wasiirka Arrimaha Gudaha oo soo saaray qoddobo bilicda kor loogu qaadayo xilli Dawladihii Hoose Ragaadeen

0
Thursday August 01, 2013 - 19:40:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    wasiirka Arrimaha Gudaha oo soo saaray qoddobo bilicda kor loogu qaadayo xilli Dawladihii Hoose Ragaadeen

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed warancadeWarancade ayaa soo saaray go’aamo Dawladaha Hoose, Badhasaabada iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed warancadeWarancade ayaa soo saaray go’aamo Dawladaha Hoose, Badhasaabada iyo Taliyayaasha Booliiska uu ku amrayo in Bilicda magaalooyinka kor loo qaado mudada kooban ee ka hadhay bisha Barakaysan ee Ramadaan.
awaamiirta uu Warancade soo saaray waxay u qornaayeen sidan:-

1. Markii ay wasaarada arimaha guduhu aragtay baahida loo qabo in dib u habayn lagu sameeyo bilicda magaaloyinka leh laamida sida

2. Markii aanu aragnay in wax qof karo qaran ku xumaan karo waxay wasaarada arimaha guduhu soo saartay amaradan.


a) Waxa la amrayaa qof kaste oo leh dhisme ganacsi ama dhisme guri oo ku soo jeeda waddooyinka laamida ah inuu dhiso qurxiyana sadexda mitir ee u dhaxeeya gurigiisa iyo laamida hor marta isaga oo isticmaalay mar marka laga soo saaro Somaliland ama wax u dhigma.

b) Waxa la amrayaa meherad kasta oo inay horteeda halka la dhigayo marmarka ay ku beerto laba geed oo ay iyadu ma masuul tahay waraabintiisa iyo korintiisa.

c) Waxa la amrayaa inay meherad kastaa yeelato haan yar oo ay ku urursato qashinkeeda inta uu soo marayo baabuurka qashinku.

d) Waxa la amrayaa in Dawladaha hoose isku duba ridaan habka farsamo ee loo samaynayo marmarka si qofba waxa uu doono iyo sida uu doono aanu u dhigin marmarka.

d) e) Waxa la amrayaa Dawladaha hoose in ay nidaamiyaan Taagista, Biraha dhaadheer ee Security Light-ka ee Magaalooyinka oo ah nooca standard-ka caalimiga ah ee dhaadheer, iyaga oo boqolkii mitirba ku xidhi doona haan caag ah oo dadka wadada maraya ay ku ridaan qashinka, subaxiina lagu qaado Baabuurta qashinka ee wadada u xil saaran.

e) f) Waxa la amrayaa dhamaan Dawladaha hoose in ay hirgaliyaan mashruucan dhamaadka bisha ramadaan.
f) g) Waxa la amrayaa in Dawlad hoose kastaa iyada ay bilawdo sadexda boqol ee mitir ee ugu horeeya Magaalo kasta si looga shidaal qaato, habka dhismaha loo samaynaayo, isla markaana waxay Dawlada Hoos mas?uul ka tahay qorshaha dhismaha iyo dabagalkiisa, isla markaana waxaa la farayaa gudoomiyayaasha Gobolada Taliye Qaybeedyada Booliiska in ay gacan ka siiyaan hir galinta mashruucan iyo soo celinta bilicda Magaalooyinka iyo Nabadgalyadooda
g) h) Dawladaha Hoose waxaa la farayaa in ay habeen walba xaadhaan wadooyinka camuudu fuushay

h) i) Dadwaynaha waxaa lagu wargalinayaa in ay meherad kastaa ama dhisme kastaa ay ka mas?uul tahay nadiifinta hortooda isla markaana aan lagu shubin biyaha wasakhda ah laamiga.

i) Sidaas darteed, waxaa la idin farayaa in aad Digreetadan sideeda u dhaqan galisaan.
go’aanka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya Xilli Golayaashii deegaanka ee Somaliland ay ka soo baxayso dadweynaha in ay Quus ka joogaan haw maalmeedkii ay Dawladaha Hoose u xil saarnaayeen, iyadoo qashin ka tuulmay marka laga yimaado wax ka qabasho la’aantiisa ay u dhaqaaqeen Boobka Dhulka Danta Guud ah, taasoo keentay in khilaafaad culusi dhexdooda ka dilaacaan, isla markaana ay ragaadaan shaqadii ay Qaranka u qaabilsanyaaeen ee loo doortay.
Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadda Dhexe ayaa hore u soo saartay in Lacagaha Kabka ah ee Dawladda Dhexe u qaado Dawladdaha Hoose aan la siin ilaa iyo ay keenayaan Mashaariic waxtar u leh magaalooyinka darajadoodu tahay (A) ama magaalooyinka Waaweyn, isagoo Madaxweyne Siilaanyo si toos ah ugu xil saaray arrintan dabagalkeeda Wasiiradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale iyo Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade.
si kasta ha ahaatee Wasiir Warancade oo dhawaan xilka la wareaegay isla markaana u jajaban fulinta Mashaariicda hay’adaha loo dhiibo ayay noqonaysaa talaabadii ugu horaysay ee uu qaado, maadaama Xukuumadda Kulmiye hore u fulin kari weyday Ololihii Nadaafadda ee Toddobaadlaha ahaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured