Maxa ku duugan maqaaladda Prof:Gees ka qoro dhacdooyinkii Cajiibka ahaa ee Madaxweyne Cigaal?..By:Barkhad-ladiif M. Cumar

0
Friday August 02, 2013 - 22:46:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxa ku duugan maqaaladda Prof:Gees ka qoro dhacdooyinkii Cajiibka ahaa ee Madaxweyne Cigaal?..By:Barkhad-ladiif M. Cumar

    waxa kale oo jira inuu beelaha darafyada uu siin jiray wasiirada ugu muhiimsan sida wasiirka Arrima dibada, Maaliyada, Qorsheynta, gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Maxkmaadda sare iyo xilal badan oo ku soo jiinayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxa kale oo jira inuu beelaha darafyada uu siin jiray wasiirada ugu muhiimsan sida wasiirka Arrima dibada, Maaliyada, Qorsheynta, gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Maxkmaadda sare iyo xilal badan oo ku soo jiinayo. Dadweynaha Soomaalida ayaa inta badan lagu tilmaamaa bulsho war ku nool oo qofkii war ogaadaa uu gaadhsiin karo boqolaal kale oo qof, maadaama oo ay yihiin busho war u ooman, isla markaana jecel inay wax walba ogaadaan.
Si dhib yar ayaa
markiiba la isku gaadhsiiyaa oo waxaad arkaysaa war kooban oo warbaahini sheegtay inay maalintaasi dadka oo dhan wada gaadhayo, waxaana suurogal ah in qof warkaasi akhriyey uu bas la soo fuulo ka dib uga waramo rakaabkii wixii uu maqlay, halka qof ka mid ah Rakaabkiina uu bulsho kale oo makhaayad fadhiyada uga sheekeyo wixii uu Baska dhexdiisa ka maqlo, sidaasna ay dhamaan bulshada wadda gaadho.


Taas waxaad ka garantaa bariidinta hore ee soomaalida ayaa qofka ugu horeeya ku odhanaya ?waar bal waran?, taasina waxay noqotay inuu jiilba jiil gaadhsiiyo oo la iska wada dhaxlo.

Dhalinyarada Reer Somaliland ee jaamacadaha ku jira oo mar walba raba inay wax badan ogaadaan , isla markaana la socdaan taariikhdii hore iyo shakhsiyaadka caanka ka noqday bulshada xumaan iyo samaan siday ku noqdeen iyo waxtarka bulshadeeda iyo qaabkay dadka ula noolaan jireen .

Dhalinyarada waxay Soomaalidi hore ka dhaxlayn war jecaylka, oo war doonistu ma kala lahaa weyni iyo yaraan, aqoon lahayn iyo aqoon badni ee waa hab dhaqan bulsho, taasina waxay keentay in marka dhalinyaradu ka yimaadaan shaqooyinkooda iyo waxbarashadooda meelaha la iskugu yimaaddo hadba wixii jira iyo maalintaasi wixii soo kordhay isku waydaarsadaan mararka qaarkoodna ka doodaan.

Sidaa darteed dhalinyaradan oo baahi weyn u qaba siday hogaamiyeyaashoodda soo maray iyo kuwo jooga siday wax u maamulaan ayey badsadaan dadka aqoonta leh inay waraystaan iyo waxay ku kala duwan yihiin, waxa jiray dhowaanahan maqaalo taxane ah oo uu qoro Prof Gees oo ah nin waayo arag ah oo taariikh badani ku duugan tahay, isla markaana saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii hore Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo dhalinyaradda Somaliland jecel yihiin inay ku daydaan (Rol Model) , waxayna jecel yihiin inay ka faa?iidaan qaabku waxa u maamuli jiray iyo waxa uu kaga duwanaa madaxweyneyaashii ka dambeeyey, taasina waxay keentay in maqaaladaasi noqdaan kuwo loogu akhris badan yihiin, gaar ahaan dhalinyaraddu aad u akhristaan, iyagoo jecel inay wax badan ogaadaan sida uu u shaqayn jiray iyo mahadhooyinkiisii xusuusta ku reebtay ee madaxweyne Cigaal soo wada mareen.

Waxaad arkaysa dadweynaha oo is waydiinaya ama ka sheekaysanaya hadba maqaalka uu ka qoro Cigaal iyo halka uu marayo, iyagoo sii suga qaybta dambe, sidoo kale waxa xusid mudan inay dhalinyaradu u jecel yihiin inay wax badan ka ogaadaan Cigaal waxa markhaati u ah arrintaasi, waxa dhowaan Telefishanka Madaxa banaan ee Somaliland Space Channel uu dhowan bilaabay inay sii daayaan waraysiyo iyo shirar jaraa?id oo uu qabtay oo wariyeyaashu su?aalo badan waydiinayaan, waxaanay dadku u soo jeedi jireen wakhto dambe, iyagoo xiisaynaya sida uu u hadlayo iyo qaabka cajiibka badnaa ee uu wax uga jawaabayo ama uu dadka u kala garanayo, taasina waxay dhalinyaradu ka dhigtay inay ku tilmaamaan Mandela Somaliland.

Aan usoo laabto maqaalkan uu Gees ka qoray wakhti ay marxalad adag soo wad mareen iyo sida uu madaxweynuhu uga dabaashay iyo sida uu madxweynuhu u wada jeclaa inay bulshadu sinaato, isla markaana aanu cidna soo dhoweysan jirin cidna aanu iska fogeyn jirin, waxa kale oo xusid mudnaa oo aad loogu bogay inuu Cigaal cadaadin jiray beesha uu ka soo jeedo mararka qaarkoodna ka cadhaysiin jiray isagoo og in aanay marnaba ka tagayn mucaaradad badan ku samaynayeen maadama oo uu qabanayo xeerka qabyaaladda ee ah inay beeshaadu mar walba ku taageerto, laakiin waxa uu soo dhoweyn jiray oo uu la saaxibi jiray meelaha ugu wanaagsana udhiibi jiray beelaha kale, isago og inay mucaaraddad kaga adkaanayso hadii uu fogeeyo oo aanu talada ka qaadan waayo beelaha kale, taasina waa ta keentay inuu golaha Guurtida ku yareeyo xildhibaanadii beeshiisa, isla markaana uu ubadiyo beelaha kale ee Somaliland, waxa kale oo jira inuu beelaha darafyada uu siin jiray wasiirada ugu muhiimsan sida wasiirka Arrima dibada, Maaliyada, Qorsheynta, gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Maxkmaadda sare iyo xilal badan oo ku soo jiinayo.

La soco?.
Barkhad-ladiif M. Cumar
Email:barkhadladiif@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland
La soco



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured