Berbera Doon Xoolo ka Qaaday Berbera Oo Ilaa Sadex Caano,maal la,laa yahay,Doontan Ayaa Lagu Raray Xoolo Dhan Afarkun Oo Dibi iyo Toban Tiro oo Adhi ah,Waxaana Saarnaa 11 qof Oo Isugu Jira Rakaab iyo Shaqaalihii Doonta,
waxaana doontaa saarnaa 10 qof oo ahaa Baxaaridii doonta iyo hal Qof o rakaab ahaa, guud ahaana waa kow iyo toban qof ,ilaa saacadii ay kabaxeen berberana jabaq danbe lagama maqal,ama wax xidhiidha lamay soo samayn dekada berbera
Berbera(xogreebnews.com-nooca xoolaha qaada magaceeduna yahay SACIID2 ayaa la,la,yahay ilaa maalintii salaasadii e 29/7/2013 sideedii subaxnimo o ay ka shiraaqatay dekada wayn e magaalada Berbera, Doontan ayaa lagu raray xoolo dhan Afar Kun oo Dibi iyo toban tiro oo adhi ah ama Kun neef o adhi ah ,
Sida hadaba u shabakada xogreebnews.com-xafiiska Berbera u xaqiijiyay hawlwadeen ka tirsan shirkada Tawfiiq agent o magaciisu yahay xasan Cali Nuur,Waxa uu intaasi ku daray hawlwadeenkani in shixnadan xoolaha ah loo raray dalka Yaman Magaalo xeebeeda la yidhaa Mukha waxaana doontaa saarnaa 10 qof oo ahaa Baxaaridii doonta iyo hal Qof o rakaab ahaa, guud ahaana waa kow iyo toban qof ,ilaa saacadii ay kabaxeen berberana jabaq danbe lagama maqal,ama wax xidhiidha lamay soo samayn dekada berbera, Xoolahan o dhan waxa iska lahaa xubno kamida ganacsatada reer somaliland e rigliga ku ahaa dekada berbera , Sida la ogyahayna xiligan o badhtamaha loogu jiro xagaaga ba,an e dabaylaha maansuunku dhacayaan ayaa loo yaqaan xiliga badxidhanka, waxaana ka mabnuuc ahaan jiray in ay bada ukala gooshaan doonyaha noocana ee aan lahayn awooda ay iskaga celiyaan mawjadaha bada oo aad u xoogan waqtigan, Leave a comment |
|