Qorshe Cusub Oo uu Wasiir Cukuse Doonayo In Uu Saxaafada Madaxa Banaan Ku Cabudhiyo.
Qaybtii 2 aad: Hadaba sidii aynu hore ugu soo sheegnay wasiir cukuse waxa uu yahay nin dhinaca guul wadenimada ku xeel dheer isagoo inta badan isku daya in uu iska dhaadhiciyo dhinaca madaxtooyada
Qaybtii 2 aad: Hadaba sidii aynu hore ugu soo sheegnay wasiir cukuse waxa uu yahay nin dhinaca guul wadenimada ku xeel dheer isagoo inta badan isku daya in uu iska dhaadhiciyo dhinaca madaxtooyada oo uu doono in la maqlo isagoo difaac adag ku jira oo canbaareynaya siyaasiyiinta mucaaradka ah isla markaana amaanaya siilaanyo ,iyadoo ay ujeedadiisu tahay sidii uu xilka ugu sii waari lahaa isla markaana waxay sheegeen dadka ku dhaw dhaw wasiir cuskuse in uu had iyo jeer madaxda marka uu la fadhiyo uga sheekeeyo waxa uu qoray wargeyska uu iska leeyahay isagoo doonaya in uu maskax ahaan ka dhaadhacsiiyo awooda uu leeyahay. hadaba waxba ma aahateen hadii uu ku eegaanayo guul wadenimada madaxtooyada balse wuxuu doonayaa in uu hanaan cusub oo guracan ku cabudhiyo saxaafada madax banaan ee somaliland isagoo siyaabo badan u soo maraya cabudhinta saxaafada madaxa banaan,waxaa la sheegay in uu wasiir cuskuse doonayo sidii xeerkii cabudhinta saxaafada ee ay hore u diideen suxufiyiinta somaliland in uu soo celiyo isagoo adeegsanaya shakhsiyaad gaar ah oo uu ka soo dhaweystay saxaafadda kale ee madax banaan ee somaliland iyo isagoo doonaya in uu arintaasi magac kaga helo dhinaca madaxtooyada oo iyadu ah tan sida weyn u danaynaysa in xeerka cabudhinta saxaafada xorta ah la baas gareeyo iyadoo madaxtooyadu ku qanci weyday xeerkii saxaafada ee hore baarlamaanka iyo madaxweynihii hore u ansaxiyeen. waxay dad badani is weydiinayaan qorshaha cusub ee wasiirka warfaafinta somaliland C/laahi Daahir Cuskuse ku doonayo in saxaafada madax banaan lagu cabudhin lahaa in uu noqon doono sida uu doonayo iyo in kale., waxa kale oo dadka ka falooda arimaha saxaafadu is weydiinayaa samaynta ay arintaasi iyo qorshayaashaasi uu wasiir cukuse ku doonayo in uu ku cabudhiyo saxaafada xorta ah ay ku yeelan karto xidhiidhka ka dhaxeeya wasaaradiisa iyo saxaafada madaxa banaan., hadaba akhristayaal waxaan xogo dheeraad ah ka soo urruriyna dad ku dhaw dhaw wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradiisa oo sheegay in uu wasiirku tan iyo markii lo soo magacaabay uusan ka hadal dhinbatooyinka badan ee ku gadaaman shaqaalaha wasaarada warfaafinta ,iyadoo inta badan ay shaqaaluhu ka wacdaan mushaharka ay qataan oo aad u yar iyadoo barka la eego shaqada ay hayaan aad u culus tahay oo habeen iyo maalinba la shaqeynayo oo ay ka duwan yihiin wasaaradaha kale ee dalka oo ay iyagu yihiin wasaarada ugu shaqada badan wasaaradaha dalka oo dhan isla markaana ay duruufo badan oo dhinaca daryeelka shaqaalaha ah aysan haysan shaqaalaha wasaarada warfaafinta somaliland iyadoo oo ay u dheertahay xarunat wasaarada oo noqotay goob lagu qaybiyo qabyaalada taasina ay sabab u tahay wasiirka iyo nidaam xumida ka dhex jirta wasaarada warfaafinta somaliland iyadoo ay jirto in shaqaale isku mid ah oo isku shaqo ah ay hadana kala mushahar badaan iyadoo qaarna loo qoray gunooyin dheeraad ah qaarna dhulka la dhigay ,ayaa hadana wasiirkii wax ka qaban lahaa waxaasi oo dhibaato ah uu ku hawlan yahay sidii uu qorshayaal cusub oo lagu cabudhinayo saxaafada madax banaan uu u dhigi lahaa wasiir cukuse La Soco Qaybaha danbe ee qormooyinkan. Qalinkii:C/casiis Bashiir Nuur Email:info@xogreebnews.com Hargeysa Leave a comment |
|
Qorshe Cusub Oo uu Wasiir Cukuse Doonayo In Uu Saxaafada Madaxa Banaan Ku Cabudhiyo.
Qaybtii 2 aad: Hadaba sidii aynu hore ugu soo sheegnay wasiir cukuse waxa uu yahay nin dhinaca guul wadenimada ku xeel dheer isagoo inta badan isku daya in uu iska dhaadhiciyo dhinaca madaxtooyada