GOLAHA WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA OO CAMBAAREEYAY XADHIGA TAAGEERAYAASHOODA REER ABDAAL, SHEEGAYNA INAY GO’AAN CULUS QAADAN DOONAAN HADDII XORIYADOODA LOO SOO CELIN WAAYO

0
Thursday August 01, 2013 - 22:14:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GOLAHA WADATASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA OO CAMBAAREEYAY XADHIGA TAAGEERAYAASHOODA REER ABDAAL, SHEEGAYNA INAY GO’AAN CULUS QAADAN DOONAAN HADDII XORIYADOODA LOO SOO CELIN WAAYO

    Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa siu adag u cambaareeyay xadhiga lagula kacay dadkii doraad tuulada Abdaal ee gobolka Saaxil ku qabtay dibad bixii ay ku taageerayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ayaa siu adag u cambaareeyay xadhiga lagula kacay dadkii doraad tuulada Abdaal ee gobolka Saaxil ku qabtay dibad bixii ay ku taageerayeen golahooda, kuwaas oo sheegay haddii si dhakhso ah xoriyadooda loogu soo celin waayo inay qaadi doonaan go’aano adag, dibna uga fiirsan doonaan wadahadalo dhexmara xukuumada. Sidaana waxaa wargeyska Haatuf u xaaqiijiyay Afhayeenka golahaasi Mujaahid Ibraahim Cabdillahi Xuseen (Dhagaweyen) oo xalay khadka Tilifoonka ugu waramay Haatuf, kaas oo ka hadlay mawqifka golahoodu ka taagan yahay dhawr iyo tobanka qof ee xukuumadu xabsiga u taxaabtay. Ugu horayna isagoo arrinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi

Waxaanu si adag u cambaaraynayna xadhiga sharci darada ah ee lagula kacay muwaadiniinta tuulada Abdaal ee fikirkooda taageerada ah maalintii doraad ku muujiyay dibad baxa, ee xukuumadu xabsiga u taxaabtay, talaabadaas oo aanu u aragno mid ka so horjeeda xoriyatul qawlka iyo xuquuqda distoorka qaranku muwaadininta uga damaanad qaaday inay aragtiyadhooda si madaxbanaan ugu soo bandhigi karaan muuqaal, qoraal iyo dibad baxba, sidaa dated golaha wadatashiga iyo toosinta qaranku waxa uu ku baaqayaa in si bilaa shuruud ah xoriyadooda loogu so celiyo dadkaasi u xidhan dareenkooda ay cabireen” Afhayeenka golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka Ibraahim Dhagaweyne isagoo hadalkiisa sii watay waxa u yidhi “Waa xaaraan in shacbiga lagu xidhxidho dareenkooda ay cabireen, waxaanu ka digaynaa haddii si dhakhso ah xoriyadooda loogu soo celin waayo dadkaasi xidhxidhan inaanu talaabooyin culus qaadan doono, isla markaana ka fiisan doono wadahadada na dhex mara xukuumada”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured