Xoghaya Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ucid Oo Xukuumada U Dhaliilay Inay Ka Hadli Waydo Heshiiska Badaha Ee Ay Dawlada Somaliya La Gashay Shirkada Wadanka Holand, Wasiirka Arimaha Gudahana Ku Eedeeyey Inuu Shaqadii Dawlada Hoose La Wareegay.

0
Friday August 02, 2013 - 22:40:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghaya Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ucid Oo Xukuumada U Dhaliilay Inay Ka Hadli Waydo Heshiiska Badaha Ee Ay Dawlada Somaliya La Gashay Shirkada Wadanka Holand, Wasiirka Arimaha Gudahana Ku Eedeeyey Inuu Shaqadii Dawlada Hoose La Wareegay.

    Hargeysa(Xoghaogreebnews.com-yaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa nasiib daro ku tilmaamay inaanay xukuumada Somaliland aanay marna ka hadal heshiiska dawlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xoghaogreebnews.com-yaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa nasiib daro ku tilmaamay inaanay xukuumada Somaliland aanay marna ka hadal heshiiska dawlada Hargeysa(xogreebnews.com-Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa nasiib daro ku tilmaamay inaanay xukuumada Somaliland aanay marna ka hadal heshiiska dawlada somaliya ay la gaadhay shirkada laga leeyahay wadanka Holand taas oo ilaalin doonta badaha somaliya.
Xoghaya guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Axmed Kayse waxa uu sheegay inay nasiib daro tahay inay xukuumadu afka ka xidhato heshiiska ay dawlada somaliya la gashay shirkada laga leeyahay wadanka Holand ee ilaalin doonta xeebaha

somaliya waxaanu yidhi ?Wadanka somaliya waxay Heshiis la galeen shirkad laga leeyahay wadanka Holand kaas oo ah ilaalinta badaha somaliya iyo in la qalabeeyo ciidanka bada somaliya, manay cadayn inay Somaliland ku jirto laakin waxa layska fahmi karayaa maadaama oo distoorka wadanka somaliya uu dhigayo inay sheeganayso xuduudaha Somaliland, markaas haddii aanay cadayn oo inta badana ay yidhaahdaan Somaliland anaga ayaa maamulna, waxaanu u qaadanaynaa inay ku jirto 740km ee ah xeebta Somaliland waxaanu u aragnaa waa qalad inay xukuumada Somaliland ka aamustana waa qalad.?ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga Ucid Axmed Kayse oo u waramayey HCTV.
Sidoo kale xoghaya guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Axmed Kayse waxa kale oo uu sheegay in markii ay Somaliland heshiiska dhinaca hawada la gashay wadanka Somaliya ay sii sheegeeen inay jiri doonaan heshiisyo kale oo Somaliland hoos gayn kara somaliya kaas oo laga gaadho badaha iyo beriga waxaanu yidhi ?Hore ayaanu uga hadalnay markii ay xukuumadu la guushay inay la wadaagto dawladda somaliya maamulka hawada, waxaanu nidhi Somaliland waxay bilawday in la tafaariiqiiyo halka ay ka baqeen inay xukuumadu jumladayso, waxaanan idhi waxa ku xigi doona badaha iyo bariga, waana taas shirkadaa lagu wareejiyey badii, markaa waanu canbaaraynayaa inay xukuumadu ka aamusto, wasiirka arimaha guduhuna markii uu ka hadlayey kumaanu qancin sida uu uga hadlay.?
Ugu danbayntii xoghaya guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxa uu dhaliilay qodobadii uu wasiirka arimaha gudaha Somaliland ka soo saaray in lagu hagaajiyo bilicda magaalada isaga oo xusay inuu wasiirku faraha la galay shaqadii dawlada hoose waxaanu yidhi ?wasaarada arimaha guduhu waxay masuul ka tahay xasiloonida iyo deganaanshaha iyo nabad galyada dalka, waxaanay masuul ka tahay maamulka guud ee gobolada iyo degmooyinka dalka kuwaas oo ay soo hoos galayaan dawladaha hoose kuwaas oo shaqadoodu tahay inay ka shaqeeyaan bilicda iyo qurxinta magaalooyinka waayo waxay bixiyaan adeegyo dadka isticmaalaya adeegoodana waxay ka qaadaan lacag, cashuurta ay ka qaadanayaa waxay tahay inay dadka ugu qabtaan horu marka sida laanbadaha nabad galyada, nadaafada,qashinta oo laga guro iyo bilicda magaalada oo lagu ilaaliyo,.?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured