Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Hawl Galada Dawlada Hoose Ee Hargeysa Ku Tilmaamay Kuwo Niyad Jab Ku Ah Dhalinyarada Shaqo La’aanta Aafaysay
Hargeysa(xogreebnews.com- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Somaliland ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka hadlay Hawl galada ay Dawlada Hoose ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka hadlay Hawl galada ay Dawlada Hoose ee Hargeysa Iyo Ciidanka Boolisku ay Ganacsada Danyarta ah kaga kicinayaan Goobaha ay ku Ganacsadaan.
Gudoomiye Cirro ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi ku Ganacsada Dariiqyada suuqa Caasimada Hargeysa ee ay Dawlada Hoose baabinayso Ganacsigoodu ay niyad jab ku tahay dhalinyrada Somaliland ee Shaqo la’aanta xoogani haysato. Gudoomiyaha WADDANI ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumada Waajib ku tahay inay ganacsatada danyarta ah u samayso Suuqyo Ganacsi ka hor inta aanay Awood u adeegsan. Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu arimahaasi kaga hadlay Qoraal kooban oo uu maanta soo dhigay Boga uu ku leeyahay Barta Bulshadu ka xidhiidho ee Face-Book Qoraalkaas oo u dhignaa sidan:- “ Shaqo la’aanta taagan iyo baabi’inta wadhatada wadooyinka Hargeysa waa laba kala fog. taasi waa mid niyad jab ku ah dhallinyarta iyo shaqadoonka wadanka. ilaalinta sharcigu waa muhiim laakiin waxkasta waxaa ka horeeya ilaalinta baahida qofka….. Waajibka dawladdu waa inay samayso suuqyo ganacsi , markaas ayay tahay inay waddooyinka bannayso. Allaah mahad leh.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha WADDANI. Hadalka Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa ka dambaayey ka dib markii maalintii doraad ay Ciidamada Boosliska iyo Dawlada Hoose ee Hargeysa ay Hawl gal khasaare ka dhasahay ay ka fuliyeen jidadaka Caasimada Hargeysa, iyagoo xoog u adeegsada dad danyar ah oo ku ganacsada Laamiyadaasi, taasi oo dhalisay in Xisbiyada Mucaaridka ee WADDANI iyo UCID ay Cambaareeyaan, Mayarka Hargeysina uu cambaarayntaasi ku tilmaamay Been iyo Jaah wareerin. Leave a comment |
|
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Hawl Galada Dawlada Hoose Ee Hargeysa Ku Tilmaamay Kuwo Niyad Jab Ku Ah Dhalinyarada Shaqo La’aanta Aafaysay
Hargeysa(xogreebnews.com- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Somaliland ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka hadlay Hawl galada ay Dawlada Hoose ee