Nuxurka Qodobada lagu heshiisiiyey Beelihii dhawaan dirirtu ku dhexmartey Deegaanka Gaashaamo

0
Friday August 02, 2013 - 21:47:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Qodobada lagu heshiisiiyey Beelihii dhawaan dirirtu ku dhexmartey Deegaanka Gaashaamo

    Labadii beelood ee walaalaha ahaa ee dhawaan dirirtu ku dhexmartey deegaanka dagmada Gaashaamo ee imaamulka somalida dawlad deegaanka dalka itoobiya ayaa lasoo afjarey xuguftii dhexmartey labada beelood ee walaalaha ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadii beelood ee walaalaha ahaa ee dhawaan dirirtu ku dhexmartey deegaanka dagmada Gaashaamo ee imaamulka somalida dawlad deegaanka dalka itoobiya ayaa lasoo afjarey xuguftii dhexmartey labada beelood ee walaalaha ah. Ka dib gogol nabadeed oo loo fidiyey labada beelood ee walaalaha ah oo ay ka qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshada deegaankaasi,salaadiin , cuqaal, iyo gudoomiyaha xisbiga mucaarika ee WADANI ayaa halkaasi lagu heshiisiiyey labada beelood ee walaaha ah.

Jiif caaqil Cabdi Guuleed Jama oo kamid ahaa cuqaashii iyo gudidii dhexdhexaadinaysay labada beelood ayaa shirjaraa id oo uu ku qabtey magaalada Hargeysa waxaa uu kaga waramay ka gudi ahaan wax yaabahii lagu heshiisiiyey labada beelood ee walaalaha ah ,waxaana uu sheegay in ay ku heshiisiiyeen qodobadan hoos ku qoran.


1. Waxaa ay gudidu xukuntay in ninkii xabada ku riday magaalada, lagu ganaaxo konton kun oo lacagta birta ee itoobiya.

2. In loo xukumo marxuunkii maganta ahaa magtii boqolka aheyd iyo labaatan halaad oo ceebmaydha .

3. In loo xukumo boqol iyo lixdan halaad ninkii tashiga lagu dilay ,oo boqol iyo labaatan ay dhogor yihiin halka afartanka kalena ay lacag yihiin.

4. Waxaa lagu xukumay boqol iyo konton kun oo bir beeshii uu ninka dhintey maganta u ahaa.

5. Waxa ay gudidu xukuntey in geela wixii dhogor ah lagu bixiyo mudo afartan cisho guda hooda labada dhinacba.
6. In wixii ganaaxa ama lacaga lagu bixiyo mudo afar iyo labaatan saacadooda labada dhinacba.
Caaqil abdi guuleed jama waxaa kale oo uu sheegay in go aanka gudida ka dib ay labada beeloodba aqbaleen go aanka ay gudidu soo jeedisay ,waxaana uu xusey in halkaasi ay labada beeloodba isku siiyeen inan godob reeba.
Ugu danbeyntii waxaa uu caaqilku u mahad celiyey dhamaanba dadkii kala duwanaa ee kaqayb qaatey sidii loo damin lahaa dirirtaasi dhexmartey labada beelood ee walaalaha ah waxaana u si aada u amanay gudoomiyaha xisbiga mucaaridkaa ee wadani md Cabdiraxmaan Cirro oo uu sheegay inuu kaalin muhima ka qaatey sidii loo damin lahaa dirirtaasi soo kala dhex gashay labada beelood ee walaalaha isku dantana ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured