Siyaasiga Siciid Ciise Maxamuud oo gudoomiye u ah Axsaabta ka dhisan Muqdisho oo loo yaqaano Xisbiga Dadka, isla markaana ka mid ahaa musharaxiintii isu

0
Friday August 02, 2013 - 20:13:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Siciid Ciise Maxamuud oo gudoomiye u ah Axsaabta ka dhisan Muqdisho oo loo yaqaano Xisbiga Dadka, isla markaana ka mid ahaa musharaxiintii isu

    Muqdisho, (xogreebnews.com- Siyaasiga Siciid Ciise Maxamuud oo gudoomiye u ah Axsaabta ka dhisan Muqdisho oo loo yaqaano Xisbiga Dadka, isla markaana ka mid ahaa musharaxiintii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, (xogreebnews.com- Siyaasiga Siciid Ciise Maxamuud oo gudoomiye u ah Axsaabta ka dhisan Muqdisho oo loo yaqaano Xisbiga Dadka, isla markaana ka mid ahaa musharaxiintii Muqdisho, (xogreebnews.com- Siyaasiga Siciid Ciise Maxamuud oo gudoomiye u ah Axsaabta ka dhisan Muqdisho oo loo yaqaano Xisbiga Dadka, isla markaana ka mid ahaa musharaxiintii isu soo taagay Madaxtinimada Somalia sanadkii hore, ahna siyaasi mudooyinkan dambe si weyn u dhaliilsan siyaasada dawlada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay in Somaliland ay ahayd 1960-kii dal ku biiray dawladd kale, maantana ay reer Somaliland xaq u leeyihiin inay dawladnimadooda la soo noqdaan. Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Siciid Ciise Maxamuud ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu xalay khadka telefoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ee Somaliland, kaas oo intaa ku daray in xukuumada iyo Madaxweynaha Somalia ay ku fashilmeey

balanqaadkii ahaa inay dawladoodu ay meel dhigatay qorshe ka kooban lix qodob oo ay dalka Somalia ku maamulayaan kuna horumarinayaan.
Mr Siciid ayaa intaa raaciyey in Somalia in Muqdisho laga baqayo inuu ka dhaco kacdoon shacab oo laga sii shakisan yahay in hub laysula soo baxo shacabkuna heeryada saaran iska kiciyaan maadaama shacabkii hal sano maanta duruufaha haya ay taagan yihiin kuwo aanay awoodi karin in sanado kale ku samraan. Siyaasigan reer Somalia mar uu ka jawabayey su?aal ku saabsanayd qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo Aragtida xisbigiisu ka qabo ayaa waxa uu sheegay in xisbigiisu taageersan yahay gooni isu taaga Somaliland waxaanu yidhi ?Shalay waxa isku darsamay British Somaliland iyo Somalia Italiya oo dhalay Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, markaa Somaliland waxay shalay la yimadeen dawlad markaa dawlad dawlad ku biirtay ayay ahayeen maanta hadii ay midowgii dhib kala kulmeen xaq bay u leeyihiin inay dawladnimadoodi la noqdaan cid qasbi kartaana ma jirto waxaanse dadka reer Somaliland iyo dawladoodaba u sheegayaa in aanay godoon iska dhigin ee ay u ololeeyaan (Lobbing) oo Muqdisho dad badan oo taageersan ayaa jooga, siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland qaar baa Muqdisho ka sheega inay midnimada aaminsan yihiin sidoo kale waxaa la helayaa siyaasiyiin koonfurta ka soo jeeda oo Hargaysa doonaya inay u cadeeyaan in ay taageersan yihiin qaranimada Somaliland?. Ayuu yidhi Siciid Ciise gudoomiyaha Xisbiga Dadka ee Somalia.

Waxaanu intaasi ku daray in loo baahan yahay in dawlada iyo shacabka Somaliland ay ogolaadaan in siyaasiyiinta ka soo jeeda Somalia inay yimadaan Somaliland iyo Hargaysa oo ay ka wada hadlaan qaabkii Somaliland loo ictiraafi lahaa, Ictiraafka Somalilandna waxa uu sheegay inuu yaalo Muqdisho oo uu ka dhaw yahay Aqoonsiga laga raadinayo London. Waxaanu ku baaqay in reer Somaliland ay qadiyadooda Muqdisho uga dhex ololeeyaan oo ay cadeeyaan in midnimadii shaqayn wayday oo ay reer Somaliland iska daayaan shisheeye wax ka doonida.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured