Mujaahid Cali Guray Oo Si Adag Uga Hadlay Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo.isla markana u gabyaay

0
Monday August 05, 2013 - 19:22:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Cali Guray Oo Si Adag Uga Hadlay Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo.isla markana u gabyaay

    Kolkay runi run noqotay baabuur kii na la waayay deyna ku go?an yahay ayuu ninki isaga oo dhako faarsan hoos isu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolkay runi run noqotay baabuur kii na la waayay deyna ku go?an yahay ayuu ninki isaga oo dhako faarsan hoos isu yidhi Hargeysa (xogreebnews.com- - Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa si aad ah ugu nuux-nuuxsaday in hogaaminta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay tahay mid lagu hungoobay.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Bogga uu ku leeyahay Barta Facebook-ga waxaanu ku yidhi
Shicibkii Somaliland markay Madaxwayne u doorteen Axmed Silanyo oo Kulmiye ah waxay noqdeen waraabihii hasha qabsaday ee markuu soo legday ay isagii ku soo dul dhacday ee naf xaraaihii markuu nuuxsan kari waayay yidhi" KOL UUN YAA CAWEEREEY GEES IIGA KAA RIDA". Cabdi Qays na hees baabu ku sawiray oo yidhi:

GOL JILAYCDA HOOSIYO
KURUS KAAGAN GAAMURAY
WAXBA YAANAN GOOSANE
GOOR UUN YAA CAWEEREEYGEES IIGA KA RIDA
Mar kale na shacbiga Somalland waxay noqdeen sidii ninkii tuulada yar ee wado baabuurta ku taalay makhaayada yar ku haystay ee goor caways ah, habeen malaha gudcur ah, mid baasi meel dheer toosh abu arbaca xajar ah ka wa? siiyay isagoo socda. Ee ninki is yidhi "qodhiyo xeraday waa gaadhi waar intaanu soo gelin neef aan ka sii gaadhsiiyo aan rakaabka ka iibiyo".

Ee isla markiiba neef uu mid ka amaahday birta mariya ee durta diiba intu haragii ka siibay dheerigii ku guray".
Wuxu sugo kol na dibada u soo baxo uu tooshkii bidhaan sado oo baabuur u haysto ba, goor dambe ayuu wax iftiin ah iyo wax guux ah mid na waayay, cadihi na waa bisil yihiin.
Waxa kaga daran kii uu neefka ka sii amaahday oo isna intay caqaartii yarayd ku go?day hadba u soo luqun diin laynaya.
Kolkay runi run noqotay baabuur kii na la waayay deyna ku go?an yahay ayuu ninki isaga oo dhako faarsan hoos isu yidhi " WAAR YAA HARAGEEDII UUN IGAGA CELIYA"
Imika odaygii tooshkii buu noqday, kulmiye na ninkii khatalmay buu noqday ee deynku na ku go?ay.
UDUB baa ba la qaatay oo ninkii neefka laga amaahday isagu noqday. Hadba wax u soo noqda ba deynkiisii haatan wada qaaday ba.
Mar kale halkay Axmed Silanyo ka filayeen Suul Cawraa kaga soo baxay.
Hadana waxay noqdeen ninkii dabinka libaaxa u dhigtay ee sakaaradu u gashay ee yidhi " UMABA DABAN"



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured