugu danbeyn waa in la taageeraa golaha badbaadada ee wada tashiga iyo toosinta qaranka.

Waa Bilaahi Towfiiq

Xoghayaha ururka SYDA

C/casiis Bashiir Nuur

Email:syda@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured