Laba-Aan Is-Qaban: Dardaarankii RAYAALE Iyo Duruufaha Maanta Qormadii 2–²Aad

0
Friday August 02, 2013 - 09:10:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba-Aan Is-Qaban: Dardaarankii RAYAALE Iyo Duruufaha Maanta Qormadii 2–²Aad

    Runtii hadaladaa iyo weedhahaa culus ee Md. Daahir Rayaale uu ku Maca-salaameeyey Aqalka looga taliyo dalka ama Qasriga Madaxtooyada, ma noqon ama may ahayn kuwo xilligaa bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Runtii hadaladaa iyo weedhahaa culus ee Md. Daahir Rayaale uu ku Maca-salaameeyey Aqalka looga taliyo dalka ama Qasriga Madaxtooyada, ma noqon ama may ahayn kuwo xilligaa bulshada
Runtii hadaladaa iyo weedhahaa culus ee Md. Daahir Rayaale uu ku Maca-salaameeyey Aqalka looga taliyo dalka ama Qasriga Madaxtooyada, ma noqon ama may ahayn kuwo xilligaa bulshada iyo xitaa Siyaasiyiinta intooda badan nuxur ahaan u dhadhamayey, waayo? Waxa ka xoog badnaa oo qarinayey filashada Barwaaqo-soorankii muddada Sideeda Sanno ah (8) Xisbiga KULMIYE bulshada ugu baaqayey iyo sidoo kale nacayb Siyaasadeed oo is biirsaday.


Arimahan iyo kuwo kaloo badan ayaa sababay in Ir-bada heer-kulka ama Xaraarada kici weydo, iyadoo xataa ay jireen dhibaatooyin badan oo ka muuqday geedigii hoggaanka cusub ee Md. Axmed Siilaanyo. Mushkiladaha ama mulaaqa dhacay, khaasatan muddadii koobnayd ee lagu gudo-jiray kala-wareega, hase-yeeshee badiba indhaha bulshadu sidii wax Cirka eegaya ka lal-sanaayeen waxa ka mid ahaa fadeexado musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin badan oo ay ku kaceen Guddigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay ilaalinta hantida Qaranka muddada kala-guurka lagu jiro.

Guddigaas oo Madaxweynuhu u soo miidhay Niman xul ah oo badiba bulshadu aad u taqaanay, micnihii waxaan uga jeedaa Rag cusub may ahayn, inkastoo aanay Raggu isku wada mid ahayn oo Aqoonta iyo Caqligaba lagu kala duwanaan karo, hadana ‘Soomaali War iskuma seeganee’ tibaaxo Wargeyska Yool helay oo ku saabsan dhaqamo ka dhacay qaar ka mid ah hay’adihii Dawlada ee Kormeerka ay ku sameynayeen, sida Dekedda Berbera, Baanka Dhexe ee Somaliland, waxay iftiimiyeen in gacmo-si-dhaafsi jiray, wallow iluhu ka gaabsadeen inay xusaan Caddadka wax ku sinaayeen iyo xubnaha arimahaa ka Odayeynayey. Waxa kale oo iyana la tilmaamay intii muddadaa ahayd inay dhacday in Guddiga iyo Madaxda hay’adahooga booqashada lagu sameeyey is dhaafsadeen farsamo u muuqatay in xubnaha Guddiguna qalinka ka qaboojiyaan Madaxweynaha markay Warbixinta u geynayaan, dhinaca kalena, waa Masuuliyiinta kormeerka loogu tegaye, iyana ay meeleeyaan Shakhsiyaad dhanka Guddiga.

Hay’adaha kale ee diirada ama liishaanka reer KULMIYE haystay waxa ka mid ahaa Haamaha Shiidaalka Berbera, oo ay gacanta ku haysay Shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee TOTAL, Shirkadaas oo awooda Maamulka Haamaha uu u jideeyey ama ku qotomay heshiis uu la Saxeexday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, kuna mudeysnaa 50 Sanno, iyo sidoo kale, heshiis labaad oo Cahdigii Cigaal kadib Md. Daahir Rayaale la galay Ganacsade Sucuudi ah, laguna magacaabo Sheekh Saleebaan Al-Jaabiri, kaasoo isagana loo qayday in Xoolaha Nool ee ka dhoofa Somaliland la sii mariyo Maxjar uu ka dhisay Magaalada Berbera. Maxjarkaasoo aqoonsi ama ogolaansho ah ka haysta dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga oo iyadu ahayd Saylada ee loo dhoofin jiray Xoolaha ka dhoofa Dekedda Berbera. Hase-yeeshee iridaha loo laabay tan iyo intii ka dambaysay markii Wadamo Sucuudigu ka mid yahay ku dhawaaqeen in Xoolaha Soomaaliya laga keeno laga helay Xumada loo yaqaano ‘Rifti-faali Sannadkii 1998-kii.

Labadan meelood waxay ahaayeen goobihii masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE Werdiga Afka aanay ka dhigi jirin, Cadaawad kalena may jirine waxay u arkayeen ilaha sida Faleembada dhiig-joojinta u ahaa Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale, waana dhaqan ama caado lagu yaqaan cid kastoo Mucaarid ah, hase-ahaatee dhaliisha noocan oo kale ahi waxay kala cadaan sax iyo khalad midkay ka tahay markay Kursiga fuulaan.

Kadib is dhex-yaac, mulaaq maamul iyo weliba dhaqamo kale oo runtii ku fool-xumaa hannaanka dawliga ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Faan iyo War-sheeko lagala kulmay intii ay hawsha ku jireen xubnaha Guddigi ilaalinta hantida Qaranka, waxa tallaabooyinkaa xigay go’aankii xilalka lagaga caydhiyey dhamaan Agaasimeyaashii Guud, kuwaasoo Kuraasta ay ku fadhiyeen aanay ahayn Kursi-Siyaasadeed, balse ay Shaqadoodu ahayd (Civil Service).

Hase-yeeshee, waxa dhacday in Duhur sidii Adhi ooda laga rogay Salaad hore Cawda loo jaray, taasina waxay lumisay haykalkii iyo hab-maamuuskii dawliga ahaa, waxa meesha ka baxday oo khalkhal iyo welwel keentay xuquuqdii Shaqaalaha iyo xaqii Muwaadinkii kusoo dhabar-adaygay duruufihii nololeed ee dalku soo maray.

Dhinaca kale marka si togan loo eego, marka laga yimaado xubnaha xilalka laga qaaday, waxa ay tallaabadaasi ay niyad-jab, quus iyo rajo-xumo ku riday Boqolaal kale oo Muwaadiniin ah oo iyagu ku taamayey markay wax-bartaan inay Wadankooda u Shaqeeyaan, waana mida baynu odhan karnaa sababtay in tirada dadka tahriibayaa laba jeer kusoo laban-laabanto intii xilligii Xukuumaddii hore ee uu madaxda ka ahaa Md. Daahir Rayaale Kaahin.

La soco Caddadka dambe… ee wargyska Yool


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured