Melez Zenawi Waxa Uu Cigaal Ku Yidhi Waxaannu Kuu Aqoonsanaynaa Inaad Tahay Aabbihii Geeska Afrika? Wasiir Warancadde

0
Saturday August 03, 2013 - 19:59:57 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1356
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melez Zenawi Waxa Uu Cigaal Ku Yidhi Waxaannu Kuu Aqoonsanaynaa Inaad Tahay Aabbihii Geeska Afrika? Wasiir Warancadde

    Md Warancadde oo aannu weydiinnay xilligii ay Cigaal is-barteen, qaabkiisii hoggaamineed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Md Warancadde oo aannu weydiinnay xilligii ay Cigaal is-barteen, qaabkiisii hoggaamineed Madaxweynayaasha uu Cali Maxamed Warancadde la shaqeeyay waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo uu illaa toddoba sanno ka tirsanaa Golihiisa Wasiirrada, isaga oo xukuumaddaas ka qabtay xilal badan oo kala geddisan.

Md Warancadde oo aannu weydiinnay xilligii ay Cigaal is-barteen, qaabkiisii hoggaamineed, summadihiisii dadnimo iyo xidhiidhkii labadooda ka dhexeeyay ayaa yidhi ?Eebbe qabriga ha u nuuro, Cigaal waxa weeye nin taariikh badan ku leh Somaliland, waxa uu ahaa hoggaamiyihii u horreeyay ee dalkeennu





yeesho 1960-kii, annaga oo aan is-arag ayaan galgacal iyo naxariis badan u hayay markii ay xidheen dawladda Kacaanku, madaama oo aan u arkayay nin madax ah oo la xumeeyay dhibna la mariyay. Raggii midnimada hormoodka ka ahaa ayuu ahaa ee aan helin maqaamkii ay mudnaayeen, markii dambe ee nasiibku ku soo saaray Ra?iisal-wasaarannimadana waa lagu gar-darrooday, markii uu xabsiga ka soo baxayna aad ayaan u bartay.

Maalintii koowaad ee kulankayagu bilaambay waxaan isugu soo galnay Bangi ka dhex furnaan jiray Hudheelkii Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaanan fadhiistay kursi ku xiga kii uu Cigaal fadhiyay muuqaalkiisana ma aan garanayn, maadaama oo aan illaa yaraantaydii maqli jirayna waxa aan u haystay nin da? ah oo gaboobay, mana moodayn inuu nin markaas dhallinyaro ah yahay (waa markii laga soo daayay xabsigii milatariga), waxaanu ahaa nin da?yar, oo aanu isku dhawnahayba, isla markaana aanay ka muuqan wax muujinaya inuu iga ayni weyn yahay.

Ninkii meesha maareeyaha ka ahaa ayaa fahmay inaanan garanaynin Cigaal waxaanu igu yidhi ?Ninkani waa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Ra?iisal-wasaarihii Soomaaliya, Hoggaamiyihii Somaliland oo xabsiga laga soo daayay?. Inta aan kacay ayaan dhunkaday, waxaan ku idhi ?Adeer kuma aan garanayn, markii horena waan yaraa, intii dambena Xamar ma aan imannin, sanadihii dambena waad xidhnayd?. Waanu isa salaannay, wuu i baarigay waanu ii duceeyay. Maalmihii dambena waxa aan ugu tegi jiray guri uu Muqdisho ku lahaa. Halkaas ayaannu isku barannay.

Markii dambe ee uu Cigaal madaxweynaha ka noqday waddanka (1993-2002) waxa aannu isku sii barannay dedaalkii aan ugu jiray nabadaynta iyo isu soo dhawaynta beelaha Somaliland. Sidaas ayaanu aniga dawladda iiga qayb-geliyay. Dhanka madaxnimada waxa uu ahaa nin hoggaamiye ah, nin masuul ah, runtii anigana waxa uu ahaa macallinkaygii siyaasadda wax badanna waan ka faa?iiday. Waxa uu ahaa nin aaminsan inuu ummadda sida aabbe ama waalid u yahay oo fahansan waxa ay madaxnimadu tahay. Waxa uu ahaa nin dadka og, ninka madaxda ah ee markaa dhibaataysan wuu la socday, ninka sharafta leh ee markaas hawluhu ka yara kala daadsan yihiin wuu ka war-hayay.

Waxyaabaha la-yaabka leh ee aan ku arkay waxa ka mid ahaa haddii ay jiraan dad ay is-yaqaanneen oo xoolo lahaa hantidina ay ka baxday ama xilal hayay oo wax ka si noqdeen mid walba halkiisa ayuu ku xusi jiray. Wuu u yeedhi jiray, dhaqaalayn jiray, niyadda u dhisi jiray, lana sheekaysan jiray. Runtii waxa uu ahaa nin dad la-dhaqan iyo hoggaamin wanaagsan. Hoggaamintu ma aha wax dadku wada leeyahay ee waa hibo Alle bixiyo. Waa laga yaabaa inaanu jeclayn in kursiga lagula tartamo, laakiin wixii ka soo hadha nin naxariis badan oo xaqa ku wanaagsan ayuu ahaa. Waxa uu ahaa nin aan jeclayn marka uu xukunka hayo in ehelkiisu ka ag muuqdaan oo mashquuliyaan. Runtii nin aad u qiimo badan ayuu ahaa.

Markii dambe waxa aannu noqonnay saaxiib waanu i jeclaa, waanan la dhisay dawladdiisa. Inkastoo markii dambe uu geeriyooday isaga oo ay qolo isku kaaya dirtay aniguna aan noqday nin weyn oo murmaya ( damac leh) aniga saamax ayuu igaga dhintay. Ilaahay ayaan u baryayaa inuu naxariistii janno siiyo, faa?iidooyin badan iyo cilmiga siyaasaddana waan ka bartay?.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo aannu su?aalnay inuu ka warramo qaar ka mid ah socdaallada dibadda ee ay qurbaha isugu raaceen Cigaal ayaa sheegay socdaal ay iyagoo wefdi ah ugu baxeen dalka Itoobiya. Halkaas oo ay dood adagi ku dhex martay iyaga iyo Ra?iisal-wasaarihii Markaas talada hayay Mallas Zenawi, waxaanu yidhi ?Xagga safarrada kii koowaad ee aannu isku raacnay Cigaal waxa uu ahaa mid aannu ku tagnay Itoobiya oo aannu kula kulannay Ra?iisal-wasaarihii hore Melez Zenawi, xilliga aanu socdaalkaas galnay waxa ay mar laga soo noqday dagaalladii sokeeye dadkuna u badan yihiin qaxoonti iska dhibaataysan. Waxa safarka ku wehelinayay dhawr wasiir oo dhaadheer, hilib ahaanna buuran oo aad mooddo inaaanu ka nabad-galnay duufaannadii dhacayay, waxaana bidhaanta san koow noogu ahaa Madaxweyne Cigaal Alle ha u naxariistee, waxa ku jiray wefdigayaga Wasiirkii Arrimaha Dibadda Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe Allaa ya raxma, Maxamed Siciid Gees iyo aniga. Illaa shan ama lix wasiir oo aan kala dhicin mid kastana labada albaab loo furayo ayaanu ahayn. Markii aannu Melez Zenawi u galnay ayuu kacay waxaanu yidhi ?Maxaa loo lahaa Somaliland waa lagu bakhtiyayaa, sawka raggiinnani ka yimi maxaa beenta looga sheegayaa??.

Waxyaabaha aan ka xasuusto waayo-aragnimadii Cigaal markii aannu la doodaynay Melez Zenawi waxa uu ku yidhi ?Waa maxay sababta aad noo aqoonsan la?dihiin??. Melez Zenawi wuu garnaqsaday waxaanu yidhi ?Annagu waanu idin oggolnahay, niman dalkoodii nabadeeday oo dawladnimo dhistay ayaad tihiin. Waa ogtihiin oo Xarunta Midawga Afrika waa Addisaba aniga ayaana Guddoomiye ka ah hadda, Soomaaliyana dhibaato badan ayaa ka dhacday haddii aan ictiraafkiinna ugu horreeyana waxa aan ka baqayaa in la yidhaahdo wuu ka aargoosanayaa. Markaa waxa aan doonayaa inay dawladi iiga horreyso aniguna aan ta labaad noqdo?

Aad ayuu u garnaqsaday Madaxweyne Cigaal waxaanu yidhi ? Soomaali-weyn ayaad doonaysaan haddaad Itoobiya tihiin, innamo yaryar da? ahaanna waad tihiin anigu Xayla Salaasena wax waan la soo cunay, siyaasadna waan la wadaagay. Soomaali-weyn micnaheeda ma taqaan Mallasoow? Kollay garan mayside laba arrimood ayaan kaaga tilmaamayaa. Ta koowaad, sannadkii 1964-kii wixii Somaliland iyo Itoobiya burbur iyo dhibaato kala dhex galay waad yaraydeen waxaana laga yaabaa in iskuullada la idiinku dhigaye waxa horseed u ahaa Soomaali-weyn.

Ta labaadna, meesha la yidhaaho Naasireet (Oo aynu Hawaas nidhaahno) Caasimadda Itoobiyana u jirta boqol iyo konton kiiloo mitir waa Soomaali-weyn. Ogow Soomaali-weyn ma aha Hargeysa iyo Muqdisho oo qudha ama Woqooyi iyo Koonfur, waxa ka mid ah NFD, Jabuuti iyo Hawaas. Markaa haddaad oggoshahay in Hawaas lagu daro Soomaali-weyn anna hadda ayaan Soomaali-weyn ku laabanayaa adiguna saxeex?. Waxaanu Cigaal soo qaatay warqad cad. Mallas gacmaha ayuu madaxa saaray waanu la yaabay taariikhda uu Madaxweynuhu uga sheekeeyay, waxaanu yidhi ?Innaga daaya Soomaali-weyn, haddii ay illaa Hawaas tahay idinka ayaa hagaagsane sidiinnaa ku wata?. Mallas waxa uu intaas raaciyay ?Nimankiinnaa dalkooda hagaajiyay ee danta Itoobiyana garanaya ee na canaanayaa, markaad naga baxdaan waxa noo imanaya qaar aan fartiinna gaadhin, wax ay yihiinna aanay jirin, oo tacbaan ah, oo Soomaali ah wax ay garanayaanna aanay jirin isla markaasna nagu odhanaya sidee ayaad dadkayagii ula hadasheen?. Maanta laga bilaabo waxa aannu Cigaalow kuu aqoonsanaynaa inaad tahay Aabbihii Geeska Afrika.?.

Mallas waxa uu maalintaas noo ballan-qaaday inuu noo qaabilo qaabkii dawladeed iyo baratakool sare, oo uu Wasiirba wasiirkiisu soo dhaweeyo, waana ta illaa hadda socota marka Itoobiya aynu tagno. Markii u dambaysay ee Addisababa tegayna waxa diyaar noo ahaa baabuurkii wasiirka, habkii ammaan-sugidda iyo maamuuskii dawladnimo.

Marxuum Cigaal si weyn ayuu iila tashan jiray, waanu i jeclaa ina aaminsanaa. Aniguna runtii si daacad ah ayaan ula shaqayn jiray. Ujeeddadayduna waxa ay ahayd in dalku helo maamul wanaagsan si uu horumar u gaadho. Samahaas ayaa noo dhexeeyay aniga iyo Cigaal?

La Soco Qaybta Afraad Haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Suugaanta iyo Cilmi-baadhista

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured