Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco oo soo dhigay Mooshin ay xilka kaga qaadayaan Maayarka

0
Friday August 02, 2013 - 23:30:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco oo soo dhigay Mooshin ay xilka kaga qaadayaan Maayarka

    Burco(xogreebnews.com-qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco ayaa la sheegay in ay badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayarka Burco u gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan kalfadhi aan caadi ahayn in la qabto, iyagoo doonaya in ay Maayarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com-qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco ayaa la sheegay in ay badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayarka Burco u gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan kalfadhi aan caadi ahayn in la qabto, iyagoo doonaya in ay Maayarka Xil ka qaadis Burco(xogreebnews.com-qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco ayaa la sheegay in ay badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayarka Burco u gudbiyeen Mooshin ay ku dalbanayaan kalfadhi aan caadi ahayn in la qabto, iyagoo doonaya in ay Maayarka Xil ka qaadis ku sameeyaan.
Sida uu ku soo waramayo wariyaha Waaheen ee Gobolkaasi waxa Mooshinka gudbiyay Toddoba Xildhibaan oo ay ka mid yihiin sida Xogaha aanu ku helnay Nuux Maxamed Xuseen, Siciid Axmed Raage, C/risaaq Xuseen Obsiiye (shine), Axmed Cabdi Dhinbiil, Gaboobe Jaamac Basaale iyo

Khadar Nuux Siciid, hase yeeshee ilaa hada si rasmi ah looma oga in laga aqbalay iyo inkale.
Mooshinkan ayaa la sheegay Xildhibaanadu in ay u dalbadeen sidii ay Xil ka qaadis ugu samayn lahaayeen Maayarka Burco, kaasoo ay ku Eedaynayaan Gaadiid iyo Iskaraab Dawladda Hoose lahayd in uu ka Iibiyay dad gaar ah oo ay sheegayana in ay Xidhiidh hoose leeyihiin.
Sida uu ku soo waramayo Wariyuhu Maayarka iyo Maamulka Dawladda Hoose waxa ay qoraal ogolaansho ah uga soo qaateen Xaraashka Hantidan Guddida Qandaraasyadda Qaranka balse xubnaha Golaha Deegaanku waxa ay tuhunsan yihiin Dadka laga Iibiyay in ay wadashaqayn dhaw leeyihiin Maayarka, sidaas Darteed-na aanu Cadaalad u dhicin Iibkaasi.
Ilo wareedyo Wariyaha Gobolkaas xalay helay ayaa sheegaya in uu Hotelka Blaza ka socday shir doceed lagu furdaaminayay khilaafka Dawladda Hoose soo dhex galay wallow aan natiijada ka soo baxday si rasmi ah loo ogayn, hadana kulankaasi waxa uu daaranaa sidii Mooshinkaasi loo hakin lahaa.
Si kasta ha ahaatee waxa soo if-baxaya khilaafaad iyo Maamul xumo saamaysay Golayaashii Deegaanka Dalka, kuwaas oo isku haysta waxaan mudnayn, halka ay ka baylahsan tahay intooda badan shaqooyinkii loo Igmaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured