Golaha Salaadiinta oo Go’aankii Xubnaha Ergada ku Tilmaamay Mid Ka Baxsan Hawlihii loo Diray ..Dhawaaqa Salaadiintu wax la filayey may ahayn, arrintaana waanu ka tashanaynaa..

0
Monday August 05, 2013 - 08:59:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Salaadiinta oo Go’aankii Xubnaha Ergada ku Tilmaamay Mid Ka Baxsan Hawlihii loo Diray ..Dhawaaqa Salaadiintu wax la filayey may ahayn, arrintaana waanu ka tashanaynaa..

    Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh Hargeysa(xogreebnews.com-Golaha Salaadiinta Somaliland, oo iyagu markii hore lahaa qorshaha dhex-dhexaadinta Madaxweynaha iyo Golaha Wadatashiga cusub, ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh Hargeysa(xogreebnews.com-Golaha Salaadiinta Somaliland, oo iyagu markii hore lahaa qorshaha dhex-dhexaadinta Madaxweynaha iyo Golaha Wadatashiga cusub, ayaa
Hargeysa(xogreebnews.com-Golaha Salaadiinta Somaliland, oo iyagu markii hore lahaa qorshaha dhex-dhexaadinta Madaxweynaha iyo Golaha Wadatashiga cusub, ayaa sheegay in xubnihii Salaadiinta ee shaaciyey Wada-hadalladii inay burbureen aanay qorshaha ugu jirin inay ka gar-naqaan khilaafka labada dhinac, hase-yeeshee loo igmaday oo keliya inay Xukuumadda ka keenaan ogolaansho inay kalsooni ku qabaan Salaadiinta.


Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo ka mid ah Madax-dhaqameedka waa-weyn, kana mid ah Golaha Guud ee Salaadiinta Somaliland, oo Xalay Wargeyska Yool u waramayey, waxa uu sheegay in aanay waxba kala socon go’aankii habeen hore xubnaha Salaadiintu iclaamiyeen, balse ay Warbaahinta ka ogaadeen. Dhanka kale waxa Suldaanku sheegay inay ku tallo jiraan in Golaha Salaadiintu kulmo, kadibna xog-warsi la yeeshaan xubnihii Salaadiinta ahaa ee ay u xil saareen inay Madaxweynaha kasoo qaadan afti ah inuu kalsooni ku qabo Salaadiintu inay dhex-dhexaadin ka gasho khilaafka Xukuumadda iyo Golaha Toosinta.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh oo ugu horeyn ka waramayey waxay kala socdaan dhawaaqii kasoo yeedhay xubno Golaha Salaadiinta ka tirsan, waxa uu yidhi; “..Weli labada qolo midkoodna saani noogu muu waramin, markaa waxaan ka sheegaa waa been..”.

Suldaanka oo sharaxayey ujeeddada iyo awoodda xubnaha Salaadiinta ah ee ku dhawaaqay in wada-hadalkii burburay, waxa hadalladkiisii ka mid ahaa; “..Qolada Golaha Toosinta annagoo Salaadiin ahaan isku dhan baanu wada hadalnay, kalsooni bayna na siiyeen oo arrinkii wey dhiibeen, marka Guddiga Salaadiinta ah waxaanu u dirnay Xukuumadda kasoo dhameeyaan in la is arko oo la wada-tashado oo la wada hadlo oo ay arrinka dhulka dhigaan, markaa waxay ahayd qolladii Salaadiintu inay annaga warka nagu soo celiyaan naguma nay soo celin, Qolladan [Golaha Toosinta] kalay leeyihiin wey na diideena goor ay wada hadleen annagu ma ogin. Annagoo isku dhan [Golaha Salaadiinta] ayey na direen, marka waxay ahayd annagoo isku dhan aanu wada hadalnaa, markaa Guddiga dhawrka Nin ah ee iska hadlay waxba kama ogin, annigu xataa war kama hayo inta hadashay Shan iyo toddoba midkay ahaayeen, laakiin Guddigii aanu dirnay toddoba iyo toban (17) bay ahayd, markaa annaga qudhayada ayaa weli war raadis ah ee illaahay waa’-san ha inoo beryo, illay waxani [dhawaaqa kooxda Salaadiinta ah] wax la filayey may ahayne arrintaa waanu ka tashanaynaa..”
yool


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured