Xirsaw Garashada Naftaadu, Waa Guusha Nolashaada. Qalinkii : Abdi aziz mahamoud Yousuf (Zaciimu- Ruuxi )

0
Friday August 02, 2013 - 20:23:25 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xirsaw Garashada Naftaadu, Waa Guusha Nolashaada. Qalinkii : Abdi aziz mahamoud Yousuf (Zaciimu- Ruuxi )

    waxaaa ay ku tiraabayeen in badan oo shacabkihi markii hore maanu fahmin waxa uu u joogay madax tooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaaa ay ku tiraabayeen in badan oo shacabkihi markii hore maanu fahmin waxa uu u joogay madax tooyada Laga soo bilaabo tan iyo maalintiii dhalatay xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay madax wayne SIILANYO ,waxaa soo ifbaxay hadal haynta iyo ka waranka ninka aadka u dhalinta yare ee muuqaal ahaan u eg qaab mutadayinimada ah waxaana oo ah XIRSI XAAJI CALI oo inta badan aan madax waynaha ka hadhin hadii uu meel furayo iyo hadii uu shir dibada ah uu u baxayo.
Madax waynuhu waxa uu u magacaabay horantii bilawgii dhisisitaankii dawladii KULMIYE markii ay talada ku guulaysatay ayaa loo magacaabo chief of cabinet madax tooyada kaasi oo ahaa(tittle) taytal aan hore loo aqoon gayiga soomaliland waxaanay ugub ku noqotay dhagaha shacaba waynaha reer Somaliland sababta oo aha waxay umadu waxa ay yaqaaneen xilalka caadiga ah ee aynnu mar walba maqalo .


Markii ugu horaysabay waxa ay dadku dhagaha ku qaadeen qariib nimada iyo cusboonaanta magaca uu ku tisay madax waynuhu taasi waxa ay keentay in ay dadku in badan is waydiiyaaan waa maxay shaqada uu qaban doono hadii uu jiro? waxaa aynu maqalay agaasimka madax tooyada ,wasiirka madax tooyada madax protocol ka madax tootada ku waasi iyo qaar kaleba waa kuwa ay umadu ka filaysay madax waynaha in uu magacaabo sidii madax dii ka horaysay taasi wax ay keentay in ay dadku ka waramaan xilkan cusub maxaa yeelay umadu umay lahay aqoon durug san xilkan hortale ee uu madax waynuhu u dhiibay kadib markii umadu in badan ku dawakhday ee ay qaar ku tiraabaan in uuu yahay rasal wasaare qar soon oo leh awood buuxda ayaa waxaa websiteska aad u haystay in la qeexo waxa ay tahay taasi waxa ay qaadatay mudo walaw ay jirtay dad aan wali fahamsanan wax qabadkii gaarka ahaa ee uu ku hawlnaataasi waxa ay u horseeday in ay dadku ka waramaan in badan wasiir XIRSI oo uu isla markiiba soo galay saaxada siyaasada kuna soo galay dar-dar aad u xoogan .waxaa ay aad u soo ifbaxay markii ay wasiiro katirsanaa xukuumada ay sheekeen in ay sabab ka ahay erigooga in ay iska horyimaadeen wasiirka madax tooyada kadibna keensatay ugu danbayntii in la badalo lagana caydhiyo xukuumada uu hogaamiyo madax waye SIILAANYO.

Kadib waxaa dib lays kugu shaan dheeyay golihii wasiirada oo uu marlabaad ku soo baxay in uu noqdo wasiirka madax tooyada taasi oo ay dadku yidhaahdeen ogaygu imika ayuu qeexay wax qabadka XIRSI u fadhiyo max tooyada hase yeeshee miyaanay qaadin seeftu ? koormaase ay qaadi doontaa ? waxaaa ay ku tiraabayeen in badan oo shacabkihi markii hore maanu fahmin waxa uu u joogay madax tooyada sida caadada I noo ah waxaa dhab ah in hadii wax la fahmi kari waayo in ay bulshadu is waydiiso in badan illaa waxaasi cadaado maxaa yeelay waa mid aynnu dhaqan u leenahay maadaama aynnu nahay bulsho (oral society)

Waxa ay dadku islo dhex maraan in uu leeyaha awood xad dhaaf ah oo dadku badiyaaba ay ku xantaan oo dhaafsan tiisa wasiirnimo ILLAAHAY ayaa og sida dhbta ah ee xaqiiqadu ku jirto hase ahaatee waxa aynnu ku soo ban dhigi doonaa qoraaladeena ku wan ka danbeeya iyo wax yaalaha ka jira iyada oo aynnu qaadi doono xogo dhab ah oo ku salaysan ilwadareedo kalsooni iyo xaqiiqada ku salaysantaa.

Soomalida waxa ay reebtaa mahadhooyin ku salaysan xigmad ,gabay ,maahmaah iyo sheekooyin ku waasi oo ay ku sun taan kolba xaaladii iyo duruufiha taagan waxaanay yidhaahdaan tan oo kale( HADII AANAN ANUU KU SHEEGIN SHANTUBA WAA AY KU SHEEGI)

Taa waxaa iyana la mid ah maahmaahda ah WARKII JIRAABA CAKAARUU IMAN

Taasi oo macnaha iyo nuxurka aynnu ka qaadanana yahay hadii ay jiraan wax la qarinyaa waxaa soo bixi doonta wixii la qarinayay .

Gunaananka maqlka waxa aan ku soo afmeerayaaa bulshadu maa ay ka didiy XIRSI mise wax ayaa ka jira waxa lagag waramayo shakhsiyan wali maan arag shay qaran jab ku ah dadka iyo dawlada oo uu gaystay wasiir XIRSI waa inta ogaal kay ah.

Qalinkii : Abdi aziz mahamoud Yousuf (Zaciimu- Ruuxi )

Email:cilmiallagmail@hotmail.com:



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured