Suldaan Deg-deg iyo Sal-fudayd waa looga wanaagsan..Dhegawayne waa Nin Wadanka qiimo weyn iyo taariikh adag ku leh erey qof yidhina waxba kuma yeeli karo, waxna kama bedeli karo..

0
Monday August 05, 2013 - 08:54:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Deg-deg iyo Sal-fudayd waa looga wanaagsan..Dhegawayne waa Nin Wadanka qiimo weyn iyo taariikh adag ku leh erey qof yidhina waxba kuma yeeli karo, waxna kama bedeli karo..

    Guddoomiye Xasan Guurre Hargeysa(xogreebnews.com--Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa iska moosay inuu dhinacooda ka burburay geedi-socodka hawlihii dhex-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Xasan Guurre Hargeysa(xogreebnews.com--Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa iska moosay inuu dhinacooda ka burburay geedi-socodka hawlihii dhex-
Hargeysa(xogreebnews.com--Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa iska moosay inuu dhinacooda ka burburay geedi-socodka hawlihii dhex-dhexaadinta ee laga dhex-waday Golaha iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, sidoo kalena sheegay berri ka yihiin asbaabihii lagu eedeeyey ee ahaa in hawsha dhex-dhexaadintu dhankooda ka socon weyday.

Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Md. Xasan Guurre Jaamac oo Xalay Waraysi siiyey Wargeyska Yool, ayaa sheegay in hawsha dhex-dhexaadintu ka qalloocatay dhanka xubnihii Salaadiinta ahaa ee habeen hore Warbaahinta la hadlay, kuwaasoo uu ku tilmaamay in sal-fududayd qaaday, waxaanu tilmaamay inay dhankooda goor kasta iyo xilli kasta diyaar u yihiin wadahadal kasta oo danta Qaranku ku jirto.


Dhanka kale Guddoomiyuhu waxa uu jawaab ka bixyey hadalladii Wasiirka Madaxtooyadu sida qaawan ugu weeraray Siyaasiyiin iyo Mujaahidiin maamuus weyn ku leh Qaranka oo ka tirsan Golaha Toosinta.

Waraysigan oo faahfaahsani waxa uu u dhacay sidan:

Su’aal:Guddoomiye warbixin naga sii qaabkii uu ku bilaabmay dhex-dhexaadiintii ay Kooxda Salaadiinta ahi idinka dhex wadeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo?.

Jawaab: Salaadiinta marka hore annagu umaanu yeedhine iyagaa noo yimi, waxay nagu yidhaahdeen ‘Golaha Salaadiinta’ ayaa la naga soo diray, waxaanu doonaynaa in aanu arrintaa idinka dhex-galno, markaa waxaanu ku nidhi; ‘Salaadiin baad tihiine haddii aad garateen dadkiinii kala dhex-gala waxba kama qabno’ sidii bay hawshii ku bilaabeen. Sidii dhex-dhexaadintu labadayadii dhinacba may soo waraysane, habeen uun bay noo yimaadeen oo ay yidhaahdeen magacaas (Gole) ayaad ku khaldan tihiine bedela, waxaanu ku nidhi magaca waa laga wada hadli karaaye intaa aynu hore u dhaafno oo qoddobadan kale ka warama?. Waxay yidhaahdeen ‘Waanu idin la wada qaadanay qoddobada dhamaantood waa wax jira, haddii ay dawladu wax ka qaban weydana idinka [Golaha Toosinta] ayaanu idin la safanaynaa’. Markii bay ku dhaqaaqeen, dabadeedna waxaanu ku nidhi In madal ballaadhan oo Salaadiinta oo dhami joogto aynu ku wada hadalno, kadib Gole-weyne ilaa iyo dhowr iyo Konton joogto ayaanu ku wada hadalnay oo ay yidhaahdeen waxaanu idinka codsanaynaa inaad magacaas [Gole) bedeshaan. Markaa waxaanu ku nidhi magacaa haday idinka qabsatay waanu bedelaynaa, laakiin arrimahan qoddobadan kale ayuun baa miisaanka noo ah, sidaas ayaanu ku kala tagnay.

Su’aal: Kulankii labaad muxuu noqday, halkee ayey se wax iska bedeleen?

Jawaab: Ergadii Salaadiinta ahayd waxay u tageen Dawladdii iyo Madaxtooyadii, markay soo noqdeen waxay nagu yidhaahdeen Madaxweynihii wuu ogolaaday in la wada hadlo oo arrimahaa laga wada hadlo [qoddobada ay ka hadleen Golaha Toosintu], waanu u sheegnay bay yidhaahdeen ‘Madaxweynaha si wanaagsana waanu uga la hadalnay inaad ogolaateen arrintii [bedelka Kelmada Gole], oo si wanaagsan oo deganna noola hadasheen, imikana arrintu sidaa ku dhamaan mayso, Madaxweynihiina aad buu u qaatay. Arrinkayagana waxaanu ku celinaynaa Golihii Salaadiinta ee na soo diray markii hore, markaanu Salaadiinta ku celinana in aynu wada-hadalno ayaanu doonaynaa. Halkaa markay marayso ayaa waxa dhacay in Nin Salaadiintii ka mid ahi oo u badan qolada keentay inay Madaxtooyada tagaan waxay yidhaahdeen magacyada inta tegaysa [Miiska Wada-hadalka] inaad yaraysaan baanu doonaynaa iyo inaad hadda noo sii sheegtaan waxaad odhanaysaan ee aad Madaxweynaha ku odhanaysaan. Waxaanu ku nidhi dee midna gar nooguma lihidine waxaad yeeshaan Golihii la idinka diray ee arrinta aanu anagu dhignay jideeyey kii uun baanu wax ka qaadanaynaaye horta kii ku celiya, markaa sidii balankeenu ahaa Golaha Salaadiinta ayaanu arrinka ka wada hadlanaynaa. Arrimahan kalena ma aqbali karno, nala mana aha. halkaa markay arrintu marayso ayey hadana kooxdii Salaadiinta ahayd Shalay [Doraad] dib noogu soo noqdeen], waxana ay yidhaahdeen ‘waxaad ku hadlaysaan iyo liiska dadkii Shirka idinku metelayey ma noo haysaan’, kadib waxaanu ku nidhi Golihii Salaadiinta ayeynu ku balansanayne bal Golihii inoo celiya, waxana aanu ku kala tagnay inay Golihii ku celiyaan, sidaa ayaanu ku kala tagnay.

Su’aal: Guddoomiye Salaadiintii ergada ahayd qaarkood ayaa idinku eedeeyey gar-diidnimo, markaa sideed u aragtaa arrinkaa?

Jawaab: Salaadiinta markii aanu kala tagnay wax dambe oo dhacay ma ogi, wax riixay oo dabada ka riixanayna ma garanayo, dhowr Nin oo ka mid ah raggii hawsha ku jiray [Salaadiinta] ayaa arrinta dhaqaaqay. Xalaal iftin baa la qashaaye ma garanayo waxay Saqda u qabteen Shirka aynu dhaliileen iyo waxa dedajiyey. Suldaan Deg-deg iyo Sal-fudayd waa looga wanaagsan, waxa la yidhi; “Waxaan Faras ahayn oo fudud baan ahay”, Suldaan inuu fududaado maaha, waxaan jirin inuu sheegona maaha, Xaasha annagu [Golaha Toosinta] Salaadiinta waxba odhan mayno oo ixtiraam bay naga mudan yihiin, laakiin waa laga fiicnaa qaabkay u dhaqmeen. Arrinkiina Golihiisa Salaadiinta ayaa lagu celiyey, Berritona (Maanta) waxa laga yaabaa inay ka wada hadlaan, in baa ku kacday, intaasina waxay ku kacday waxba kama jiraan, waxaanu diidnay ma jirto, waanu ogol nahay wada hadal ugu Madaxweynaha iyo ciddii kale reer Somaliland ah ee wada-tashi iyo samo wada ee dan ka hadlaysa Wadahadal dhankayaga ka burburayna ma jiro. Magacayaga waxa la yidhaahdaa Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka’ ciddii na toosinaysa iyo ciddii nala talinaysaba waanu soo dhaweynaynaa. Axmed Maxamed Maxamuud Waa Madaxweynaha Somaliland, taariikh badan baa naga dhexaysa, inta yar ee ku dushaa waa in yaroo nagu duushay, markaa xumaan uma ogolin in lagula kaco, waayo taariikhdayada bay yeelaysaa, markaa maanu diidin diidina mayno.

Su’aal: Eedaha la idiin soo jeediyey maxaad kaga jawaabaysaa?.

Jawaab: Ma garanayo ilaa hadda wax aan ku fasiro, waa la sheegayey in eedo la noo soo jeediyey, waxbana kama jiraan.

Su’aal:Madaxweynaha inaad la kulantaan ma idinkaa dalbaday?.

Jawaab: Maya iyagaa noo soo jeediyey

Su’aal: Laakiin iyagu waxay ku doodayaan inaad idinku dalbateen?

Jawaab: Maya maanu dalbane, waxaanu ku midhi arrimahaas inay wax ka jiraan, marka horena iyagaa noo yimi.

Su’aal: Madaxtooyada iyo Golihiina Toosinta Xidhiidh idin dhex-maray ma jiraa oo sheegaya inaad ku kulmaysaan 48 Saacadood gudahood.

Jawaab: Mayee warkaasi ma jiro

Su’aal: Maxaa hadda idiin qorsheysan oo ay noqonaysaa tallaabada xigtaa?

Jawaab: Tallaabada Xigtaa waxa ay tahay waxaanu iska wadanaynaa hawlahayagii aanu u samaysanay Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka. Madaxweynaha dayr kuma xidhna, anagana iyo Madaxweynahana dayr nooma dhexeeyaan, marka loo baahdona anaguna waanu u tegi karnaa Madaxweynaha oo gidaar naguma kala xidhna, mana aha Nin meel kale ka yimee waa Madaxweynuhu waa Nin meeshiisii jooga.

Su’aal: Sideed u aragtaa eedaha uu Wasiirka Madaxtooyadu u soo jeediyey Mujaahid Ibraahim Dhegawayne oo ka mid ah Golihiina Toosinta?.

Jawaab: Walaahi eed iyo cambaareyn Golaha kuma fiicna, Dhegawayne Nin geya maaha in wax waxyaabaha qaarkeed lagula hadlo, Ibraahin waa Nin Wadanka qiimo weyn ku leh, taariikh adag ku leh, erey qof yidhina Dhegawayne waxba kuma yeeli karo, waxna kama bedeli karo.

Su’aal: Ugu dambeyn maxaa idiinka baxay xidhiidhka ergada Salaadiinta iyo Madaxtooyada?.

Jawaab: Kollay waxaa la yidhi Nin waa lama yaqaan, dee waxaa la yidhi Madaxtooyadu wey riixaysaa laakiin ma cadeyn karo inay Salaadiintu fududaatay iyo la riixay oo Madaxtooyadu cadaadis saartay ma kala sixi karo, laakiin tallaabo aan meesha qaban oo tallaabo Suldaan aan u ekayn baa ii muuqata.
yool


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured